Xukuumadda uu Muse Bixi soo dhisi doono dhawaan, oo cid ka war haysaa aanay jirin, iyo wararka laga qabo in ay soo noqonayaan wasiirradii hore ee musaqa, maamul xumada, aqoon darrida iyo qabyaaladda caanka ku ahaa.

Waxa Daabacay on Dec 6th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – London – Mar aan maanta booqannay social media-ha gaar ahaan Facebook, waxa na soo jiitay fikrado ay muwaaddiniinta reer Somaliland kuwooda aqoonta lihi ku soo qoreen boggooda, waxana ay fikradahaasi amma aragtiyahaasi daarranaayeen dawladda uu soo dhisi doono Muse Bixi Cabdi oo dhawaan loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha beddeli doona Ahmed Siilaanyo.

 

 

Sida laga warqabo xilligan, waxa la sheegayaa in siyaasaddii Muse Bixi ay isku beddeshay mid aan sirteeda la garanayn, cid ka warrami kartaana aanay jirin. Balse waxa wal-wal badan laga qabaa in ay golihiisa wasiirrada lagu arki doono  wasiirradii ka faa’iidaystay itaal darradii Ahmed Siilaanyo, kuwaasi oo caan ku ahaa dhul boob, musuq maasuq, qabyaalad iyo aqoon darro aanay caalamka waxba ka iibin karayn.

 

 

Haddaba arrintaasi ayaa aqoon yahan reer Somaliland ahi, kaga faallooday boggiisa Facebook uu ku leeyahay. Qoraalkiisiina sidan ayuu u dhignaa:

 

 

SUMCAD DHAWRASHO: MUUSE BIIXI IN AAN SII TAAGEERO IYO IN KALE WAXA AY KU XIDHAN TAHAY NOOCA DAWLADDA UU SOO DHISO IYO SIYAASADDA UU QAATO.

 

 

Emmerson Mnangagwa waa Madaxweynaha dhawaan loo dhaariyey dalka Zimbabwe. Mr Mnangagwa waxa uu talada kala wareegay hoggaamiyihii muddada dheer haystay Zimbabwe Mr Robert Mugabe oo uu konton sano gacan-yare u ahaa – intii danbena Madaxweyne Ku-Xigeen.

 

 

Markii talada dalka loo dhiibay shacabka Reer Zimbabwe farxad iyo raynreyn ayey ku qaabileen – sababtuna waa in ay aad u filayeen in uu la yimaaddo Madaxweynahooda cusubi is-beddel baaxad weyn oo aannu raacin raadkii iyo jidkii hore ee qarankooda ragaadiyey baylahdana ka dhigay.

 

 

Madaxweyne Emmerson Mnangagwa ma yeelin sidii saxda ahayd ee shacabkiisu rabeen e, waxa uu dib u soo magacaabay raggii Mugabe ka tagey ee sicir bararka, musuqa, caddaalad-darrada iyo dib u dhaca horumarineed ku keenay dad iyo dal!

 

Isla saacaddii uu ku dhawaaqay dawladdiisa ayaa dal iyo dibed ba la caariday oo la gu oriyey – waxana la yaqiinsaday in uu durtaba fashilmay. Markii uu taa ogaaday ayuu dib u girifgirifleeyey oo durtaba maalintii dorraad ahayd beddelay labo ka mid ah golihii wasiirrada ee uu dib u soo khiyaamo magacaabay.

 

 

Si kasta ha u girifgirifleeyo e, ninkaa Emmerson Mnangagwa fashilan waxana muuqata in aan cid danbe waxba ka dhegaysan doonin. Waayo filashada iyo moodka dawladnimo waa judha iyo qacda hore ee ma aha labaclabacnimo iyo nin jeclaysi – waayo taasi siyaasaddaada waa ay kaa kharbudi.

 

Maanta ammuurtaa mid la mid ah waxa ay ka taagan tahay Somaliland oo Madaxweyne cusub dooratay. Shacabku iyo mucaaridka saliilyeysani isha ayey ku hayaan Muuse Biixi iyo nooca dawladda uu soo dhisi doono. Muuse Biixi waa uu ka duwan yahay Emmerson Mnangagwa; waayo si weyn ayaa loo soo doortay Muuse isna ballanqaadkii abid ugu weynaa ayuu dadkiisa soo hor-dhigay.

 

 

Ma afarta wasiir ee Kulmiye hore u ahaa ayaa ballanqaadkaa la fulin kara? Ma kuwii sicir bararka, qabyaaladda, eexda, musuqa iyo karti darrada caanka ku ahaa, oo miyaa la is-yeelyeelayaa? Sidee raggii dal iyo duunyaba feenatay la ii odhan horumar bay kuu soo sidaan? Ma caqligayga ayaa la caayayaa?

 

 

Maanta Muuse haddii uu soo celiyo rag aan ogahay hubaal dawladnimadiisu wareegga ugu horreeya ayey ku fashilmi. Shacabkuna rejadooda iyo taageeradooda dib ayey u la noqon. Inta ay goori goor tahay Muuse ha dagmin – danta hebel Kulmiye ayuu in badan ahaana Somaliland horumarinteeda iyo wanaageeda ka raac.

 

 

Haddii aad maanta dawlad hagaagsan shacabka u soo dhisto oo rag iyo dumar sumcad lihi hor joog u yihiin – shaqo wanaagsan iyo la xisaabtan na aad ka dabo keento waa la guu riyaaqi – haddiise aad xaylo baallaysato sida aan maqlayo waa kuu habeen baas iyo in aan cidina ku mahadin. La gaadh siyaasadda oo ka feejignow in ay adiga kula gaadh- dho.

 

 

Mohamed Hagi Mohamoud


This post has been viewed 5860 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress