Xukuumada Cusub ee R/Wasaare Khayre ku dhawaaqi doonaa haday ka bedelnaan weydo kuwii hore isbedel ma keenayso ?

Waxa Daabacay on Mar 14th, 2017 and filed under Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Maalmahan waxaa laga dhursagayaa oo si weyn loogu dhegtaagayaa ku dhawaaqista golaha wasiirada cusub ee uu soo saari doono R/wasaare Khayre, xukuumadan cusub ee ku timid doorashada golaha shacabka Soomaaliyee oo loo yaqaan xukuumada isbedeldoonka, waa mid rajo fiican gelaisay shacabka soomaaliyeed oo mudo 26 sano la soo kacaa kufaysay dagaalo sokeeye iyo kuwo kooxo magaca diinta Islaamka ku gabanaya.
Dhawaan markii la doortay M/weyne Farmaajo oo isagu ka guulaystay M/weynihii hore Xasan Sheikh wuxuu shacabka Soomaaliyeed u balan qaaday in xukuumadiisu noqon doonta mid u horseedi doonta ummada soomaaliyeed Amaan iyo dhabihii dawladnimo cadaalad ku dhisan, M/weyne farmaajo ayaa Halhays kiisu ahaa xiligii ololaha uu ku jiray ‘DANTA DADKA IYO DALKA’ Guusha farmaajo ayaana noqotay mid gobolada Soomaaliya si aad ah looga soo dhaweeyay, M/weyne farmaajo markii la caleemo saaray wuxuu si degdeg ah u soo magacaabay R/wasaare Khayre oo isagana Baarlamaanku codka u siiyay si kalsooni leh, Mr. Khayre wuxuu balan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad karti iyo hufnaan leh oo bulshada soomaaliyeed kala dabaalata dhibaha Abaaraha iyo colaadaha ee ku habsaday mudada 26 sano ah.
Hadaba Xukuumada uu soo dhisi doono R/wasaare Khayre oo si weyn loo naawilayo, waxaa la isweydiinayaa ma ka duwanaan doontaa xukuumadihii hore u soo maray dalkan mudooyinkan dambe, mise waa mid la mid noqon doonta oo ay ka muuqan doonaan shaqsiyaadkii ku soo fashilmay xukuumadihii kala dambeeyay.
Si kastaba ha ahaatee taageerada shacabka Soomaaliyeed u hayaan dawlada cusub ayaa ku xidhnaan doonaanta muuqaalka ay yeelato xukuumada cusub tiro ahaan iyo tayo ahaanba , hadaba ma noqon doontaa mid qof walba booska uu ku haboon yahay la geyn doono mise waxay noqon doontaa mid Qabaailka lagu qancinayo,si kasta oo ay tahayba mida la sugayaa waa Booska iyo Qofka ku haboon, balse loogama fadhiyo Boos loo magacaabo shaqsi aan karti iyo Aqoon u lahayn Mansabka la geeyay, isla markaana aan bulshada uGu adeegi Karin, xukuumadaasi waa muraayada laga dheehan doono masuuliyiinta la doortay ee M/weynuhu u horeeyo, kuna xigo R/wasaaraha iyo Baarlamaanka.
Awdalpress


This post has been viewed 2060 times.

Categories: Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress