XUBINTA CAAFIMAADKA: Cudurka Sonkorta ( diabetes ), sababta keenta, sida loo garto iyo sida loo daweeyo.

Waxa Daabacay on Jun 26th, 2017 and filed under Daily Somali News, Editorial, Education. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Qoraalkani waa mid faa’iido badani ku duugan tahay, sidaasi daraaddeed waxa muhiim ah in aad si fiican uga bogato. Waxa uu si faah faahsan uga warramaya, cudurka loo yaqaan Sonkorta ( diabetes ) iyo sababaha keena, calaamaadka lagu garto, noocyadiisa iyo sida loo daaweeyo.

 

Waxa jira dad badan oo aan qabin, balse u haysta in ay qabaan, isla markaana qaata daawooyin qalad ah oo wax yeeli kara xubnihooda jidhka. Gaar ahaan dadkaasi waa kuwa jooga goobaha aan lahayn qalabka sida fiican loogu baadho jidhka ama aan si joogta ah u tegin dhakhtarka.

 

Ha dhayalsan caafimaadka jidhkaaga.

 

 

BILOW

 

 

Dad aad u badan oo dunida guudkeeda ku nool ayaa qaba cudurka loo yaqaan sonkorta ( diabetes )  ama ka shakisan in ay qabaan. Dadka cudurkan run u qabaa, waa ay is mudaan, kuwa kalena kiniinno ayey qaataan. Waayadan danbena tirada soomaalida sonkorta qabta ayaa sii kordheysa sannadba sannadka ka danbeeya.

 

Faham kala duwan oo ay dad badani ka qabaan cudurkan sonkorowga ayaad mooddaa in ay wax badani ka qaldan yihiin, haddaba qoraalkan ayaan doonaynaa in idiinku soo badh-dhigno qoraalkan oo aan ka soo tarjunnay maqaallo muhiim ah iyo qoraallo aan ka hellay InterNetka. Waxanan si ballaadhan culayska u saarray arrimaha ay ka midka yihiin: Waxa uu yahay cudurka sonkorowgu, waxa keena, inta qeybood oo uu qeybsamo,Calaamdaha uu caanka ku yahay iyo waxyaabo kale oo badan, waxanan isku dayi doonnaa in aan usoo bandhigo si fudud oo qof walbi u fahmi karo.

 

Cudurka loo yaqaan Sonkorta ayaa ka dhasha khal-khalka ku yimaadda qaabka uu jirku u burburiyo ama u sameysto nafaqooyinka uu u baahan yahay ( Metabolic disorder ), taasi oo ugu danbeynta sababta in xaddiga sonkorta ee dhiigga la socdaa kor u kaco (hyperglycemia) ama hoos u dhaco (hypoglycemia). Kor u kacaasi ama hoos u dhacaasi oo ku xidhan hadba nooca khal-khalka ah ee shaqada jidhka ka socota ku dhacda. Arrintan oo u baahan in aan si faahfaahsan uga hadallo, ayaan in badan qoraalkan ku soo bandhignay. Inkasta oo aan ka cudur daaranayno in aannaan wada tahli karin cilmiga ku duugan xaalka cudurka aan ka hadlayno.

 

 

Sonkorta ayaa ah midda ugu wanaagsan ee uu jidhka aadanuhu tamarta ka sameysto, waxaa jira noocyo fara badan oo sonkor ah,  balse mida ugu badan ee uu jidhku isticmaalaa waa midda loo yaqaan kuluukoos (glucose), xubnaha isticmaala sonkorta ugu badan ayaa waxa ka mid ah:

 

1) Maskaxda

2) Murugyada

3) Habdhiska lafaha (skeleton system) iyo xubna kale oo muhiin ah.

 

Xaddiga sonkorta caadiga ah ee dhiiga qofka caafimaadka qaba la socda ayaa ah 80 ilaa 110 milligram oo sonkor ah 100-kii mililitir ee dhiig ahba (80-110mg/dl).

 

Maalin walba waxaan isticmaalnaa xaddi sonkor ah oo badan ama inta loo baahan yahay ka yar. Laakiin su’aasha meesha taal ayaa ah xaggee ayay sonkortii badneyd ee aad isticmaallay jidhkeenna aadday ama tagtay? maxaase maamula in aysan sonkorta qofka aan cudurka sonkorowga qabani xaddigeedii caadiga ahaa aysan ka badan ?

 

Waxa aynu wada ognahay in falgal kasta iyo shaqo kasta oo jirka aadanaha ka dhex dhaca uu RABBI ugu talagalay qaab uu jidhku u maamulo, sidaasi daraaddeed isticmaalka, keydinta, iyo sameysiga sonkorta ee jidhka waxaa maamula laba Dheecaan ( Hormones ) oo laga soo daayo unugyada xanshaareerida (pancreas cells) kuwaas oo kala ah

 

1) Insulin oo laga soo daayo unugyada xanshareerida ee loo yaqaan Beta cells.

 

2) Kuluukagon (glucagon) oo isna laga soo daayo Unugyada loo yaqaan Alpha cells ee               xanshareerida.

 

ARRINTA LA YAABKA LEH

 

Shaqooyinka ay qabtaan labadan dheecaan ( hormones ) ayaa ah kuwa liddi isku ah amma iska soo hor jeeda, waayo dheecaanka ama hormoonka insulin waxa uu hoos u dhigaa xaddiga sonkorta ee dhiiga la socota marka ay dhaafto xadigeedii caadiga ahaa, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah sidee buu hormoonkani hoos u dhigaa xadiga sonkorta ee dhiiga? Mar allaale iyo markii ay sonkorta dhiigu (blood glucose level) dhaafto xaddigii caadiga ahaa ayaa waxaa la cariyaa unugyada xanshareerida ee loo yaqaan Beta cells in ay soo daayaan hormoonka insulin kaas oo durbadiiba qabta ama fududeeya shaqooyinkan soo socda:

 

1)- In ay unugyo badan (cells), seedo (tissues), xubna badan (organs) oo jirka ka mid ahi sonkorta ka nuugaan dhiigga .

 

2)- In sonkor badan (glucose) si deg-deg ah loogu beddelo tamar kaydsan (glycogen), taas oo uu jidhku dib u isticmaalo xiliyada gaajada amaba xiliyada ay sonkorta dhiiggu ay hoos u kacdo.

 

3) In hoos loo dhigo burburinta Kaarboonhaydarayada (cuntooyinka sonkorta leh sida Macmacaannada, Bariiska, Baastada iyo IWM). si aanay sonkor badan oo kale jidhka loogu soo darin. Intaas oo shaqo ah marka uu hormoonka insuliinku qabto ayaa waxaa dhacda in sonkortii dhiigga la socotay ay ku soo noqoto xaddigeedii caadiga ahaa, unugyada xanshareeriduna hakiyaan soodeyntii hormoonka Insuliinka.

 

 

Haddaba khal-khal ku yimaadda soo deynta hormoonka insuliinka amaba carqaladeyn ku timaadda hannaanka shaqadiisa ayaa waxay sababtaa sonkorta dhiiga oo kor u kacda (hyperglycemia) ama hoos u dhacda (Hypoglycemia) taas oo inta badan aasaas u ah waxa loo yaqaan cudurka sonkorowga (Diabetes mellitus).

 

 

Mar haddii ay shaqada dheecaanka loo yaqaan insuliinku sidaa tahay,  waa maxay shaqada hormoonka kuluukagon (glucugon)? Xiliga uu qofku gaajeysan yahay amase aanu qaadan wax cunto ah oo sonkor leh ayaa waxaa hoos u dhaca sonkorta dhiigga, marka si sonkorta loogu soo celiyo xaddigeedii caadiga ahaa ayaa waxaa la cariyaa unugyada xanshareerida ee loo yaqaan Alpha cells kuwaas oo bilaaba in ay soo daayaan hormoonka kuulukagon, islamarkiiba hormoonkani waxa uu qabtaa howlahan.

 

1) sonkortii keydsaneyd (glycogen) ee jirka ayuu u bedelaa sonkorta loo yaqaan kuluukoos (glucose) taas oo keenta in sonkortii dhiiga la socotay kor u kacdo ilaa ay ka gaadho xaddigii caadiga ahaa.

 

2) Waxa ay shaqadaasi carisaa in Duxda (lipids) iyo borotiinkii (proteins) loo bedelo sonkor (glucose) taasina waxa ay dhacdaa xiliga macaluusha ama gaajada siyaadada ah waqtigaas oo sonkortii keydsaneyd ee jirka loo isticmaalay tamar ahaan, u bedelida duxda iyo borotiinka loo bedelaa sonkor (Glucose) waxa ay kor u qaaddaa sonkortii dhiigga ee hoos u dhacday. Mar hadii ay sonkortii dhiiggu (blood Glucose level) ay ku soo noqoto xaddigeedii caadiga ahaa, unugyada Alpha cells ee xanshareeriduna waxay ay hakiyaan soo deyntii hormoonka kuulukogon (glucugon).

 

Intaas hadii aan ku dhaafno qaabka loo xakameeyo sonkorta jidhka qofka caafimaadka qaba, aan u soo noqonno maxaa keena in sonkorta qofka cudurka sonkorta qabaa ay inta badan ka sarreyso xadigeedii caadiga ahaa ee loo baahnaa in uu dhiiga la socdo.

 

 

Maxaa sababa cudurka sonkorowga (diabetes mellitus).

 

 

 

Sidii aan hore u soo sheegnay sonkorta jirka iyo waxa xakameeya oo ku ilaaliya in aanay dhaafin ama hoos uga dhicin xaddigeedii caadiga ahaa, iyo doorka ay ka qaataan hormoonnada kala ah Insuliin iyo kulukogon (glucogon). Sidoo kale waxa muhiim ah in aan isla fahamnay in khalal ku yimaadda saameynta, soodeynta, iyo hannaanka shaqada ee hormoonadani ay aasaas u yihiin cudurka sonkorowga, khalaalkaasi waxa uu ahaan karaa.

 

SI KALE HADDII AAN U DHIGNO

 

1) Hawl gab ku yimaada unugyada xanshareerida ee loo yaqaan beta cells ee soo daaya hormoonka insuliinka, ayaa sababa in aan wax insulin ah la soo deyn, kadibna sonkortii jidhku ay kor u kacdo maaddaama aanu jirin hormoonkii xakameyn lahaa, sonkorowga noocan oo kale ah ayaa waxaa loo yaqaan Nooca kowaad ee cudurka sonkorowga, afka qalaadna lagu yidhaa ( Type I diabetes). Qofka qaba cudurkan sonkorta ee noocan oo kale ah, waxa u baahan in si joogta ah loogu turqo ama loogu mudo hormoonka Insuliinka.

 

2) Unugyada jirka ee u qaabbilsan in ay qaabilaan (receptor cells) hormoonka insuliinka oo howshoodii hoos u dhacdo, sababana carqaladeyn ku timaado howshii hormoonka insuliinka, taas oo keenta in xaddigii sonkorta dhiiggu uu kor u kacda , sonkorowga noocan oo kale ah ayaa waxaa loo yaqaan Nooca labaad ee cudurka sonkorowga (Type II diabetes), sonkorowga noocan oo kale ah ayaa inta badan ka sahlan midkii aan hore u soo sheegnay inta badanna ku dhaca dadka da’doodu ka weyn tahay Afartan jir iyo dadka aadka u buurbuuran (Obesity), bukaha qaba nooca labaad ee sonkorowgu uma baahna in lagu turqo hormoonka insuliinka, hanaanka loo maamulo bukaha sonkorowa noocan oo kale qabaana dib ayaan uga hadli doonaa. Ogow in cudurka sonkorowgu uu ka mid yahay cudarrada la is dhaxal siiyo oo lagu qaado hiddaha.

 

 

Calaamadaha uu caanka ku yahay cudurka sonkorowgu.

 

 

Calaamadaha in badan lagu arko bukaha sonkorowga qaba ayaa waxaa ka mid ah. · Kaadi macaan (glucosuria) · Kaadi badan oo xad-dhaaf ah, qofka oo labadii saacba mar kaadsha (Polyuria)· Harraad fara badan (Polydipsia)· Gaajo fara badan (ployphagia)· Miisaanka qofka oo hoos u dhaca ( weight loss)· Hamiga galmada ee ragga oo hoos u dhaca (impotence)· Daal (fatigue)· Qalleyl ama cuncun jirka ah ( dry or itchy skin)· Aragtida oo shucaac ama ciiro gasho (blurry vision)· Afka oo qallala (dry mounth).

 

 

Xakameynta sonkorta bukaha cudurka sonkorowga qaba.

 

 

Sidii aan horeba u soo sheegnay cudurka sonkorowga (diabetes mellitus) waxaa uu u qeysamaa laba qeybood oo Kala ah:

 

1) Nooca kowaad ee sonkorowga ( type I diabetes mellitus)

 

2) Nooca labaad ee sonkorowga ( type II diabetes mellitus).

 

Xakameynta sonkorta bukaha sonkorowga qabaa waxa ay ku xidhan tahay hadba nooca sonkorowga ee uu qabo tusaale ahaan bukaha qaba nooca kowaad ee sonkorowgu waxaa uu u baahan in si joogta ah loogu turqo hormoonka insuliinka si loo xakameeyo sonkorta jidhkiisa, ku turqidda hormoonkan ayaa iyana u baahan in la isticmaalo xaddi go’an oo uu dakhtar qeexay sidoo kale bukuhu sonkorowga noocan oo kale qabaa waa in uu ka fogaadaa isticmaalka sonkorta iyo cuntooyinka sonkorta leh.

 

Waxaa iyadu fudud xakameynta sonkorta bukaha nooca labaad ee sonkorowga qaba maxaa yeelay bukaha Sonkorowga noocan oo kale ah qabaa uma baahna in lagu turqo hormoonka insuliinka ee waxaa sonkortiisa lagu ilaalin karaa iyada oo la xakameyo cuntooyinka uu isticmaalayo, in uu sameeyo orod iyo socod (fiyaato), in uu si joogta ah ula socdo xaddiga sonkortiisu mareyso maalin walba waxaa jira daawooyin ka qeyb qaata hoos u dhigga sonkorta bukaha Sonkorowga noocan oo kale qaba, daawooyinkaasna waxaa lama huraan ah in uu dakhtar qoro, oo xaddiddaa xadiga uu bukuhu isticmaali karo.

 

Mowduucan oo runtii ah mowduuc aad u balaadhan oo aan lagu soo koobi karin hal qoraal iyo wax la mid ah, waayo waxa jira noocyo kale oo cudurka sonkorowga ka mid ah oo aanan qoraalkan uga hadlin sababaha jira awgood, si kastaba xaaladdu ha ahaatee waxaan rajaynaynaa in qofkii akhriya qoraalkani uu ka heli doono fikrad kooban oo ku saabasan waxa uu yahay cudurka sonkorowgu.

 

waxa soo diyaariyey

Ahmedweli Goth


This post has been viewed 12251 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial, Education
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress