Xildhibaan Ahmed-Yaasiin Sh. Ali Ayaanle oo hadhimo la wadaagay waxgaradka beesha Adan Yonis ee garabka Kulmiye. ( Halkan ka daawo )

Waxa Daabacay on Oct 10th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – London – Beelweynta Adan Yonis ee Samarroon oo ka mid ah beelaha cududda leh ee xisbiyada tartamayaa ay ku dagaallamayaan, ayaa maanta hadhimo iyo hadal la wadaagtay Guddoomiye ku xigeenka Wakiillada Somaliland Xildhibaan Ahmed-yaasiin Sh. Ali Ayaanle.

 

Kulankan oo ay beeshu ku muujinaysay cududdeeda taageero ee xisbiga Kulmiye ayaa ahaa mid mug iyo miisaan lahaa. Waxana ay ballan qaadeen in ay codkooda siin doonaan xisbul xaakimka Kulmiye.

 

Xildhibaan Ahmed-yaasiin oo ka mid ah hal doorka xisbul xaakimka ayaa isna soo dhaweeyey rabitaanka beesha, waxana uu u jeediyey qudbad muujinaysa in uu ku faraxsan yahay mawqifkooda.

 

Beeshani ayaa hore u caddaysay in ay taageeradooda siin doonaan xisbiga Waddani. Iyaga oo xisbigaasi ka dhex arkaya Siyaasigooda Alla-bari. Prof. Alla-barina waxa uu aad ugu farxay sida tolkii u yihiin isbeddel doon.

Awdalpress


This post has been viewed 9831 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress