Weli ma aragtay madaxweyne la af-ganbiyey oo haddana xaflado dalkiisa ka dhacaya ka qayb galaya. ( Halkan ka akhriso adiga ayaa yaabiye )

Waxa Daabacay on Nov 17th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ee ciidammadiisii xabsi guriga dhigeen ee weli xilka ka raaraca, ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday meel fagaaro ah tan iyo intii maalmo ka hor ay ciidanka la wareegeen awoodda dalkaas.

Mugabe ayaa waxaa waardiyaynayay askar militariga ka tirsan

Mugabe ayaa ka qeybgalay xaflad qalinjabin ah oo lagu qabanayay jaamacadda Zimbabwe oo uu ka mid yahay madaxda jaamacadda, wuxuuna halkaas ka jeediyay khudbad dheer.

 

Saacad badan ayaa u dhacay Mugabe markii uu soo muuqday, balse lama aysan socon xaaskiisa Grace iyo waliba wasiirkii waxbarashada Jonathan Moyo oo Grace isbahaysi la leh.

 

Madaxda ciidanka ayaa sheegay in ay waxoogaa horumar ah ka sameeyeen wadahadala ay la leeyihiin Mugabe oo xabsi guri ku jiray.

 

Mugabe ayaa shahaado guddoonsiiyay Marry Chiwenge oo ah xaaska taliyaha ciidammada ee isaga awoodda kala wareegay, sida ay tabisay warbaahinta dowladda.

 

Askarta ayaa talaabo qaaday kadib markii Mugabe uu shaqadii ka eryay madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa, kaas oo loo arkay in uu yahay ninka ay suurtogalka tahay in uu badali doono Mugabe. Balse Mugabe ayaa xaaskiisa u waday in ay isaga badasho.

 

Grace Mugabe oo loo malaynayay in ay dalka ka baxday ayaa waxaa la ogaaday in ay wali guriga la joogto Mugabe.

Wadahadalada Mugabe lala leeyahay ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiiro dalka Koonfur Afrika ka yimid oo dhexdhexaadin ka wada Zimbabwe.

Sida uu ku waramayo Joseph Winter oo ka mid ah tifaftirayaasha BBC-da ee Afrika, inkasta oo militariga ay majaraha u hayaan Zimbabwe, haddane wali waxa ay Mugabe ugu yeeraan “Madaxweynaha sharafta leh”.

Waxa uu intaas ku daray in sababta loogu ogolaaday in uu xafladda jaamacadda uga qeybgalo ay tahay in ay run u ekeeysiiyaan sheegashadooda ah in ay waxa dhacay uusan ahayn afgambi.

Dhaqanka Zimbabwe dadka da’da ah lama ogola in wax xushmad darro ah lagula dhaqmo, manaba kusii jiro Mugabe oo xitaa madaxda mucaaradka ay ugu yeeraan “aabaha qaranka”.

Madaxda ciidanka iyo Mugabe waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u qoto dheer, waxayna u hayaan xushmad aad u tiro badan, mana sahlana in kalsoonidaas ay si sahlan ku burburto. Ciidammadda ayaa waxa ay waligood ahaayeen garabka hubeysan ee xisbiga ZANU-PF.


This post has been viewed 3870 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress