War deg deg ah oo naga soo gaadhaya colaadda la isku hor fadhiyo degaanka Tukaraq.

Waxa Daabacay on Jan 11th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – London – Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhaya jiidda hore ee dagaalku ka socdo, ee ay isku hor fadhiyaan ciidammada Somaliland iyo kuwa Puntland,  oo immiga  soo gaadhay shabakadda awdalpress, ayaa tibaaxaya in labada dhinacba ay ciidammo soo dhoobeen jiiddaasi. Gaar ahaan ciidammo u badan tikniko oo ka soo ruqaansaday Garawe, kuwaasi oo si xoog leh u dul yimid degaankaa ay colaaddu ka holcayso.

 

 

Dhinaca kale ee Somalilandna, waxa illaa iyo shalay la sheegayey in ay ciidammo aad u tiro badani u soo gur guuranayeen dhinacaa iyo Tukaraq. Laakiin illaa immiga rasaarta xooggeedu afka kamay bixin, waxase la isku hor fadhiyaa duleedka tuuladaasi Tukaraq.

 

 

 

Awoodda ciidan ee labada dhinac ayaa ah mid aan kala laad daadin, shacabka degaankaasina waxa ay dhinacooda ka is abaabul iyo  malleeshiyaad hayb qabiil loo abaabulay oo la safan dhinaca Puntland. Iyaga oo doonaya in ay ciidammada Somaliland dhabar jabin ku sameeyaan maaddaama ay aqoon u leeyihiin dhulka,  kadibna ay ciidammada Puntland u suurta gasho in ay muquunayaan amma  go’doomiyaan ciidanka Somaliland ee  jiidda hore ku jira.

 

Awdalpress


This post has been viewed 9670 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress