Tribute to Ambassador Mohamed Sh. Hassan Nuuriye in pictures

Waxa Daabacay on Nov 3rd, 2016 and filed under Englishnews, OPINION, Tacsi. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

image TAARIIKH NOLOLEEDKII AMB. MAXAMED SHEIKH XASAN NUURIYE.
Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun
Waxaa maanta ku geeriyooday magaalada Borama ee xarunta Gobolka Awdal Eebe Naxariistii Jano haka waraabiyee Danjire Maxamed Sh. Xassan Nuuriye ,
Marxuumku waxa uu ku dhashay tuulo u dhaw magaalada gabiley Oo lagu magacaabo Caro-baraar, isaga oo yar ayaa waxay Qoyskoodu u soo wareegeen Magaalada Aw-bare oo markaasi hoos imanaysay maxmiyadii Ingiriiska ,marxuunku waxa uu Yaraantiisii ku soo barbaaray isla Awbare .
Marxuunka wuxuu waxbarashada ka bilaabay Awbare oo Dugsiga hoose lagaqoray 1951 ,sida uu sheegay marxuumku waxaa qoray iskuuulka Maxamuud axmed Cali
oo markaasi maxmiyadii ingiriiska u ahaa (Inspector) Kormeerihii guud Dugsiyada .
image
1953 wuxuu u wareegay dugsigii dhexe ee Camuud .
marxuumku waxa uu waxbarashadii dhexe ku qaatay dugsigii Camuud, waxbarashadiisi sarena waxa ku bartay dugsigii sare ee Sheekh.
image
Waxbarashadiisi jaamacada waxa uu ku qaatay marxuumku Dalka India jaamacad la odhan jiray (Aligaram) oo muslimku lahaa waxa uu ku jiray jaamacadaasi mudo sadex sano ah waxana uu soo bartay cilmiga dhaqaalaha.
image
intaa ka dib marxuunku waxa ku soo laabtay Xamar sanad markii uu joogay waxa lagu daray survey ( Sahan) lasoo tirin jiray dadka iyo xoolaha waxana uu tagay marxuumka ilaa jamaame .
1969 waxaa uu tagay cariga maraykan waxana uu halkaasi ka galay jaamacadda (University Wisconsin Madison)
waxana uu ku diyaariyay Shahadaadiisii master ka (Economic Develoment ) waxana uu joogay mudo sadex sano ah .
Marxuunku markii u dhamaystay jaamcada waxa uu dib ugu soo laabtay dalka waxana uu ka shaqo galay wasaaradii qurshayn qaranka qaybta Statistics (Tiro koobka ) oo uu in mudo ah ka shaqaynaayay .
Marxuunku waxa uu dib ugu laabtay jaamacadii (Wisconsin Madison ) waxana uu soo joogay mudo sanad ah.
1971 ayuu marxuunku dib ugu laabtay xamar waxana uu shaqadii kasii waday wasaaradii qurshaynta qaranka .
Safarkiisii u horeeyay Wuxu raacay wasiirka Qorshaynta oo ahaa xiligaa Axmed Siilaanyo waftiga oo ka qaybgalay shir ka dhacay galbeedka afrika wadanka Ghana .
1971 -1979 waxa uu joogay wasaaradii qurshaynta qaranka waxana uu madax u ahaa mashaariicda (Technical departement).
image
1979 waxaa loo badalay wasaaradii arimaha dibada qaybta Economic Departement . maalin maalaha kamid ah isaga oo jooga marxuunku wasaarada ayaa loo yeedhay waxana loo sheegay in safiir looga dhigay wadanka CANADA .
image
1986 marxuumku wuxuu ka qaybgalay shirkii IGAD ee lagu Aasaasay Djibouti, Laguna heshiisiiyay Xukuumadihi Siyaad bare iyo Mangiste, wuxuu ka mid ahaa weftigii Maxamed Siyaad, halka walaalkii Ismail Sh Xasan oo safiir ahaana uu ka mid ahaa weftiga Mangiste, sidoo kale Aaden Sh Xasan oo isna safiir ahaa uu ka mid ahaa qabanqaabada shirka IGAD ee M/wayne Xasan Guuleed.
Mudo ka bacdi ayaa marxuunku loo badalay safaarada Somalia ay ku lahayd wadanka Negeria.
image
marxuunka oo jooga Negeria ayaa somalia ay ka bilaameen dagaaladii Sokeeye , Wuxu tegay USA Settle.
labo sano markuu joogay Canada ayaa waxa u tagay maraykan waxanaa shaqo ka helay FOA Barnaamij ay ciraaaq lahayd oo markii dagaalka ka bacdi loo sameeyay.marxuunku waxa uu halkaasi joogay ilaa 2003.
image
Marxuumku dagaalkii ciraaq ka bacdi waxa uu yimid Hargaysa waxana uu shaqo ka bilaabay hay’ada UNDP 2004-2007 .
2007 Waxaa loo magacaabay marxuunka safiirka Somaliland u fadhiya wadanka Itoobiya waxana uu marxuumku joogay ilaa 2010 kii .
Wixii ka danbeeyay intaasi waxa uu marxuunku wakhtigiisa badanki ku qaatay magaalada Borama oo ilaa hada uu joogay ilaa maanta oo 25/10/2016.

SAWIRADA SAFIIRKA WAXAAN KA HELAY CABDILAAHI CUMAR QAADI


This post has been viewed 3345 times.

Categories: Englishnews, OPINION, Tacsi
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress