Talo ku socota Xukuumadda Muqdisho iyo sida ay ula tacaali lahayn gawaadhida qaraxyada lagu fulinayo

Waxa Daabacay on Oct 18th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Sida ay dawlado badani ula dhaqamaan ammaan darrida iyo fawdada, ayaa waxa muhiim ah in tallaabooyinka qaar lagaga daydo dawladahaasi. Waxana muhiim ah in marka hore daacad laga noqdo wax ka qabashada ammaan darrida ka dhammaan la’ Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

 

Ugu horreyn waxan ognahay in kooxda xag-jirka ah ee Al Shabaab ay kow ka tahay ammaan darrida, kooxdan oo adeegsata dadka aanay maskaxdoodu caadiga ahayn iyo kuwa fuqarada ah. Sidoo kale waxa ay ku awro kacsadaan arrimo diineed jeebkooda ah, balse aanay garasho iyo aqoon u lahayn kuwa ay adeegsadaan.

 

Xukuumadda iyo ciidammada dawladda waxa muddaba ka go’nayd in ay ugaadhsadaan dadkaasi meel ay joogaanba, waxase ay ka gaabiyeen in ay ogaadaan kuwa jooga gudaha magaalooyinka ee u dhaqma sida dadka caadiga ah. Laakiin qorshaha iyo sahanka u gala Al Shabaab, iyaga oo adeegsanaya mobillada iyo social mediaha. Amma lagaca badan wata si ay qorshayaashooda ugu fuliyaan. Balse dadka isaga dhiga ganacsato.

 

Al Shabaab oo keliya maaha dadka ammaan darrida ka wada Somalia iyo Kenya, hase yeeshee waxa ku jira, kuwo gacan saar la leh, oo iyaguna dagaal kula jira shakhsiyaad iyo dawladaha jaarka ah. Dadka noocaasi ahi waxa ay isugu jiraan kuwo la garan karo iyo kuwo aan la qoonsan karin. Intabana waxa ka dhaxaysa wada shaqayn waanay is og yihiin. Xataa waxa ay xubno ka yihiin dawladda.  Mana kala laha qabiil balse waxa mideeya mabda’ a ah in argagixisada la xoojiyo.

 

 

Argagixisnimadu waa mid mararka qaar ku xoogaysata Somaliya mararka qaarna hoos u dhacda. Xilliyadan danbena waxa la sheegaa in laga soo abaabulo maamul goboleedyada, oo ay argaggixisado immiga ku leedahay saldhigyo xooggan. Ma garan karro in maamullada gobolladu ay xidhiidh toos ah la leeyihiin. Hase yeeshee, madaxda maamul goboleedyadu waxa ay u dhaqmaan sida maafiyada, awooddooda dhaqaale iyo ta millatarina marba marka ka danbaysa way sii xoogaysanayaan,  dawladda Federaalka ahina awood ay amar ku siiso malaha. Xataa haddii ay wada tashanayaan ayaa talada looga xoog badan yahay dawladda Muqdisho. Tusaale, ahaan usbuuc ka hor qaraxa Muqdisho waxa maamul goboleedyo dhawr ahi isugu tageen magaalada Kismaanyo, waxana ay caddeeyeen in ay ka soo hor jeesteen siyaasadda dawladda Federaalka ah ee caalamka ay kula dhaqmayso.

 

Dawladaha Federaalka ah sida Ethopia, waxa xoog badan dawladda dhexe, maamul goboleedyaduna waxa ay ka amar qaataan dawladda dhexe, awood fara gelineedna kuma laha siyaasadda dawladda dhexe ee Addis Ababa, siyaasadda arrimaha dibadda ee Ethopia na si caalami ah ugama hadli karaan. Sidoo kale maamul goboleedyadu shirar iyo heshiisyo lama geli karaan dawladaha caalamka. Dawladda dhexe ee Addis Ababa ayuunbaa heshiis iyo wada hadal la geli karta dawladaha caalamka.

 

Laakiin Federaalka Somalia sidaa maaha, waxana ay u dhaqmaan sidii ay kala madax bannaan yihiin, awooddoodiina waxa ay gaadhay in ay heshiisyo la soo galaan dawladaha jaarka, kuwo Khaliijka iyo shirkado caalami ah. Haddiiba ay muddo sidaa ku soo dhaqmayeen amma ku sii dhaqmaanna, waxa aan shaki ku jirin in aanay dib ugu noqon karin maamul gobol oo keliya. Arrintaasina waxa ay wax ka qabashadeedu u taallaa dawladda dhexe ee Muqdisho.

 

Immiga iyo haatan xaal waxa uu marayaa in ammaankii Muqdisho faraha ka baxo, lagana fekero sidii waxa looga qaban lahaa;

 

TALO

 

1.  Marka ugu horreysa waa in uu Madaxweynuhu isugu yeedhaa madaxda maamul goboleedyada oo ay ku jiraan wasiirrada, madaxda Baarlamanka iyo saraakiisha ciidammadu, oo ay deg deg u soo galaan Muqdisho.

 

2. Hay’adaha sir doonka oo ay ku jiraan kuwo caalami ahi waa in ay baadhis ku soo sameeyeen magaalo madaxyada maamul goboleedyada. Qof kasta oo laga shikiyana toos ha loo keeno Muqdisha.

 

3. Dhammaanba dadka ganacsatada ah halla diiwaan geliyo iyaga iyo hantidoodaba. Baadhis qoto dheerna lagu sameeyaa.

 

4. Dhammaan gaadiidka waaweyn waa in laga saaraa caasimadda iyo magaalooyinka waaweyn, goobo mucayinana loo sameeyaa. Gaadiidka lagu soo gato raqiiska ee bannaanka lagala yimaaddana halla xakameeyo. Hana lagu cashuuro qiimaha ay soo siisteen mid la mid ah ama ka badan.

 

5. Halla kordhiyo cashuurta waddooyinka ee gaadiidka laga qaado sannadkii, ugu yaraan 2000 oo doller gaadhigiiba hallagu cashuuro. Si ay u yaraadaan baabuurta dariiqa martaa. Shirkado caalami ahna halloo dhiibo maamulka cashuur qaadista, si ay baabuurta ugu dhajiyaan Chipp u sheegaya baabuurku in uu cashuuran yahay iyo in kale.

 

6. Ciidammada sirdoonku yey noqon kuwo meel keliya laga maamulo, waa in ay noqdaan kuwo iyaga laftoodu is basaasa, si ay ammaanka u wada ilaaliyaan.

 

7. Dawladda dhexe ee Muqdisho kama maaranto in ay garab weydiisato dawladaha waaweyn si ay uga taageeraan argagixisada.

 

8. Xilligan immiga lagu jiro, waa in magaalada Muqdisho lagu soo rogaa xaalad deg deg ah, isu socodka gaadiidkana la xakameeyaa. Ciidanka hawl gelayaana uu noqdaa mid disibiliinkiisu aad u sarreeyo, kuna hubaysan hubka fudud ee casriga ah.

 

Awdalpress

 

 


This post has been viewed 7461 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress