Taariikhda nololeed ee allahaa unaxariiste Generaal Maxamed Rooble Goobaale

Waxa Daabacay on Mar 5th, 2017 and filed under Daily Somali News, Editorial, OPINION, Tacsi. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Taariikhda nololeed ee allahaa unaxariiste Generaal Maxamed Rooble Goobaale
Allahaa u naxariistee Generaal Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale waxaa uu ku dhashay degmada Xarardheere ee gobalka Mudug sanadkii 1956di wuxuuna isla halkaasi ka galay dugsigii quraanka kariimka oo uu ku dhamaystay,
Isla gobalka Mudug ayuu marxuub Generaal Goobaale ku dhamaystay dugsiga hoose dhexe,kadibna wuxuu usoo wareegay gobalka shabeelada hoose gaar ahaan degmada Sablaale halkaasoo uu kaga baxay dugsiga Sare taariikhdu markii ay ahayd 1975ti.
Allahaa u naxariiste Generaal Goobaale waxaa uu sanadkii 1976dii uu ka mid noqday ciidamada Xoogga dalka wuxuuna tababarkiisa ciidanimo ku qaatay dugsiga Hiilweyne ee gobalka Shabeelada dhexe.
Markii uu dhameystay tababarka dhinaca ciidanka waxaa uu shaqadiisi ugu horeysay ka bilaabay qayta 26 aad ee ciidamada malateriga sanadkii 1977dii
Generaalka ayaa waxaa waxaa uu isla xilligaasi ka mid noqday askar soomaaliyeed oo ka qayb galay calansaarkii xornimada dalka Jabuuti taariikhdu markii ay ahayd 27/6/1977.
Isla sanadkaasi ayaa waxaa Marxuum Goobaale uu ka mid ahaa askartii loo diray dagaalkii Itoobiya iyo Somaliya isagoona ka dagaalamay aaga magaalada Diriridhaba ee dhulka somalida Itoobiya waxaana uu halkaasi ku qaatay darajada Xidigle iyo waliba Bilad geesi.
Kadib markii laga soo laabtay dagaalkii 1977 waxaa Marxuum Goobaale uu dib ugu noqday qaybtii 26aad ee uu ka tirsanaa waxaana loo dhiibay qaybta saadka ee ciidamada
Sanadkii 1981 Generaal goobaale waxaa loo diray koorso ciidan oo uu ka galay kuliyada Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho wuxuuna hakaasi ku qaatay xidigtiisi labaad.
Marxuum goobaale waxaa uu dib ugu noqday qaybtii uu ka tirsanaa isagoo ahaa sarkaal firfircoon oo si aad ah ay u jeclaayeen askartii iyo saraakiishi uu la shaqeyn jiray
1983 waxaa uu qaatay xidigtiisi saddexaad wuxuuna noqtay captain ka tirsan ciidamada xooga dalka somaliya.
1985 Marxuum Goobaale waxaa loo diray koorso ciidan oo uu ka galay dalka Masar wuxuuna koorsadaasi kadib oo ku beegnayd sanadkii 1986 dii uu qaatay darajada Gaashaanle.
1989ki waxaa uu qaatay darajada Gaashaanle dhexe,kadib burburkii dowladii dhexe ee somaiya Marxuub Goobaale waxaa uu si weyn ugu dadaalayey sidii dalka ay ugu dhalan lahayd dowlad somaliyed dibna isla markaana dib loogu dhisi lahaa ciidamada qalabka sida
Sanadkii 1999 wuxuu noqday taliyihii ciidamada ee maamulka isbaheysiga dooxada jubba,sanadkii 2002 oo ahayd dowladii C/qaasim Salaad Xasan ayaa waxaa Goobaale la siiyey darajada Gaashaanle sare.

sanadkii 2004wuxuuna xubin ka ahaa wafdigii ka socday maamulka isbaheysiga dooxada uu tagay sharkii somalida ugu furmay magaalada Eldoret ee dalk Kenya
sanadkii 2006dii Generaal Goobaale waxaa uu hogaaminayey ciidamadii magaalada Muqdisho kula dagaalamay ciidamada Itoobiya oo si sharci daro ah dalka ku soo galay isagoo ka soo horjeeday soo gelintaanka ciidamada Itoobiya ciidamada soomaaliya
Sanadkii 2009 ee dowladdi Shiiq Shariif wuxuu gacan weyn ka gaystay dhismaha ciidamada qalabsida iyo dhaqan celinta maleeshiyooyinka isagoo noqtay taliye sare oo ka tirsan ciidamada dowlada waxaana loo yaqaanay taliyaha labada ciidan oo loo jeeda malateriga iyo booliiska
Sanadkii 2010 marxuum Goobaale waxaa uu qaatay derajada General ama sareeye guuto.
Wuxuuna shaqsi ay si aad ah u jeclaayeen ciidamadi uu madaxda u ahaa iyo waliba saraakiisha ciidamada xooga dalka.
Wuxuu ahaa nin go,aan iyo balan leh isagoo ahaa sidoo kale shaqsi naxariis iyo dulqaad badan
General goobaale wuxuu lahaa haybad u hogaamineed taasoo u suura geliyasay in uu meel sare ka gaaro dhinaca darajada ciidamada
Allahaa unaxariistee Goobaalewaxaa uu geeriyooday 18/9/2016 isagoo xilligaasi ku guda jiray waajibaadkiisi shaqo wuxuuna ahaa taliyihii guutada saddexaad ee ciidamada xooga dalka soomaaliyeed iyo taliyaha ciidamada daraawiishta oo ah ciidan u tababaran sida malateriga
19/9/2016 waxaa allahaa u naxariistee Generaal Goobaale aas qaran oo ay ka qayb galeen madax sare sare loogu sameeyay wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.
Dhimashada Generaal Goobaale waxaa si weyn ugu naxay shacabka,saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo madaxda dowladda somaliya isagoo lagu xasuusto shaqsi howl kar ahaa isla markaana aysan iloobi doonin ciidamada soomaaliyeed
Naxariiste jano allahaa ka waraabiyo

Waxaa diyaariyey AVV Cabdiraxmaan Maxamuud Cali


This post has been viewed 3285 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial, OPINION, Tacsi
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress