Sicir bararka Somaliland ka jira oo fara baas ku haya da’yarta iyo dan yarta.

Waxa Daabacay on Apr 14th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – Hargeysa – Sicir barata lagacta Somaliland ayaa maalinba maalinta ka danbaysa cirka isku shareeraysa, waxana laga baqayaa in ay usbuucyada oo socota laban laabanto. Illaa immigana dawladdu ma hayso wax xal ah.

 

Dhaqaala xumadada ka dhalatay sicir bararka lacagaha ayaa saamayn weyn ku yeeshay da’yarta wax barata ama shaqaqaysta iyo kuwa shaqo doonka ahba. Sidoo kale waxa wel wel iyo walaac laga qabaa, in dan yarta iyo dadka dhaqaalohoodu aadka u liitaa ay waayaan wax ay quutaan. Gaar ahaan xaaslayda carruurtu ku badan tahay.

 

Waxa kale oo dalka iyo dadka ku habsatay abaar aad lagu baaba’ay, welina looma helin gurmad ku filan iyo kaalmo lagu caawiyo dadka ay abaaruhu halakeeyeen. Siyaasiyiinta iyo hay’adaha dawliga ah ee dalka hoggaamiyaana waxa ay ku mashquulsan yihiin ololaha doorashada dhici doonta dabayaaqada sannadka.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa sii gudhaysa rajadii Somaliland ay dadku ka qabeen.

 

Awdalpress


This post has been viewed 2031 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress