Qaybtii 3aad ee barnaamijka xasuus-reer iyo DR. Mohamoud Sh. Hassan Tani oo ku soo bandhigay sheekadii ugu naxdinta iyo yaabka badnayd ee ku soo martay jeelkii labaatan-jirow. ( Film-kani innaba caadi maaha )

Waxa Daabacay on Jan 22nd, 2018 and filed under Daily Somali News, Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – London – Barnaamijkan xasuus-reeb, oo uu farsameeyey wariye Ducaale ayaa waraysiga uu DR. Tani la yeeshay u kala qaybiyey qaybo saddex ah. Waxanan qaybihii hore ku soo aragnay, sidii DR. Tani iyo saaxiibadii uga gil-gisheen dhibtii ka jirtay gobollada woqooyi ee Somalia. Sibaayihii ay wax u dhacayeen iyo xukunkii askarigii Siyaad Barre sidii uu ula dhaqmay ee uu u soo ugaadhsaday dhallinyartii uu ka mid ahaa DR. Tani ee la baxday UFO.

 

DR. Tani oo ah shakhsi maskax iyo aftahannimo isku darsaday, ayaa barnaamijkan xasuus-reeb ku soo bandhigay, dulmigii ay ka dhiidhiyeen ee xilligaaa jiray. Wariye Ducaalena waxa uu gacan togleeyey su’aalo qiima leh oo wixii jirayba bannaanka soo dhigay iyo shacabkii xilligaasi sidii ay ahaayeen. Tusaale ahaan sida ay shacabkii xilligaasi aanay u lahayn talo isku xidhan, ee ay weliba u qaybsanaayeen iyo dhallintan la baxday UFO sida ay quluubtii shacabka u hanteen.

 

Waa sida barnaamijka ka muuqatee, sheekadan naxdinta leh ee DR. Tani iyo saaxiibadii soo mareen, maaha mid xilligaasi uun ku egayd. Ee waa sheeko soo martay shacab badan oo dulmi ku habsaday. Xilli walbana jirta. Dulmiguna nooca uu doono ha ahaadee, waa isku mid. Waxana ugu daran ka maskaxda lagaa cadaadiyo. Ee laguu diido in aad xorriyad u fekerto. Shacabkaagana laga dhex samaysto dad la safta maamulka wax cadaadinaya ama diktaytarka ah.

 

Awdalpress


This post has been viewed 7025 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress