Prof. Saleebaan Guleed oo ka hadlaya Maktabad laga samaynayo Borama iyo dad aan la maqaam ahayn oo gobolka lagu bahdilayo, iyaga oo gobolka u sheeganaya madax dawaladeed iyo wax la mid ah. Laakiin ujeeddadu ay tahay bahdil lagu samaynayo sharafta iyo karaamada gobolka.

Waxa Daabacay on Dec 3rd, 2016 and filed under Daily Somali News, Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

prof-saleebaanImage result for cali mareexaan

Image result for badhasaabka gobolka awdalImage result for suldaan dhawal

 

Prof. Saleebaan Ahmed Guuleed,  wakhtiga ayaa ku simay in ay soo garab is taagaan, hebel iyo hebel iyo hebel aan mudnayn in ay ka garab hadlaan, waayo aqoon ay la garab is taagaan, ama sharaf iyo taariikh ay la garab joogsadaan midna ma laha. Ujeeddaduna maaha in Prof. Saleebaan lagu xumaynayo, balse waa bahdil muddaba lagu soo waday gobolka Awdal.

 

Waxan arkaynaa in Ali Marreexaan oo siyaasadda caydi ku ah, aqoontiisu aanay gaadhayn heer Jaamacadeed, kurisiga ku yimid hab qabiil iyo af-miinshaarnimo in uu maanta ku sharaf doonto Maktabad aanu waxba ka garanayn qiimaheeda. Isaga oo is dhinac wada oday dhaqameed dano gaar ah leh.

 

Haddii uu Ali Marreexaan in uun xushmad iyo sharaf u hayo shacabka reer Awdal, waxa uu u yeedhi lahaa Sh. Abdillaahi Sh. Ali Jawhar oo la karaama ah Prof. Saleebaan, waxa uu soo kaxaysan lahaa hawsarrada reer Hargeysa ee aqoonta iyo dadnimada leh.  Isma hor wadeen dad aan geyin in ay dadka matilaan. Waxase uu muujiyey in aanu dadka reer Awdal iyo hay’adda aqoonta ee dhismi doonta midna aanu qiimo siinaynin.

 

Dawladda Kulmiye ama Siilaanyo hoggaaminayaa, in badan ayey u tar-sheegatay, wax qabad ay gobolka u qabatay ugu tar-sheegatay, laakiin haddii ay taasi ka dhab tahay Badhasaab ugama ay dhigteen Shiine oo ah wiil aan weli u bislayn inuu Badhasaab noqdo. Xisbiga Kulmiyana waxyaalaha looga sii cararayaa waa arrimahaasi iyo saaxiibbada xun ee ay bulsha weynta ku karbaashayaan.

 

Shiine waa badhasaabka Borama uu Siilaanyo u magacaabaye,  anigu uma haysto in uu darajadaa gaadhsiisan yahay. Ragga ama dumarka darajadaa gaadhaana waa kuwo ugu horreyn da’ tirsaday, aqoon iyo waaya aragnimo sheegtay. U adkaysan kara dhib iyo kulayl waxa kaga yimaadda ummadda guddoomiyaha looga dhigay. Laakiin Shine waa wiil da’ yar oo aan aqoon sare  lahayn ama aan waaya aragnimo weyn lahayn, darajooyinkii Borama oo kale lagu maamulayey ay wax badani ka dhiman yihiin. Sida la ii sheegayna intii Ramaax ka danbeysey, gobolkii hoos ayuu u sii dhacay, oo hay’adaha dawliga ah iyo xafiiskiisuba ma shaqeeyo.

 

 

 

Awdalpress


This post has been viewed 5240 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress