Ogeysiis ku socda dhammaan xubnaha Jaaliyadda beelaha Makaahiil ( Samarroon ) ee UK.

Waxa Daabacay on Dec 13th, 2016 and filed under Daily Somali News, OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

ogeysiis-1Awdalpress – London -Waxa dhammaan la ogsysiinayaa qurba joogta beelaha Makaahiil ( Samarroon ) ee ku dhaqan UK iyo waddammada ku dhaw, in shirkii Beelaha Makaahiil ( Samarroon ) ee loo ballansanaa 16ka December sannadkan 2016 uu soo dhaw yahay, maalintaa shirka la qabanayo oo Jimca ah ayaana hore loo iclaamiyey, taariikhdaasi ayaanu qabsoomi doonaa, dadka imanaya waxa loo diyaariyey, hool qurux badan, cunto, maaweelo iyo barnaamijyo si fiican loo daadihin doono.

 

img-20161213-wa0023

Shirkani oo ka dhici doona addresska hoos ku qoran, ayaa ah kii koowaad ee noociisa ah oo beelaha Makaahiil ku qabsadaan qurbaha, sida ay qaban qaabiyayaashu ku sheegeen barta ay ku leeyihiin WhatsApp ka (ee ay ku kulmaan xubnaha beelaha Makaahiil oo boqollaal kor u dhaafay ),  isla markaana ay soo gaadhisiiyeen shabakadda awdalpress, ayaa tibaaxaya in ujeeddada shirku uu yahay mid miisaankiisa leh, oo noqon doona sees adag oo gala taariikhda wada tashi ee beelaha Makaahiil. Gudo iyo dibadbana ay beelahaasi noqon doonaan kuwo isku dan ah, isku dareen ah, isku dacwad ah, oo ujeeddadoodu mid tahay.

GOOBTA UU SHIRKU KA DHICI DOONO.

DOMINION CENTRE
112 THE GREEN SOUTHALL,
UB2 4BQ

SAACADDA SHIRKU BILAABMI DOONAA WAA 5pm WAXANA UU DHAMMAAN DOONAA ILLAA IYO 10pm.

Walaalayaal, wakhtiga ha la dhawro, si qorshaha shirka loogu tala galay uu si fiican ugu qabsoomo. Waxanan idiinku bishaaraynaynaa in aad shirkan kula kulmi doontaan wax badan oo idinka farxiya. Asxaab kala raagtay, ayaa isku arki doonta, aqoonyahanno iyo odayaal waaweyn oo aad maqli jirtay ayaad kala kulmi doontaan. Si fiicanna waa la isku caloo xaadhan doonaa. Si walaaltinnimo, kalgacalo, ilbaxnimo iyo is qaddarini ku jirto.

Awdalpress


This post has been viewed 4305 times.

Categories: Daily Somali News, OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress