Naciimo Abwaan Qorane oo weli xidhan iyo isbeddelka fikriga ah amma ficilka ah ee ku socda doonistii dawladnimo ee Somaliland

Waxa Daabacay on Feb 5th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – London – Naciimo Abwaan Qorane waxa ay ka mid tahay dadka xukuumadda Somaliland ay u xidhay amma loo ugaadhsanyo in ay ka fikir duwan tahay dadkooda doonaya in ay Somaliland dawlad gaar ah noqto, oo ay Somaliyada kale ka go’aan.

 

 

Laakiin waa gabadh dhaqan ahaan iyo haween ahaanba u baahan in ixtiraam gaar ah lagu siiyo fikirkeeda. Dooddeeda Somalinimana maaha mid lagu xidho oo danbi laga dhigo amma lagu fara-xumeeyo, fahamkeeda fikriga ahina maaha mid lagu cunsuriyadeeyo iyada iyo kuwa la midka ahba.

 

Niciima dood adag oo ay meel fagaaraha ka jeedisay, waxa ay tidhi, ‘ Inkasta oo ay qammaamuur badani madasha fadhido, anigu intii aan garaadsaday waxa aan ku hana qaaday bur-burka dalkayga ku dhacay, laakiin waxa aan nasiib u yeeshay in aan garaadkayga ku daba galo su’aasha ah…..heee….Aniga maxaa iga horreeyey?  1960kii illaa iyo intii uu Siyaad Barre qabsaday dalka…. Allaa Yarxame, labadii dawladood ee ka horreysay Siyaadna, waxa ay ahaayeen dhashii gumaysiga….waa sida aan u arko, ciddii doonaysaaa ha i xujayso diyaar baan u ahay doodda. Dawladdii Siyaad Barrena waxa ay ahayd mid dhibteeda iyo dheefteedaba wadata, Somaliduse waxa ay ku xun tahay, haddii aad kun sano xambaarsanaato, oo uu maalin kaa dhaco adiga oo xambaaraya, tii uun bay xasuusan yihiin.

 

Hadalkii iyada oo sii wadata, waxa ay Niciima haddana tidhi, ‘ Waxan is idhi mar haddii la kala tegey dadkiina ay saddex qaybood noqdeen.  1) Qayb joogtay dawladnimadii Somaliyeed rafaadkuna ka xoog batay, jeclaana in ay wax hagaajiyaan, laakiin aan helin meel ay wax ka billaabaan. 2) Iyo qaybo intay dawladdii naga dumiyeen, illaa immigana intay gobollo nagu ooteen u xusul duubaaya inta ay shilimo nagu hor joogsadaan caaddifadna nagu abuuraan. 3) iyo qaybo aan ka mid ahay oo inta ay bur-burka ku dhasheen, qaarna wax raba qaarna aanay waxba rabin oo jahawareeray. Inbadan baan raadin ugu jiray in aan helo calan Somaliyeed oo aan karaamo iyo sharaf ugu noolaado, laakiin waan ka xumahay oo nasiibkayga maan helin taasi….kadib way oydey oydey…..

 

Dooddaasi iyo kuwa la mid ah ayey gabadhaasi Nimco ugu xidhan tahay Hargeysa.

 

 

Haddaba miyaanay jiri karin dhallin yar kale oo fikirkooda u madax bannaan sida Naciima oo kale, oo aan lagu khasbi karin in ay yeelaan sida dad gaar ahi ay aamminsan yihiin. Maamulka jiraase haddii uu qabiil, saaxiibtinnimo iyo aarsi ku salaysan yahay miyaanay dhici karin, in haddana Somaliland qaybo u sii kala go’do.

 

Taasise miyaanay ku tusi karin, in aan fikirka shacabka amma shakhsiga ah la cabudhin karin, ficilka lagu cabudhin karaana aanu noqon khasab ku qaado sida aan rabo.

 

Awdalpress


This post has been viewed 8835 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress