Muuse Biixi oo ay shalay foodda is dareen dad matilayey beesha Habar Cafaan iyo maanta oo mar kale loo ballansan yahay.

Waxa Daabacay on Dec 12th, 2016 and filed under Daily Somali News, Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

breakingnews-460x250

 

 

 

 

 

 

 

 

Awdalpress – Borama -Markii hoolka la isugu yimid sheekadu waxa ay ka bilaabantay is xod xodasho la isku qosolayo iyo kaftan badan oo hoosta la isaga tuurayo iyo hadallo duur xul ah. Muse Bixi iyo Zaylici waxa hareera fadhiyey wasiirro ay qaar san-sanqanayeen oo dadka sidii dhagoolaha faraha kula hadlayey, oday dhaqameedyo iyo rag mudan ah oo sawir fiican ka bixinayey in beeshu u dhan tahay shirkan.

 

‘Wakhtigu waa cidhidhi wafiguna hawlo badan buu leeyahay, waana safar oo way daallan yihiin, ee hawleheenna aan guda gallo,’ ayaa lagu bilaabay shirkii. Muddo markii hadallo beer-la-xawsi ah lagu meer meeray, ee laga sheekeeyey ballan qaad iyo bishaaro uu xisbiga Kulmiye u wado iyo sidii uu Waddani bannaanka ugu tuuray Seed, ayaa waxa bilowday guux iyo su’aalo horeba ay dad badani isku weydiinayeen.

 

Guuxaa iyo hoos u wada hadal markii la dareemay, ayaa abaabulayaashii iyo dumarkii shirka ka soo qayb galay ay dadkii qiira galiyeen sacab iyo durmaan ayaana lala boobay, heesaha ayaa lagu luuqeeyey. Laakiin su’aalihii guuxu ka bilowday ayaa bannaanka is keenay, waxana la is weydiinayey …..WAAR GOBOLKII HAWD BOQOL KUN OO DOOLLAR BAA LA KEENAYE, INNAGA MAXAA LA INNOO SIDAA? MISE BILAASH AYAA COD LA INNAGAGA DOONAYAA?

 

Sida caadiga ah, dadka reer Awdal maaha dad hunguri wayn, martidana waxba ma weydiiyaan. Waxase baryahan ay hoggaanka dhaqanka, siyaasiyiinta iyo afmiinshaarradu barteen in ay lacag iyo mansab ay codkooda ku baddashaan ama raadsadaan. Siyaasiyiinta Hargeysa ee xisbiyada u ololeeyaanna taasi iyaga oo niyadda ku haya, ayey fara madhan ula yimaaddaan dadka reer Borama, haddii laga tegi waayana wax aan kun doollar ka badnayn ayey afmiinshaarrada iyo kuwa shaxaadka ku nool u qaybiyaan.

 

Sidaasi daraaddeed, shirkii shalay XISBIGU WAA IDIN JECEL YAHAY, WAANU IDINKA WAR HAYAA, OO WUU IDIIN AARI ….wax aan ahayn loolama iman. Hoosna waxa loogu yidhi, waan ognahay in reerka Makaahiil cadaw idiin yahay, oo ay maanta shirar qabsanayaan, cidda laga shirayaana ay idinka tahay. Wasiir Caddaani oo nin rageed ah ayaa, madashii soo dhaweynta iyo shirkaaba ka yidhi, ‘ oo sidii Seed loo soo dhaweeyey la nooma soo dhaweyn, aaway dadkii faraha badnaa ee Ahmed Muumin Seed soo dhaweeyey?’

 

Isku soo wada duuboo, maalintii shalay ahayd, wax go’aan ah oo lagu kala tegey ma jirin, maanta ayaase mar kale lagu ballansan yahay, waxase la sheegayaa in xalay lagu dhex jiray jufooyinka beesha. Qaybinta beelaha reer Awdal ee xisbiga Kulmiye ku awro kacsanayaana waxa ay u eg tahay in ay fashil ku dhammaan doonto. Waayo, dadka reer Awdal ka la shukaansanayo ee cod laga doonayaa waa in uu la mid noqdaan kuwa Hawd iyo Oodweyne ee boqollaalka kun ee doollar loo geynayo een haddana la hubin in ay Kulmiye u codayn doonaan.

 

Waxgaradka beesha Habar Cafaan ayaan ahayn sida ay Kulmiye u malaynayaan, waanay ka qoto dheer yihiin. Lamana filayo in ay beeshaasi 30% codooda siiyaan Kulmiyaha immiga jira, ee wata siyaasiyiinta shaabadaha badani ku yaalliin. Muse Biixi iyo Zaylicina gudcur ayey gudayaan, lamana socdaan sumcad xumada siyaasiyiinta ay wataan ee lagaga cararayo.

 

Awdalpress


This post has been viewed 4365 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress