Maxay tahay sababta G/xigeenka kulmiye Maxamed Kahin uga hadhay safarka Muuse Biixi ee gobolada Bariga Somaliland

Waxa Daabacay on Dec 30th, 2016 and filed under OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Beesha wasiirka madaxtooyada Maxamoud Xaashi ee ( Muse Abokor – HJ ) ayaa olole xoogan ugu jirta sidii gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ay u heli lahaayeen, gudoomiye Muse Biixi ayaa dhayda uuga cadeeyey in cod koodu ku xidhanyay heli taanka kursigaa. Habeen sadexaad kii magaalada Burco ayaa jilbaha la isu aastay Muse Biixi iyo beesha Muse Abokor oo arin adag ayuu noqday oo la isku mari waayay. Muse wuxuu sheegay in Silaanyo Gudoomiye nimada ku wareejiyey markuu madaxweyne noqday oo isaguna sidaas oo kale samayn doono. Hase yeeshee waa laga diiday khiyaamo caruureed kaa. Beeshu waxay is taagtay hadaan kursigaa nala siin intaan doorasho dhicin in aanay wax cod ah u hayn Kulmiye. Mohamed Kaahin oo isna ka soo jeeda beesha ( Maxamed Abokor – HJ ) oo ogaa in arinkaa loo balansanyay ayaa cadho kaga hadhay weftigii Burco tegay in kasta oo isna beeshiisu mawqifkeedu yahay in aanay hal coda siin doonin Kulmiye hadii la taabto kursiga maxamed kaahin. Arinkaasi wuxuu noqday mid aannu Muse Biixi xal u heli karin raali geliya labada daamood ee ku hirdamaya in xisbiga lagu wareejiyo. War laga soo sheegay Maxamed Kaahin ayaa tibaaxaya in uu yidhi hadii Kursiga ka kac la i yidhaa in uu ku biiri doono xisbiga Waddani. Horaa loo yidhi shimbri laba geed ma wada gurato hadaba Muse waa in uu mid uun doortaa oo dhinaca kale iska ilaawaa. Musow ina aw Siciid baan Bank u samayn doonaa o wershada sibidhka siin doonaa dhaqaalaha dalkana xukumi doona iyo Habar Jeclo ayaan cod ka doonayaa kala daa way kaa fiiro dheeryihiin oo khuuradaada way garan e.
Muse hadii uu kursiga fuulo wuxuu Albaabada u laabi lahaa ganacsiga Dahabshiil iyo ilma indha deero iyo ilma Farax Xarbi cid waliba way garanaysaa oo uu beeshiisa ganacsiga oo dhan u xidhi lahaa. Muse waxba yaannu beelaha badan kooda ku lugo’in isna daalinin Somaliland cod uu madaxweyne ku noqdo ka heli maayo e. ina aw Siciid na ha ku bushaaraysto in caalamka loo sheegay in uu ka ganacsado mam-nuucaad fara badan oon aduun weynuhu ogolayn.
Abmustafe123@gmail.com


This post has been viewed 1330 times.

Categories: OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress