Madaxweyne Mogabi oo xabsi guri ku jira iyo ammaanka dalka Zimbabwe oo aad looga dayrinayo

Waxa Daabacay on Nov 15th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – London – Milatariga ayaa la wareegay awoodda dalka Zimbabwe, balse madaxweyne Robert Mugabe oo dalkaasi xukumayey illaa iyo 1980 ayaa la sheegay inuu badqabo. Balse xilligan ku sugan yahay xabsi guri.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa sheegay inuu la hadlay Mugabe oo u sheegy in laga dhigay xabsi guri balse uu aad u fiican u yahay.

 

 

Ciidammo ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen xarunta guud ee telefishinka qaranka ee Zimbabwe ee magaciisa loo soo gaabiyo ZBC, iyadoo badhtanka lagaga jiro xiisadda sii koraysa ee dalkaasi ka jirta.

 

 

Israsaasayn culus iyo dhawaqa gantaalo ayaa laga maqlay dhanka waqooyi, inkastoo aysan caddayn waxa ay xaaladdu ku sugan tahay.

 

 

Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo yeeray madaxweyne Robert Mugabe 93 jir ah. Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika Isaac Moyo wuxuu meesha ka saaray wax afgambi ah, wuxuuna sheegay in ay dawladdu weli shaqaynayso.

 

 

Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay “khiyaano qaran” ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo.

 

 

Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii.

 

 

Chiwenga ayaana sheegay in milatarigu uu u diyaarsan yahay in uu soo afjaro khilaafka xisbiga Zanu-PF. Xiisadduna waxa ay cirka isku sii shareertay maantii Salaadadii markii gawaadhi qafilan lagu arkay iyaga oo la dhigayo duleedka waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Haraare, inkasta oo aanay caddayn ujeeddadoodu.

 

 

Milatari la wareegay telefishinka qaranka Zimbabwe.

Taliyaha ciidammada Zimbabwe Constantino Chiwenga ayaa ka digay in milatarigu uu talada la wareegi doonoTaliyaha ciidammada Zimbabwe Constantino Chiwenga ayaa hore uga digay in milatarigu uu talada la wareegi doono.

 

 

Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay “khiyaano qaran” ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo.

 

 

Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii.

 

Grace Mugabe oo ah xaaska madaxweynaha ayaa loo arkayay in ay xilka la wareegi doontoMugabe oo ah xaaska madaxweynaha ayaa loo arkayay in ay xilka la wareegi doonto

 


This post has been viewed 3920 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress