Madaxweyne Farmaajo oo xilkii ka qaaday guddoomiyihii Muqdisho, mas’uul cusubna u magacaabay xilkaasi.

Waxa Daabacay on Jan 21st, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – London – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhawayd wareegto uu soo saaray ku magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, isaga oo u magacaabay Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo horay u ahaan jiray Wasiirka Warfaafinta. Waxa kale oo uu dhammaanba xilalkii gobolka Banaadir ka qaaday mas’uuliyiintii hayay xilalka Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka.

Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha:-

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo

-Markuu arkay soojeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta;

Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;

Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalkakala ah:

  • Mudane Cabdiraxmaan CumarCismaan (Eng. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;

Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada;

Hussein Mohamed Nurwaxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad eeMaamulka&Maaliyada;

  • Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta
  • Aadan Sheikh Cali Fidoow waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud
  • Xoghayaha Guud waxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaak Xuseen

Xil ka qaadistan ayaa imaneysa kaddib khilaaf xoogan oo soo kala dhaxgalay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo madaxtooyada Soomaaliya.

Awdalpress


This post has been viewed 4345 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress