Madaxweyne Farmaajo oo jooga Qardho dhagaxna dhigay waddo laami ah.

Waxa Daabacay on Jan 10th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – London – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhawayd dhax dhigay waddo Laami ah oo isku xidha deegaannada Dan-Goronyo iyo Eyl sida uu ku soo waramayo Wariyaheena Ibraahim Baafo oo ka mid ah wariyayaal la socda wafdiga madaxweynaha.

Ibraahim Baafo ayaa sheegay in wafdiga madaxweynaha oo ku sii jeeda magaalada Qardho ee gobolka Karkaar isaga iyo wafdigiisa ku hakadeen deegaanka Dan-Goronyo halkaa oo isaga madaxweyne Gaas dhax –dhigeen waddo Laami ah oo ay dhiseyso shirkad Shiineys ah.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro magaalada Qardho, halkaa oo uga sii gudbi doono dhinaca gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Source HOL

Awdalpress


This post has been viewed 5835 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress