Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland oo casuumad u fidiyey dhiggiisa maamul goboleedka Somalia.

Waxa Daabacay on Feb 10th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada Federaalka Somalia ku casuumay inay ka soo qayb galaan  shir ka dhici doona magaalada Garowe 20-ka bisha March sannadka 2018.

Qoraal ka soo baxay Madaxweynaha Puntland ayaa loo kala diray Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Kulanka ayaa lagaga wada hadli doonaa arrimo khuseeya danaha dowlad goboleedyada iyo guud ahaan kuwa dalka kaga aadan Golaha.

Shirkii u horeeyay ee lagu dhisay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka dhacay bishii October ee sanadkii 2017 magaalada Kismaayo, xilligaasoo ay soo saareen war murtiyeed ku aadan xaalada dalka iyo khilaafkii dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay madaxweynaha Puntland :

Awdalpress


This post has been viewed 7040 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress