Kulmiye oo ololihiisii bilaabay jiyo Waddani oo aan weli u diyaar garoobin..

Waxa Daabacay on Sep 7th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – London – Wakhtigii doorashada Somaliland lagu ballamay wax yar ayaa ka hadhay, waxana la galay, xilligii loo diyaar garoobayey ololihii amma laba bilaabayey.

 

Labada xisbi ee ugu cad cad ee kala ah Kulmiye iyo Waddani, waxa ay dhawaan is garab ordayeen gobollada bariga oo ay ka socotay Kaadh qaadashadii, iyaga oo dhex wada xod xodasho iyo Kaambayn. Immigana waxa la isla yimid gobollada galbeedka oo aan arkayno, wacdaraha uu xisbiga Kulmiye ka dhigayo ee uu usbuucii hore bilaabay.

 

Waxa wafdi ku yimid Borama M/xigeenka Zaylic oo hoggaaminaya wafdi ballaadhan, oo uu ka mid yahay musharraxa Madaxweyne ee Kulmiye Muuse Bixi Abdi iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Baaralamka Somaliland, ee dhawaanta la doortay oo Kulmiye ah. Siyaasado fagaara ka qooq ah iyo oday dhaqameedyo si gaar gaar ah ama guudba loola kulmay ayaa ka dhacay Borama, waxana ay ugu dambayn wafdigii sii mareen Gebilay iyo Wajaale.

 

Ololahaa iyo abaabulkaa ay Kulmiye ka wadaan gobollada galbeedku may wadan wax dufan ah, wasiirrada la socdayna may buuxin kaalintaa, dadkuna waxa ay qabaan tuhun ah in Kulmiye laga filayo dhaqaale iyo qayilaad. Soo dhaweynaha iyo dhaqaalaha ku baxay imaatinka Wafdigaana waxa la sheegayaa in si kale oo aan sheegi doonno loo dabbaray.

 

Dadka qaar si hoose u waraystay Wasiirrada, oo ujeedkoodu ahaa shaxaad ayaa la kulmay faro baahan iyo wax aanay filayn. Taasina waxa ay hoos u dhigi doontaa, kalsoonida iyo soo dhaweynaha dambe ee Kulmiye ku iman doono degaanka.

 

Dhinaca Waddani, waxa la dheeraystay barkimooyinka, Xaaji Abdirahman waxa uu isagu ku maqan yahay Xajka, Xirsi iyo Jirdana waxa ay kafeega ku cabbayaan 5 star hotels ka Hargaysa, xan ay dadku ku xamanayaan in khilaaf jiraana waa iska mawjuud. Inkasta oo Faadumo Siciidba ay beenaysay warar noocaasi ah oo dhinaceeda jiray. Waana dacaayadaha xilliga ololaha suuqa la dhigo, ee ay Kulmiye ka dambayn karaan.

 

Calaa kulli xaal waxa gobolka Awdalla laga soo sheegayaa in kooxaha Borama jooga ee xisbiga Waddani u ololaynayaa ay ku jiraan JAQA YAA WADDANII, oo aanay diyaarba u noqon sidii ay dadka furaha u ah shacabka u kasban lahaayeen. Sheekada ay Borama ka dhex wadaanna, waa Albaabka innoo soo xidha, Ilaahay ayaa Saldanadda bixiyee ama uma baahnin in aan dadka barino ama dhaqaale hallana siiyo. Sidaasina waxa la sheegayaa in ay reer Magaal badani kaga fogaadeen amma ay suuqyadii ka soo oodeen.

 

Awdalpress.com


This post has been viewed 7770 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress