Guusha xisbiga Waddani ee galbeedka Somaliland iyo dareenka taageerayaasha Kulmiye ay ka qabaan.

Waxa Daabacay on Sep 25th, 2017 and filed under Daily Somali News, OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – London – Soo dhaweyn milgo iyo miisaan leh ayaa dadka gobollada galbeedku ku qaabileen wafdigii laxaadka lahaa ee xisbiga Waddani, ee ay hoggaaminayeen Musharrixiinta Abdirahman Cirro iyo Amb. Mohamed Ali Aw Abdi. Soo dhaweynta ayaa ka soo bilaabantay degmada Dilla illaa Boramana. Waxana muddadii saddexda casho ahayd ee ay wafdigu ku nugnaayeen Borama socday damaashaad iyo soo dhaweyn aanay shacabka reer Awdal u kala hadhin.

Golahan aad daawan doontaan waa mid ka mid ah golayaashii loo goglay Borama.

Xilligan ay soo dhawaatay doorashadii iyo ololihii lagu kala kasbanayey shacabka, ayaa u eg mid xisbiga KULMIYE ka gaabiyey amma uu dhayalsaday. Halka uu xisbiga Waddani ku jiro dagaal aanay waxba isula hadhin.

Arrimaha la yaabka leh ee dadka reer Borama u muujiyeen hoggaamiye Cirro iyo Amb. Mohamed Ali Aw Abdi ayaa ah kalgacalo aanay u kala hadhin, oo xataa ay kasbadeen taageerayaashii Kulmiye. Taasina waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa in ay Waddani u hibeeyeen kursiga ugu sarreeya ee dalka Somaliland.

Muuqaalkani waa taageerayaashii Kulmiye oo iyaguna is caddeeyey

Muse Biixi oo ah nin adag, oo aan si dhayal ah lagu loodin karin iyo Kamaandoostiisii ayaa weli ku maqan sidii ay uga soo kaban lahaayeen dhaawacan ama guul darradan ka soo gaadhay galbeed, ee maantana tii tu la mid ahi ka dhici doonto Gebilay.

Xisbiga Kulmiye inkasta oo uu xilligan liito, sida la sheegayana uu khilaaf ka dhex jiro dhexdiisa, haddana lama dhayalsan karo. Waxana la filayaa in uu rooxaantiisii soo kiciyo dhawaan. Inkasta oo xataa media-hii lagaga badiyey.

Sida aan ka daalacanno social media-ha amma suuqyada lagaga sheekaysto, xisbiga Kulmiye taageerayaashiisa qaar ka mid ahi, waxa ay guusha Waddani ee galbeedka ku sababeeyeen, in ay la xidhiidho dareenka cadaawadeed ee weli ka jira beelaha dariska ah ee gobollada galbeedka. Laakiin iska hor imaadka shacabka kala taageera Kulmiye iyo Waddani ee ka dhacday Dilla, ee wiilka yari ku dhintay ayaa taasi beeninaysa.

Faallada waxa aan la sugi doonnaa wakhtiga ololaha, balse waxan intaa ka horreysa eegi doonnaa in uu Muse tol u hiilliya iyo taageero uu ku tamceeyo Cirro iyo in kale.

Ahmedweli Goth


This post has been viewed 7631 times.

Categories: Daily Somali News, OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress