Gurmada la yaab leh oo lagu badbaadinayo doon sidda shixnad malaayiin ah oo ku ceeryoontay xeebta degmada Boosaaso.

Waxa Daabacay on Feb 10th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – London – Wararka ka imanaya degmada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in uu halkaa ka socso gurmad xooggan oo lagu badbaadinayo hantida saaran Doon dhawaan ku caariday xeebta, kaddib markii sida la sheegay leyska hortaagay in ay ku xirato dekedda.

Gurmadkan ayaa sababay in deked macmal ah laga sameeyo halka ay doontu ku soo caariday, waxaana la bilaabay dhiso dariiq carra tuul ah oo laga sameeyo biyaha u dhaxeeya meesha ay doontu ku caariday iyo dhulka, taasi oo u eg deked macmal ah, laakiin ujeeddadu tahay in laga soo dajiyo shixnadda saaran doonta.

‘’Waxaa soconaya dadaallo runtii xoog leh, waxaa noogu muhiimsan in deked macmal ah aan sameyno si aan doonta u gaarno halka ay fadhido’’ ayuu yiri Sheekh Fu’aad Max’uud Xaaji.

Nin saxaafadda uga warramay hawshan ayaa sheegay in dhismaha dekedda macmalka ah ay ka shaqeynayaan 15 gaari oo nooca Soomaalidu u taqaan “Iska-rogada” kuwaasi oo soo guraya dhagax yo carro laga buuxinayo halka laga samaynayo marsada cusub.

Doonta ayaa waxaa saaran hanti lagu qiyaasay $7malyan Dollar,waxaana hantida leh ganacsato Soomaaliyeed. Waxana hantidaasi ka mid ah illaa iyo 60 gaadhi oo cusub iyo shixnado kale oo qaaliya, haddii si dhakhsa ah loo badbaadin kari waayana ay hantiilayaasha ka soo gaadhayso khasaare lexaad leh.

Awdalpress


This post has been viewed 8145 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress