Gumaad ka dhacay dalka Ethopia, oo hublay ka tirsan qoomiyadda aroomadu ay ku beegsadeen dad shacab Somaliyeed ah.

Waxa Daabacay on Sep 13th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

War aan ka soo xigannay shabakadda harawe.com ayaa qoran warkan:

 

 

Sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah kuwa ku go’doonsan goobo ku dhaw meesha ragga lagu gumaaday, 20 nin ragga la laayay waa Samaroon, raggii reeraha kale markii ay maqleen in lagusoo maqanyahayba way ka carareen magaalada iyaguna way ka dhega adaygeen, waxayna ku adkeysteen inay sii joogaan.

 

Intaa in kabadan oo kale iyo caruurahoodii ayaa ku go’doonsan tuulooyinka iyo degaanada jaadka ee jiiddaa ku yaal, kuwaas oo ka cabsi qaba in iyagana la beegsado. Sida ay noo sheegeen mar aan khadka Telefonka kula xidhiidhnay waxay ku go’doonsanyihiin goobaha ay joogaan jid laga baxaana ma jiro siday sheegeen illaa haddana wax gurmad ah ma helin. Gumaadkan qorshaysan ee ay Oromadu ku beegsatay Somaalida ayaa ahaa aargoosi, kadib dagaal Oromada iyo Somalida itoobiya u dhaxeeya oo ka kacay dhul ay isku hayaan labada maamul ee Oromada iyo kan Somalidu, waa kililka 5aad iyo kan 4aad ee oromada.

 

 

Magaalada lagu laayay ee Awday oo ka tirsantahay kililka 4aad waxay masaafo gaaban u jirtaa magaalada HARAR. Waxan haba yaraatee jirin wax isku socod ah, dhammaan jidadka isku xidha magaaloyinka Jigjiga iyo Jiidaasina way go’anyihiin.

=====================================================

 

Wixii ka soo kordha warka dhimashada iyo dhaawaca kala soco awdalpress.com

 

Awdalpress


This post has been viewed 10786 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress