Guddoomiye Cirro oo sharci darro ku tilmaamay shirkad ay dawladdii hore ee Siiraanyo ka diiwaan gelisay Emarat-ka, mas’uuliin ku magacaabanna ugu baaqay in ay is casilaan amma Muse Bixi xilka qaado iyo Dr. Sacad Ali Shire oo difaacay mashruucaasi.

Waxa Daabacay on Feb 12th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – London – Guddoomiye Cirro oo maanta la hadlay saxaafadda xorta ah ayaa sharci darro ku tilmaamay shirkad ay dawladdii hore ka diiwaan gelisay dalka Emeratka,  mas’uuliin ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda Somaliland iyo wakiilka Somaliland ee UAE oo ku magacaabanna ugu baaqay in ay is casilaan amma Muse Bixi xilka qaado. Waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay in ujeeddada shirkaddani tahay mid la doonayo in lagu weecsado hantida qaranka.

 

Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa isaguna eedayntaa guddoomiyaha ku tilmaamay mid wax kama jiraan iyo war khalad ah oo guddoomiyaha la siiyey. Waxa kale oo uu meesha ka saaray in aanay shirkaddaasi ahayn mid sharciga baal marsan, isaga oo weliba ku tilmaamay tallaabo loo qaaday dhinaca toosan, oo wax ka tari karta maal gashiga Somaliland.

 

 

Awdalpress


This post has been viewed 7475 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress