Awdalpress.com

Majare habaw siyaasadeed oo soo foodsaaray Somaliland
Somaliland waxaa mudooyinkan dambe soo foodsaaray majare habaw siyaasadeed, arintan ayaana imanaysa xili bulshadu ay ku jirto xaalado adag oo ay hadheeyeen duruufo dhaqaale,Sixir barar, shaqo la’aan iyo Tahriib faro ba’as ku haya dhalintii soo kacaysay.

Hogaanka Somaliland majaraha u haya ayaa ku masquulsan hanti urursi iyo siyaasad la odhan karo dalkii wuxuu gacanta  u galay koox qawlaysato ah, waxaa dalka ka abuurmay dabaqado kala sareeya oo aan hore u jirin, durba shacabku waxay dareemayaan in kooxo xukunkii iyo xoolihii dalku gacantooda gashay.

Sidoo kale nidaamkii siyaasadeed ee Axsaabta ku salaysnaa ayaa meesha ka baxay, ka dib markii la waayay xisbiyo mucaarad ah oo maamulka Kulmiye Toosiya, dalkiina wuxuu noqday mid galay dib u socodnimo siyaasdeed oo keli talisnimo ah, cida dhaliil sheegta halkeeda ayaa lagu joojinayaa, Axsaabtii mucaaradkana waxaa lagu xantaa in ay jeebka u galeen xukuumada.

Waxqabadkii xukuumadu wuxuu noqday in bulshada lagu mashquuliyo waxyaabo aan faaiido lahayn, sida Banaanbaxayo, safarada dibada , socdaalada siyaasiyiinta iyo madaxda Somaliland ee tiro belay iyo weliba Jawaabo laga bixinayo hadalada ka soo yeedha kuwa dhaliila gooni isku taaga Somaliland  siiba dawlada Muqdisho.

Markii la waayay Axsaab mucaarad ah, oo u sheegta dawlada dhaliilaha ay leedahay iyo tabashada shacabka ayaa waxa xoogaystay nidaamkii Beelaha iyo qabaailka, tusaale ahaan falkii dilka ahaa ee ka dhacay Burco, wuxuu sababay in dadkii mudaharaadayay ay ku qamaamaan meherado dad shacab ahi leeyihiin, isla markaana ay ka baydhaan xafiisyada masuuliyiinta dawlada ee ay ku banaanbixi lahaayeen, taas oo dadkaasi ay u arkayeen in dawladii beeli leedahay oo beel ay tahay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa meesha ka maqan in aanay Somaliland lahayn qorshe Siyaasadeed iyo yool fog oo ay hiigsanayso himilada siyaasadeed ee geedi socodka Somaliland, waxaana soo badanaya tuhun salka ku haya Sed bursi iyo Is muquunin beeliba beesha kale ee deriskeeda ah ka qabto cabsi, waxa la siyaasadeeyay shaqaalayntii shaqaalaha caadiga ahaa, Hungurigii iyo baahidii dalka tiilay ayaa looga faaiidaysanayaa dadkii shacabka ahaa, Shirkado macdanta ah ayaa dhulkii la keenay, isla markaana degay dhulkii miyiga ahaa, dadkiina waxa lagu mashquuliyay iib macdaneed oo 1Kg laga siisanyo 4$ Us, taas oo xoolo dhaqatadii iyo beeralaydii ay ka mashquuleen hantidoodii raasamaaliga ahayd.

Dadka shacabka ah waxaa himilo iyo siyaasad looga dhigay wax la yidhaa AQOONSI. oo aanay garanayn wuxuu u soo kordhinayo iyo waxa uu ka dhimayo, wax soo saarka beeraha iyo dhawrista deegaanka ayaad moodaa in la hilmaamay, Hay’adihii caalamiga ahaa waxay wadaan Siminaar iyo Talaal, Marnaba la isma weydiin dhankii waxbarshada oo Seked walba laga furtay Jaamacad ama Collage, iska dhaaf dugsiyada Hoose iyio sare ee Manaahij midaysnay lahayn.

Hadaba dadka iyo dalkii Somaliland wuxuu galay Majare habaw siyaasadeed, goobaha lagu kulmo iyo waxgaradkuba way sheegayaan dhaliilaha aan soo xusay, waxayna xalka ku tilmaamayaan in loo baahan yahay Shirweyne Qaran oo loogu jiheeyo Majaraha siyaasadeed ee Somaliland iyo Aqoonyahanka Taariikhda iyo cilmiga waayo aragnimo leh in laga faaiidaysto, inta aan waagu xaga dambe ka baryin, caqabadaha u weyn ee hortaagana waxay dadku ku sheegaan hogaanka Somaliland oo aan ogolayn talada waxgaradka, una arkaya in lagu inqilaabayo, hadiise jidkaa lagu sii socdo waxaa iman karta in talada laga doono meel ka sii dheer, amase ka fog meesha ay hada marayso.

Hashim Goth

Borama

Somaliland

Nabaddoon reer Puntland ah oo yidhi, ‘ Hawiye Xishoodka ayay ka tageen, Wallaahi Xasan Sheekh Madaxweyne ma’ahaan doono haddii. “VIDEO”
Awdalpress – Puntland – Nabadoon Abshir Dhagcas oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee gobolka Bari ayaa maanta si weyn u dhaliilay Odayaasha Beelaha Hawiye. Nabadoon Abshir Dhagcas oo maanta khudbad ka jeediyey Munaasabad lagu taageerayey Maamul-goboleedka Jubbaland ayaa si kulul u dhaliilay Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ineysan dooneyn in nabadi ka Islaaxdo Kismaayo.

Waxa uu sheegay in Dawladda Soomaaliya ee hadda jirta aysan dhisan Odayaasha Hawiye balse loo dhisay loogana baahanyahay iney Calfadaan dawladda jirta isla markaana Is Xisaabiyaan Odayashu.

Awdalpress.com

Somaliland: Wasaarado Wada Jir u qabanaya Shir Ku saabsan Qorshe dhaqaale abuur ah
Awdalpress – Hargeysa – 22/05/13 – Xukuumada Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in ay qabanayso shir balaadhan oo heer qaran, kaasi oo lagaga arrinsanayo shaqo abuurka gaar ahaana sidii dhalinyarada shaqooyin loogu samayn lahaa.

Sidaasina waxa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ay soo saartay wasaaradda shaqasda iyo arrimaha bulshada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda shaqasda iyo arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad).

War-saxaafadeedkaasi ayaa lagu sheegay in si wax looga qabto shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta ay dawladu qaadayso talaabo deg deg ah, taasi oo looga danleeyahay si loo badalo qaabdhismeedka dhaqaale, loona horumariyo baaxada shaqo abuur, isla markaana dawlada ka go’an inay isku keento dhamaanba daneeyayaasha, kuna hogaamiso sidii loo sameyn lahaa shir qorshe qaran oo khuseeya shaqo abuurka.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan: “Warsaxaafadeed:Inkasta oo dhaqaalaha dalku si tartiib-tartiiba ah u sii kobcaayay labaatankii sano ee u danbeeyay, hadana waxa iska cad in dhismaah iyo kobacu aanu soo jidan shaqo abuur badan.

Gaar ahaan dadka ay da’doodu ka yar tahay 30 jir kuwaas oo 70% bylshada ka ah, shaqo la’aanta iyo ku naggi la’aanta shaqo iyo waliba aqonta iyo shaqada oo kala hooseeya ayaa ah mid soo wajahada guud ahaan Somaliland.

Dawladu waxay xaqiijinaysaa in talaabo dag deg ah loo baahan yahay si loo badalo qaabdhismeedka dhaqaale, loona horumariyo baaxada shaqo abuur, sidaa daraadeed waxa dawlada ka go’an inay isku keento dhamaanba daneeyayaasha, kuna hogaamiso sidii loo sameyn lahaa shir qorshe qaran oo khuseeya shaqo abuurka.

Ujeedada shirka

• Sidii loo heli lahaa siyaasad cad oo lagu balaadhinayo baaxdda shaqo ee Somaliland.

• Ujeedada gaarka ah ee laga leeyahay waxa ka mid ah : Sidii loo fahmi lahaa si habaysana loogu furdaamin lahaa caqabadaha hor taagan korniinka shaqo, si looga baxo, loona yareeyo tiro badan oo ka mid ah dadka shaqa la’aanta la kulma.

Ujeedada qorshaha – shaqo: Shaqo abuur: in la helo dhaqaale abuura fursado maalgashi, ganacsi, horumar xirfadeed, shaqo abuur iyo joogteynta quutal daruuriga.

Maalmaha shirku soconayo: labo cisho

Ka soo qayb galayaasha

Lixdan qof oo ka kala socda xubnaha sare ee dawlada, dhallinyarada , haweenka, ganacsatada, ururada bulshada, deeq bixiyayaasha, haayadaha caalamiga ah, kuwa UN-ka, madaxda Jaamacadaha, khuburada, Ururada shaqaalaha, ururada loo shaqeeyaha, xarunta ganacsiga iyo wixi la mid ah.

Goobta: Al Maansuur Hotel – Hargeysa

Shirkii hortii

Shirka hortii waxa loo baahan yahay inay qabsoomaan arrimahan soo socda:

1. Kulano gobolada ka qabsooma: ujeedaduna waa sidii looga wada tashan lahaa, loogana qayb qaadan lahaa si loo helo xog dhameystiran iyo caqabadaha hortaagan.

2. Kulan saxaafadeed: kooxo la soo xulay oo khuburo ah ayaa ka hadli doona kulano loo qabto saxaafada.

3. Daabacad: waxa lagu casuumi doona saxaafada inay daabacaan war bixinaha la xidhiidha arrintan.

4. Sameynta mareega: waxa la sameyn doonaa mareeg si aaraada iyo afgaarta looga soo dhiibto.

Bandhiga Carwo ee la xidhiidha arrimaha shaqo

Waxa iyana l;a qaban doona bandhiga carwo oo la xidhiidha arrimaha shaqo, wxay cid kasta oo si uun ula xidhiidha arrimaha shaqo soo bandhgi doontaa wax soo sarkeeda ama adeegyadeeda la xidhiidha arrimaha shaqo.

Qaban qaabiyayaasha

• Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada

• Wasaarada qorsheynta qaranka iyo horumarka

• Haa’yada ILO

• Dalada Dhalinyarada ee SONYO

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidha

Nimco-Ilhan Ali (0634132068)

Abdulkadir Daud (063 4418627)

Mohamed Hassan (063 442 8042)

www.somalilandemployment.com”

S/Lorgan

Ethiopia oo beenisay inay ku lug-leedahay arrimaha Jubbooyinka
Awdalpress(Adisababa) 22 May 13–Dowladda Ethiopia ayaa iska fogaysay inay ku lug-leedahay qilaafka ka jira maamullada gobollada Jubbooyinka ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka ra’iisul wasaaraha Ethiopi, Getachew Reda oo la hadlay raadiyaha Codka Maraykanka ayaa sheegay in dowladda Ethiopia aanay dhinacna la jirin maamullada Kismaayo looga dhawaaqay iyo xaaladda halkaasi ka jirta.

Waxaa maalmihii dhowaa jiray hadal-heyn layska dhex-marayay oo Ethiopia ku eedeyneysay inay ku lug-leedahay qilaafka iyo xasaradda maamullada Jubbaland ee looga dhowaaqay Kismaayo.

Getachew Reda waxa uu sheegay in Ethiopia ay taageersan tahay hannaan Soomaaliya ka reebayo qaskii ay soo martay muddo ka badan 21-sanadood, isagoo si gaar ah u soo qaatay qorshaha urur-goboleeda IGAD.

Wuxuu sheegay in Ethiopia ay kaalin muuqata ku leedahay xasilinta dalka Soomaaliya iyo la dagaallanka maleeshiyada al-Shabaab.

RBK

M/weyne Siilaanyo oo la kulmay danjiraha Faransiiska ee Soomaaliya
Awdalpress(Hargaysa) 22 may, 13–Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta magaalada Hargaysa kulan kula qaatay danjiraha dalalka Soomaaliya iyo Kenya u qaabilsan Faransiiska Etienne de Poncins.

Wasriirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Cabullaahi Cumar oo saxaafadda uga warbixiyay kulanka ayaa sheegay in Siilaanyo iyo Poncins ay ka wada-hadleen cilaaqaadka Somaliland iyo dowladda Faransiiska.

Wuxuu sheegay inay isla soo qaadeen sidii mashaariicda iyo kaalmooyinka ay bixiso dowladda Faransiiska loo soo gaarsiin lahaa Somaliland.

Maxamed Cabdullaahi Cumar waxa uu sheegay in booqashada safiirka ee Hargaysa ay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka Faransiiska iyo dalalka uu wakiil-ka uga yahay.

RBK

Hablaha Kuweyt oo ka codsaday dawladooda inay Rag guursada Dibada ka soo Iibsadaan
Awdalpress(Kuweyt) 22 May, 13–Haweenay lagu magacaabo Salwa Mudiiri oo ah siyaasiyad hore isugu sharaxday in ay ka mid noqoto Baarlamaanka dalka Kuweyt ayaa xukuumada iyo Baarlamanka dalkaas u soo jeedisay in ay u ogolaadaan haweenka dalkaas in ay soo iibsan karaan rag ay guursadaan oo ah rag muslimiin ah, oo qurux badan isla markaana dabeecad wanaagsan oo masaakiin ah.

iyada oo arintaasna ku tilmaantay in ay tahay xalka ugu haboon ee ay hablaha reer Kuweyt kaga bixi karaan dhibaatada rag la’aanta ah ee haysata. Miss Salwa waxa ay intaas raacisay in hadii la qaadan waayo fikradaas aanay haweenka reer Kuweyt ka bixi doonin guur la’aanta dhibaatada xun ku haysa. Sidaas darteedna waxay sheegtay in xukuumada Kuweyt looga baahan yahay in ay ogolaato fikrada ah in hablaha dalkaasi ay rag ka soo iibsadaan wadamada Muslimka ah ee dunida.

Miss Salwa iyada oo ka waramaysa qaabka ay haweenka Kuweytiyiinta ahi u soo iibsan karaan raga ay u baahan yihiin waxa ay tilmaantay in sida ay haweenku ragga u soo iibsanayaan tahay si la mid ah sidii waayadii hore adoomaha loo soo iibsan jirey oo ay sheegtay in diintu ogolayd. Waxaanay ku dooday in arintaasi yareyn doonto furiinka iyo qoys burburka faraha badan ee dalkaas ka jira iyo weliba rag la’aanta xun ee haysata hablaha wadankaas.

Salwa iyada oo ka hadlaysa sababaha keena furiinka iyo kala taga faraha badan ee had iyo jeer ka dhex dhaca ragga iyo haweenka reer Kuweyt waxa ay sheegtay in sababta ugu weyni tahay hablaha reer Kuweyt oo ah kuwo aad loo dallacsiiyey dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaanba oo samadaa isla maraya, sidaas aawadeedna marka ay is guursadaan wiilasha reer Kuweyt ay taasi keento in markiiba la isku dhaco, oo khilaaf yimaado, maadaama ay gabdhahu yihiin kuwo aanay wax habrasho ahi ku jirin oo samada isla jooga. Waxaanay intaas raacisay in arimahaasina ay keenaan in la kala tago oo halkaas la isku furo.

Si arimahaas meesha looga saarono Miss Salwa waxa ay ku celisay in Baarlamanka iyo xukuumada Kuweyt looga baahan yahay in ay hablaha reer Kuweyt u ogoladaan in ay soo iibsadaan rag adoon ah oo guursada. Waxaanay intaa ku dartay in ragas adoonta ah hablaha reer Kuweyt hadii ay helaan ay u noqon doonaan qaar had iyo jeer ka danbeeya oo awaamiirtooda fuliya, isla markaana kool-koolliya.

Taasina waxa ay sheegtay in hablaha Kuweytiyiinta ah ay ka dhigi doonto kuwo ku noolaada nolol macaan oo raaxo leh, sidoo kalena waxa ay xustay in arintaasi meesha ka saari doonto wer werka iyo rajo xumada hablaha dalkaas wakhtigan ka haysta mustaqbalkooda dambe waxa uu noqonayo, iyo sidii ay rag iyo ubad ku heli lahaayeen. Ma aha dhibaatadan rag la’aanta ahi mid ay haweenka reer Kuweyt keli ku yihiin, balse waa dhibato ay la wadaagaan haweenka ku nool wadamada kala duwan ee carabta intooda badan, gaar ahaan dalalka Khaliijka carabta la isku yidhaahdo ee saliida qaniga ku ah oo dhan.

Awdalpress

Daawo: Filim qosol ah Koox sidata Meyd Been ah oo dadkii khalkhal gelisay daawo sida looga kala cararayo
Daawo: Filim qosol ah Koox sidata Meyd oo dadkii khalkhal gelisay daawo sida looga kala cararayo..

Warbixin xasaasi ah oo ku saabsan sida ay Britain ugu fekerayaan dalka Somaliya iyo maamulka ka samaysmi doona Jubbooyinka.
Sumcadda siyaasadeed amma sooyaalka siyaasadeed ee dawladda boqortooyada Ingiriiska lagu yaqaannaa maaha mid isa suldaarta, meesha ay gacmaha la galaanna si dhayal ah faraha ugama qaadaan. Dalka Somaliya ee ay immiga u tafa xayteenna aad ayuu ugu sahlan yahay sida ay ku dajin karaan. Waxana warar hoose sheegayaan in marka hore ay isku dayi doonaan in la is hor fadhiisiyo kooxaha sida gaar wax u wata iyo dawladda Somaliya ee ay taageerayso, haddii ay xal keeni waayaanna waxa ay arrintu iman doontaa in qof walba  si gaar ay ula xaalaan, oo ay weliba kuwa dambiilayaasha ah maxkamadda caalamiga ah keenaan. mana dhici doonto warlord inta dadka hub u soo qaato mar kale dagaal ooga. Maamulka Jubbooyinkuna maaha sida la moodayo, ee waxa uu hoos iman doonaa dawladda Muqdisho.

Dawladaha horumaray way yaqaannaan sida loo xallilo dalka ay dadkiisu sida Somaliya noqdaan, waxase ay weli  ka fekerayaan in ay xalka ka dhex raadiyaan iyaga. Dawladaha Jaarka ah ee had iyo jeer la eedeeyaana maaha kuwo dano gaar ka leh xalka ay maanta quwadaha waaweyni doonayaan….

La soco warbixin dulucdeedu tahay sidaa aan hordhaca ku sheegnay.

Awdalpress.com

Afhayeenka AMISOM oo ka Warbixiyay Howlgallo Dad badan lagu soo qab-qabtay oo ka socda Muqdisho (SAWIRRO)
Awdalpress -May 21, 2013  — Afhayeenka ciidamada AMISOM ee u dhashay dalka reer Djabouti, ayaa ka hadlay maanta howlgallo ay booliiska dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka wadaan Muqdisho, kuwaasoo lagu soo qabqabtay boqollaal qof oo u badan dhallinyaro.

Col. Cali Aadan Xumad oo saxaafadda kula hadlay xarunta AMISOM ay ku ay ku leedahay Muqdisho ayaa sheegay in howgalladan ay yihiin kuwo amniga guud ee caasimadda lagu adkeynayo, wuxuuna sheegay inay guri-guri u geli doonaan guryaha ku yaalla Muqdisho.

“Howlgalladan waa kuwo lagu doonayo in lagu adkeeyo ammaanka Muqdisho maadaama Al-shabaab markii looga adkaaday dagaallada tooska ah ay billlaabeen inay dadka argagax geliyaan oo ay falal ammaan-darro abuuraan,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in howgalladan ay qayb ka yihiin kuwo ay AMISOM iyo dowladda Soomaaliya kawaddo guud ahaan dalka Soomaaliya, si amaanka salka loogu dhigo.

“Go’aankan lagu baarayo xaafadaha Muqdisho waa mid ay gaareen AMSIOM iyo dowladda Soomaaliya, waxaana lagu qabanayaa cid walba oo loo arko in ay ammaanka liddi ku tahay, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan amni ay ku mari karaan meeshii ay doonaan,” ayuu yiri Col. Xumad.

Booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxay shalay iyo maanta ka wadeen howgallo lagu soo qabqabtay boqolaal qof degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo howgalladii maanta la sheegay in lagu soo qabqabtay in ka badan 500 oo qof oo u badan dhallinyaro.

Degmooyinka howgallada laga sameeyay maanta ayaa waxay kala yihiin: Hodan, Wardhiigley iyo Dayniile, waxaana dadka lagu soo qabqabtay howgallada lagu xiray xarunta CID-da Muqdisho iyo taliska nabadsugidda gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in howgallo noocan oo kale ah ay ka socdaan Jubbooyinka, Bay iyo Hiiraan, kuwaasoo la xiriira kuwa ka socda Muqdisho laguna xoojinayo nabadda deegaannadaas.

HOL

Ogeysiis ku socda shacabka ku abtirsada Somalida ee ku dhaqan dalka Ingiriiska.
Waxaan si xushmad leh dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu marti qaadeynaa inaad ka soo qayb gashaan kulan baroor diiq ah oo loo sameynayo Allaha u naxariistee Marxuum Dr Cumar Cisman Raabi, oo aahaa aqoonyahan, qoraa, wax badanna ka qorey arrimaha Soomaalida iyo guud ahaan geeska Africa.

Marxuumka wuxuu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee ku takhasusay ee fogaal arragga u ah arrimaha Soomaalida (Somali Expert and Analyst).

Hadaba goobta lagu qabanayo waa

Dormers Wells High School

Dormers Wells Lane

Southall

Middlesex

UB1 3HZ

Taariikh: 25 May 2013 (Sabti)

Saacad: 5:00pm ilaa iyo 9:00pm

Wixii faahfaahfin ah ama aad ku soo kordhin karto baroor diiqda Marxuum Dr Raabi la soo xiriir emailkan hoos ku qoran

H742@Hotmail.com / TEL.07908654308/07930111731