FAWSI SH. ABDIRAHMAN: Ma sidaan la rabay reer Awdal, mise Sida wax u Socdaan!

Waxa Daabacay on Dec 27th, 2016 and filed under Daily Somali News, OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Fawsi Sh. Abdirahman Warfaa oo ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu cad cad ee aadka u raadin jiray in gobollada Awdal iyo Salal maamul gaar ah yeeshaan, ayaa waxa uu noo soo diray maqaal uu kaga sheekaynayo, waxa iska beddelay mawqifkii sidaasi ahaa iyo tartanka beelaysan ee ka dhex taagan beelaha walaalaha ah ee wada dega gobollada galbeedka Somaliland.

MAQAALKII UU FAWSI UU ARRINTAA KAGA HADLAYNA SIDAN AYUU U DHIGNAA;

 

Aroor wacan oo wanaagsan akhristayaal
Waxa ayaamahan ka socda dalkaygii hooyo iyo qurbahaba hawo caaddifad qabiil huwan, shirar doceedyo iyo hadallo saxaafadda la isku marinayo.  Waxaad arkaysaa in is beelaysigii sii xoogaysanayo oo Suldaanadii ay warbaahinta isku marinayaa hadalo culayskooda leh,  waxana dhammaan beelaha reer Awdal ee walaalaha ahi isku hayaan sidii reerka loogu talin lahaa iyo beeshii taladaa u xoog badan lahayd.
Haddaba, Beelaha Makaahiil  ( Samarroon ) oo iyagu awood Vito culus ku leh Awdal ayaa dhawaan waxba kama jiraan ka soo qaaday go’aannadii shirqoolka ahaa ee lagu gaadhay shirkii ka dhacay Geb dhowr sano ka hor, shirkaa oo beelaha Makaahiil ay oggolaadeen si midnimada loo badbaadiyo, waxana  taladii reer Awdal lagu afduubay laguna taageeray maamulka Somaliland ee ay madaxda ka yihiin Siilaanyo iyo Zaylici, oo aanay beesha Makaahiil xilligaa iyo immigaba ku qanacsanayn, sababtuna ay ahayd duudsiga xuquuqdii reer Awdal ee maamul, saami qaybsi iyo horumar ee ay ku lahaayeen Somaliland, Ujeeddadii shirkaasina loo afduubay INTA KU DANAYSATA SOMALILAND.

 

Sida la wada ogsoon yahay beelaha Makaahiil oo iyagu muddo  labatan sano ku dhawaad hor-kacayey hoggaanka gobollada galbeedka iyo maamulka Somaliland, ayaa waxa ku soo kordhay kacdoon hor leh oo ay ku doonayaan in ay gooni isaga taagaan Somaliland, kacdoonkaasi oo aanay ka wada midaysnayn in reer Awdal sidaa loogu taliyo oo ay yeeshaaan maamul gaar ah sida reeraha Somaliyeed qaar ay u yeesheen amma ay u dagaallamaan in ay yeeshaan, oo aanay doonayay in siyaasadda Somaliland dib ugu sii mid ahaadaan, haddii kale ay soo ceshadaan mansabyadii ay ku lahaayeen Somaliland wakhtigii madaxda Craxman Aw Cali iyo Dahir Riyaale ee  makaahiil ( Samarroon ) xukunka ay hayeen. Wakhtigaa oo ay midaysnaayeen shacabka reer Awdal iyo kuwa Somaliland, halka maanta oo ay beesha Maxad Case xukunka hayso ay reer Awdal beelo u kala baxeen arrintuna ay meel adag marayso.

Si kastaba ha ahaatee,  beelaha Makaahiil ( Samarroon ) ma dariiqii ay reer Awdal iyagu u bilaabeen ee ay hoosgeeyeen beesha dhexe ayay raadinayaan mise inay waddo kale u furaan oo ay reer Awdal ku hore maraan oo ay maamul ku samaystaan ayey hormood ka noqonayaan? kuwaasi waa su’aalo ay dad badani is weydiinayaan. Balse arrinta maanta taallaa waa tartan qabiil oo aad u xoog badan, reerkii laga talo bataana uu noqon doono mid wakhti kale suga. Reer Somaliland maanta hoos yimaadda oo maamul gaar u tashan karaana ilama aha in uu jiri karo. Sidaasi daraaddeed, waxa ay u muuqataa in tartanka maanta ka dhexeeya beelaha Samarroon ay tahay mid ay ku kala daba fayshan yihiin xisbiyada Siyaasadda ee Somaliland.

Beelaha Maxad Case iyo Habar Carfaan waxay dooddoodu tahay meeshan wakhtigiinni waad soo qaadateen Makaahiilow annaguna maantaan doonaynaa in aan noqonno madaxda Waddanka. Marka dooddu halkaamarayso waxa jira ismaan dhaaf ama dhalliil ay u jeedinayaan beesha Makaahiil oo ay leeyihiin siyaasiyiitoodu waxba umay soo kordhin reer Awdal ama xoog baa la noogu talinayey,  welina rabaan inay somaliland madax ka noqdaan.

Gabagabo, waxaan ku talin lahaa in seddexda Beelood ee labo xulafada yihiin, beelina ay tahay tan awoodda sheegatay ee la iska bahastay,  reerka layska bahaystay ee Makaahiilla waxan u arkaa in uu yahay quwad, haddii kale la iskama bahaysteen.  Laakiin isbahaysiga labada beelood ayaa u eg mid cunuf qabiil wata.

 

 

Maamulka Somaliland iyo siyaasiyiinta hor boodaysana, waxan kula talin lahaa in ay faraha ka laabtaan, is riix riixa beelaha walaalaha ah ee Samarroon. Beel wallibana waxa ay xaq u leedahay in ay shiraan, tala mid ahna yeeshaan.

Wabilaahi towfiiq
Fowsi Craxman Warfaa


This post has been viewed 7940 times.

Categories: Daily Somali News, OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress