Dooddii loo qabtay musharrixiinta Madaxweyne iyo Ku xigoonnadooda Xisbiyada Somaliland miyaa durba la illoobay?

Waxa Daabacay on Oct 21st, 2017 and filed under Daily Somali News, Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – London – Dood markii hore loogu tala galay in si qurux badan oo heer caalami ah loo qabto, si ay Somaliland uga dhaxasho sumcad iyo sharaf, ayaa waxa ay ku danbeysey in la caris-qalo amma la kufsado. Xiisihii ay bulshada reer Somaliland iyo daneeyayaasha Somaliland u qabeenna, waxa ay natiijadoodii noqotay niyad jab iyo in la is weydiiyo, sababta ay TVyada Somaliland ka hawl galaa ugu cayaareen masiirka ummadda Somaliland.

 

 

 

Siyaasiga Ali Guray oo bogga uu Facebook ku leeyahay kaga faallooday dooddaasi, ayaa eed iyo dhaleecayn dusha uga tuuray, rag isku sheega in ay saxafiyiin yihiin balse aan la garanayn meesha ay saxaafadda ku soo barteen. Sidoo kale dad u badan qurba joog, oo sugayey dooddaasi, filashadoodu ahayd in ay noqoto dood laga iibiyo caalamka ayaa iyaguna niyad jab ka qaaday.

 

 

 

Dooddu haba qabsoontee, may ahayn mid tiirar adag ku taagan amma si cilmi ah looga soo shaqeeyey. Waxana taasi markhaati ka ah, sida loo daadihinayey, ee hal su’aal kelia uun inta saddexda musharrax la weydiiyo, haddana isla su’aashii loo dhigayey si kale, oo la lahaa maxaad ku gala geddisan tihiin.

 

 

 

Lagama hadlin:

a) Dhibaatooyinka dalka ragaadiyey, sida QABYAALADDA, QAADKA, ANSHAX XUMADA, BOOBKA, CADDAALAD DARRIDDA, FAQRIGA, SHAQO LA’AANTA, TAHRIIBKA IWM.

 

b) Lagma hadlin, nidaamka dawlo sidii loo hagaajin lahaa, hadday tahay CASHUURTA, ADEEGGA BULSHADA, AMMAANKA, KA FAA’IIDAYSIGA KHAYRAADKA, DHISMAHA DALKA, KOBCINTA WAX SOO SAARKA, TAYEYNTA MAAMULKA QAYBIHIISA KALA DUWAN, SAAMI QAYBISGA RUNTA AH EE BULSHADA IWM.

 

 

 

Isku soo wada duuboo, waxa dooddaasi diciifka ahi isugu soo biyo shubantay:

 

1. Muran iyo is gujo gujay had iyo jeer dhex taallay doodayaasha.

2. Su’aalo u egaa kuwa fadhi ku dirirka oo wada khaarajil mawduuc ahaa.

3. Nuxur la’aan aan illaa immiga la garanayn wax laga faa’iiday, amma la tix raaco.

4. Doodda oo aan dhaafin albaabka xaafadda.

5. Ugu danbayn, waxa ceeb iyo sumcad xumo ka qaaday ragga iyo TVyada ay ka socdeen.

6. Caalamkii laga iibin lahaa ooddaasi dimuqraaddiyadda Somaliland oo laga door biday in TVyada iyo shakhsiyaad loogu faa’iideeyo.

La soco qormo kale oo arrintaa daba taalla.

 

Awdalpress


This post has been viewed 6506 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress