Dawladda Federaalka Somalia oo go’aan ka soo saartay colaadda ka dhex aloosan Puntland iyo Somaliland.

Waxa Daabacay on Jan 11th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan colaadaha ka aloosmay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ku baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka.

 

Qorshaha Dawladda Federaalka ayaa ah in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada iyo colaadaha, waxeyna baaq u diraysaa Somaliland iyo Puntland, mas’uuliyiinta deegaankaas, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaallada iyo colaadaha oo ay dawladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah.

 

Guud ahaan dalka intiisa badani waxuu ka soo kabanayaa colaadihii iyo amni-daradii ragaadisay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan degaanadan ay hadda mashaqadu ka dhacday waxey muddooyinkii dambe ahaayeen deegaanno nabad oo xasillooni ka jirto.

Dawladda Federaalka ayaa wadda dadaallo lagu xoojinayo dib-u-heshiisiin waarta oo dhammaan deegaannada la dhex dhigo, waana nasiib darro in xilligan ay dagaallo aan loo baahneyn dhacaan, tanoo fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka.

 

Dawladda Federaalka waxa ay ugu baaqeysaa dhammaan qeybaha ay khuseyso inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeeyno oo aan khilaafkeenna ku xallinnaa si nabad, wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta , Dhaqanka & Dalxiiska Somalia.


This post has been viewed 6690 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress