Carruur ay waalidkood Hargeysa u geeyeen dhaqan-celis, ayaa xukuumadda Somaliland gacanta ka saartay saraakiil ka socda dawladda Denmark si dib loogu celiyo dalkaasi oo ay dhalashadooda haystaan. ( Nala daawada )

Waxa Daabacay on May 4th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – Hargeysa – Arrin ugub ah oo aan hore uga dhicin dhulka Somalida ayaa maanta ka dhacday magaalada Hargeysa. Arrintan oo ah carruur waalidkoodii ay ka keeneen Denmark, oo ay Somaliland u keeneen si ay u bartaan dhaqankoodii, afkoodii, diintoodii iyo dadkoodii una badnaa gabdho in muddo ahna lagu hayey school hoyga la seexda ah ( Boarding school ), ayaa maanta gacanta laga saaray saraakiil arrintaa uga yimid Denmark. Oo dawladda Denmark soo dirtay.

Gabadh ka mid ka mid ah carruurtan oo ka baxsatay dugsigaa la seexdo, ayaa si qarsoodi ah cabasho ugu gudbisay dawladda Denmark, waxana ay schoolkaa hoyga ah ku sheegtay mid lagu barayo xag-jirnimo isla markaana dhibaato loogu geystay. Kadibna dawladda Denmark ayaa arrintii daba gal ku samaysay, waxana ay dawladda Somaliland ka codsatay in dalkoodii lagu soo celiyo, maaddaama ay dhalasho Danish ah haystaan.

Si kasta arrini ha ahaatee, waxa dib celintaa ka xumaaday dumarkii hooyooyinka u ahaa carruurtii iyo aabbayaashii, waxana ay codsadeen in aan carruurta dib loogu celin Denmark.

Awdalpress


This post has been viewed 2125 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress