Khilaafka soo dhex galay waddammada carabta ee xukuumadda Doha lagu takooray oo ay dawladaha Djibouti iyo Muqdisho ku kala siyaasad duwanaadeen.

Waxa Daabacay on Jun 8th, 2017 and filed under Daily Somali News, Editorial, OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

 Image result for Geelle iyo Farmaajo
Murti Somaliyeed ayaa tidhaa, ” CAQLIGII WANAAGSANI ITAAL IN UU KA ROON YAHAY BAL EEGOO U FIIRSADAAY”.
Waddammada Gacanka iyo kuwa carbeed ee go’aansaday in ay xidhiidhka u jaraan Dalka Qadar, ayey Madaxda Djibouti iyo Somalia(Muqdisho) kala qaateen laba mawqif oo kala duwan.
Taariikhdu dib ayey u soo noq noqtaaye, sannadkii 1979 oo ahayd markii ay Masar la heshiisay Israel, ee ay duwalkii carabta intii ugu miisaanka cuslayd xidhiidhkii u jareen Masar, ayaa Madaxweynayaashii X. Xasan Guuleed Abtidoon iyo Maxamed Siyaad Bare  xiligaasi ay kala qaateen laba mawqif oo kala duwan, maxaa laga bartay siyaasiyaddii xilligaa? Labada dalse kee mawqifkiisa ku faa’iiday?
Wakhtigaa Somalia wey diiday inay Masar xidhiidhka u goyso, waxaanay ku weyday dhaqaale badan iyo taakulo Milatry oo uga imanaysay S/Arabia,  marxalada xiligaasi  Soomaaliya dhex jiiftay waxay ahayd, Jabkii ka raacay dagaalkii Ethoipia iyo Caydhintii ay Cayrisay saaxiibadeedii Ruushka(USSR) iyo xulafadiisii Waarso, maantana waxa haysta dhib ka weyn tii xiligaasi haysatay, taas oo ah dawlad la’aan, dalkii oo noqday dawlad goboleedyo iyo dawlada Muqdisho ka dhisan ee Soomaaliya loo ictiraafsan yahay oo weyda saaxiibadii waaweynaa ee khalijka oo caawimooyin ula diyaar ahaa.
Djibouti 1979 waxay jirtay laba sano, waxaana dagaalamayay labadii dal ee deriskeeda ahaa oo labadaba xidhiidh fiicani ka dhexeeyay, Djibouti iyadu xiligaa Masar xidhiidhka wey u goysay, bisaylkeeda siyaasadeed iyo danteeda dawladnimo ayayna raacday, wakhtigan imika Djibouti xidhiidhkii Qadar hoos ayay u dhigtay waxaanay raacday S/Arabia iyo xulafada, aragtida M/waynaha Djibouti Ismail Omar waa mid dan u ah dalkiisa iyo dadkiisa, siyaasadu waa dan joogto ah ee maaha saaxiibnimo iwm.
Haddaba Juquraafiga gobol ahaaneed ee siyaasadda soomaalida ayaa u baahan mid miisaaman, oo ay hoggaamiyanaan siyaasiyiin aqoon iyo khibrad u leh dadka ay wax la wadaagayaan. Shaqada ugu weyn ee dawladda Somaliya la wadaagayso beesha caalamkana waxa hoggaamin kara nin aqoon iyo khibrad isku darsaday, weliba siyaasadda gobolka ee ay Dawladaha Carabtu hoggaamiyaan uma baahna turjumaan, ee waxa ay u baahan yihiin wasiir afkooda iyo dhaqankooda yaqaan. Waxana siyaasadda maanta ay Somaliya qaadatay ka muuqata in laga soo fekeray Masaajidda iyo suuqa. Oo gundhig looga dhigay fikirka odhanaya ” waa dalal Carbeed oo inoo siman, kala raaci mayno Muslim coloobay, dhexdhexaad aan noqono iwm” Siyaasadduna sidaasi maaha.
Carqaladaha ugu waaweyn ee ka hor iman kara dawladda muqdisho ayaa ka bilaabmi doonta in Wasiirada Muqdisho ee tegaya Sucuudiga loo oggolaan waayo waxa ay u tegeen ilaa dawladda Soomaaliya go’aanka S/Arabia raacdo. Tusaale ahaan dib u raac sannadkii 1979 ay Somaliya ka leexatay dawladihii carbeed ee xidhiidhka u jray Masar;  Wefti Wasiiro ah ayaa Riyadh tegay oo sidan oo kale kaalmo uu Boqorkii S/Arabia ugu balan qaaday Somalia u doonay, balse Sacuudigu markii uu arkay go’aankii Dawladii Siyaad Bare, weftigii wasiirrada ahaa iyaga oo fara-madhan ayuu dib ugu soo celiyey Muqdisho. Weftiga imika Riyadh joogana fara-madhan bay la iman doonaan muqdisho..!
Taariikhda way soo noq noqtaa, in wax laga barto ayaana ugu muhiimsan !
Awdalpress

This post has been viewed 5455 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial, OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress