Beesha Cimraan oo xukuumadda iyo Golaha Guurtida ugu baaqay inay u gurmadaan xiisadda ka taagan Tuulada Gunbur-Libaax.Q.3aad.

Waxa Daabacay on Dec 24th, 2016 and filed under OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Waxa halkan innooga bilaabmaya Q.3aad ee maqaalkii
Gunbur-libaax waxay ino jogtay rasastii lagu asqaysiiyay.
Gunbur-libaax waxay gashay jawi Colaadeed maalintaas
laga bilaabo.Haydh-tulihi waxa uu markiba tos ula hadlay
Hargaysa Somaliland maadama aanay jirin Burco cidloogu
noqdo iyo rajo laga qabaa toona.
Si kastaba arrintu ha ahaatee , waxaa si degdeg ah ku tegay tuuladii
ciidan hubaysan oo bilays ah oo ka tegay Burco , oo kala dhexgalay
beelihii walaalaha ahaa ee laysku diray , maalintii ku xigtayna waxa
yimi 6 Xildhibaan oo ka socda golaha deegaanka Burco oo kala beelo ah.

Markaa Beesha Axmed-Faarax raasaskooda wax ka dega Gunburlibax
iyagaa markii hore gudohooda isku qabtay arrinkan , oo rag waawayn
oo odayaala oo ah raggii weligood Cimraanka ay wada degganayeen
Gunbur-libaax ,waxay soo jeediyeen oo qireen in weligeedba tuuladan
haykalkeeda guud uu ku magacawnaa Ciise-Cimraan , sida innaba aan
ugu magacaabannahay 10 ka magaalo ee Gunbur-libaax ku xeeran
tanna waynu wada degnaa , cidina innagama sheegato , nabad iyo
caanahaas ayaynu ku wada noolnahay ,oo xidid iyo dhaleeyoba ku
nahay ee tolow fitnada inaga daya oo yaynaan ku ceeboobin.

Halkaas ayay hadalka ku dhaabadeeyeen ,odayadaasi.
Qayb kale oo uu hormood u yahay nin lagu magacaabo
” Baroon ” oo reer biniin ah oo guled-biniin kasii ah oo nin
dhexdhexada ah oo reer magaal ah oo Burco deggan oo
Ilma Indho-dheero adhiga u iibiya, oo ay ilmadeer yihiin
mayarka Burco Maxamed Murad oo ay wax isku shushubtan
oo Gunburlibaaxba soo degay 7 sano ka hor oo uu maayarkii
hore ee tuuladu Bile-yare alla haw naxariistee uu kusoo
dhaweeyey oo sharfay kooxdan ayaa iyagu aaminsan oo soo
jeediyay in Gunbur-libaax lagu qabsado Cimraan !!!!!!!!!.
Fidnada tuulada ka dhacday badideedana waxa ka masuula
ninkaa ” Baroon” ee ay ilmaadeerka laxmiga ah yihiin mayarka
iyo nin oday ah oo kale , waana labadoodaas oo qudha 2da
nin ee diiday gartii ee uu Maayarkuna u taagwaayay !.

Runtii beesha Guled-biniin ee aanu walaalaha nahay waanu
uga cabanaynaa haddaanu nahay beesha Cimraan inankodas
Baroon ee hannaga qabteen, inankoodaas kale ee maayarka
Burco maanta ah ee isna aanu wax ka tirsanayno , isagu xil
buu maanta dawladda u hayaa , madax ayuu innoo wada
yahay ,shaqsi caadi ah maaha ,idinkana naga qabta idin
odhan maynno oo milgaha dawladnimo ayaanu dhawrayna
waa run oo isagaba waxbaanu ka tirsanaynaa , laakiin waxa
fiican in caddaalada laga hadlo,e wax fiicanna wuu qabtay
oo hawsha mar dhexe si fiican oo dhexa ayuu u waday ee
markii danbe ayay ilmaadeeradii kaga adkaadeen ! taas
ayaana ceebta usoo jiidday , waayo arrinkiiba hadda wuu
qariyay oo xitaa dawladda wuu ka qarinaya oo wuu aasay
sidii oo ay tahay wax fudud oo la illaawayo oo basiida.
waxana uu dawladda iyo warbaahinta u sheegay inay
tahay wax basiida oo gacamo ka kacay fitnada ka taagan
Gunbur-libaax ,dawladda iyo habarjeclo weyn iyo
inbadanoo reer somaliland ahibase way ka warqabeen
xaalka Gunbur-libaax , haddanna waatan sida cadceeda
loogu bayaamiyay sidee wax u dheceen iyo marxaladaha
ay soo martay Colaadda Tuuladda Gunbur-Libaax iyo
xaalka ay maanta ku sugan tahay oo aad halis u ah .

markii Xildhibaanadii uu u diray tuulada ay gartii soo naqen
ee go,aankii 9 xubnood ee guddiga ay keeneen xafiiskii
maayarka Burco ee ay saxeexeen ee mayarkina saxeexay
ee laddoonayay in 9 ka guddiga Gunburlibaxna saxexaan
ayay odayaadaasi ay ilmaadeerka yihiin maayarku ka
keceen oo saxeexii diideen , markaa Maxamed muraad
waxay ahayd inuu raggaa kacay soo fadhiiyo oo amar
iyo awood dawladeed runta ugu sheego ,intuu haydh
tuulihi oo maslaxad wada oo dhibbane ah uu xadhig ugu
hanjabayo ,maayarkuse hadduu laba nin oo ilmaaderadi
ah oo kacay soo fadhiisin kari waayay sideebuu haddii
Burcoo dhammi kacdo usoo fadhiisinkaraa tolow
illayn isagaa ah masuulka ugu sarreeya Burco,e.

markaa isaga dawladda dhexe iyo madaxtoyada ayanu uga
cabanaynaa ,oo maqaalkaniba toos ugu socdaa , oo ka
cabanaynaa ,in maayarku tuulada uu kasoo jeedo ee
Nasiye na uu isla ayaamahaa mashaariic uu kasoo
hirgeliyay ay ka mid ahaayeen rug bilays iyo qaar kaleba
waa sax waana ku faraxsanahay taas waayo annaba waanu
degnaa Nasiye ,laakiin ,waxaanu liqikari waynay in tuulada
Gunburlibaax la go,doomiyo oo la cunaqabateeyo oo la
saaro bandoo oo wax maayarku u qabto iska daaye loo
diido oo laga eryo hay,adihii ilaahay usoo diray ee ka fulin
lahaa mashaariicda , dawladda somaliland waxaanu si
sharaf leh uga codsanaynaa ,in Gunburlibaax xayiraada
laga qaado ,oo waxay xaq u leedahayna loo qabto.
.ninkaa kale ee Baroon la yidhaahdona isagaba
laftiisa dawladda waanu uga cabanaynaa oo waanu ka
dacwaynaynaa waayo nabad gelyadii tuulada ayuu khal
khal geliyay marar badan , haddana waanu ka warqabnaa
fidno ayuu lasoo maaggan yahay Gunburlibaax ,dawladdu
ninkaa wax haka qabato oo laameheeda ammaanku ha
waraystaan oo xaqiiqda jirta halla abbaaro oo belaayo
hor la qabtay leeday ee dabo la qabto malehe fitnada
halaga hortago , ayaanu coddheer ku sheegaynaa.

Fiiro gaara : Digniinahan iyo codsiyadan iyo cabashoyinka
aad hadda soo akhriday waxa la qoray oo uu saxaafada
galay sanadkii hore ee 2015 dabayaaqadiisii , markaa
waxaa yaab leh digniintii iyo codsiyadii iyo cabashadii
beesha Cimraan ee waqtigaa dawladdu waxba kamay
qaban oo arrinka waxaa aasay oo qariyay Maayarka.
Wixii ay waqtigaa ka digaysay beesha cimraanna wuxu
dhacay 30-11-2016 intaana wuu soo jiitamayay.

Caadi ahaan Magaalada Gunbur-libaax ilaa intay jirtay ilaa
waqtigii dawladdii Siyaad barre ilaa xilligii SNM ,
Guddida magaaladu waxay ahaan jirtay 4 Xubnood
3 Xubnood waxaa lahaan jiray Cimraan
1 Xubin waxaa lahaan jiray Axmed-faarax

4 tii Xubnood 2 way dhinteen ( allah haw naxariisto )
2na way nool yihiin , markaa 2da nool waa loo yeedhay waana
la warystay iyadoo dadkoo dhammiba xog ogaal yahay.

Markaa Beesha Axmed Farax ,rag kamida oo ah kuwaa
, aynu kor kusoo sheegnay waxay ku doodayaan
in guddida 2 meelood loo qaybsado
Haykalka guud ee Gunbur-libaxna laga wareejiyo Cimraan!

Cimraanna wuxu leeyahay waa in sideedii hore loo daayo
1/4 sida tuulooyinka kale ee aynu wada degnaaba yihiin.

Cimraan maba doodayo oo wuu yaabban yahay oo wuxuu
la yaabban yahay iyadoo la joogo 2016 kii in beel walalohooda
oo dhalasho wadaagaan ay ula timaaddo wax aan hore uga dhicin
deegaanka Habar-jeclo degto iyo guud ahaan Somalilandba
waxaas oo ah “” Magaalo Boob ” ” Tuulo boob ”
ama ku qabso ku qadi mayside.

Raggii hore ee waawaynaa wixii kasii nooli way garanayaan
xaalku siduu ahaan jiray iyo maslaxadda iyo wadanoolaanshaha
raallina kama aha balse waxaa dabada ka riixaya dhalinyaro
aan wax badan xeerinayn oo qaarkod magac dawladeed wataan.

Aan usoo noqonno Xildhibaanadii ergada u yimi Gunbur-libaax
Hawshoodii ayay maalintiiba gudagaleen , waraysi iyo xog ururin
labada beeloodba ah ayay galeen .
xataa waxay soo tiriyeen baraagihii magaalada iyo dhismihiiba
waxaanay markiiba xaqiiqsadeen , in beesha Cimraan ay xaq ku
taagan tahay oo walaalohooda kale ee G. Axmed Faarax qaarkod
arrinku ka hoosbaxay , oo ay sikale wax isu tuseen , waxaana fiican
in marwalba la wada hadlo oo laysu caqli celiyo marhaddii la yahay
dad wada dhashay oo muslim ah oo dhaleeyo iyo xidid ah , waxaa
kaloo iyana iskaba cad dhammaan Raasaska ay ka kooban tahay
Beelweynta Habarjeclo way wada ogyihiin oo wax qarsoon maaha
in tuulada Gunbur-libaax ay ku magacaaban tahay beesha Cimraan.

Markaa, kaddib markii ay baadhitaankoodii soo dhammaysteen
Xildhibaanadii waxay gartii ku naqeen oo xukumeen , intay
odayadii 2da beeloodba isugu yeedheen.

Go,aan

1) 9 Xubnood oo guddi ah ayaanu Gunburlibaax u garannay

2) 6 Xubnood beesha Cimraan ayaa yeelanaysa

3) 3 Xubnood beesha G . Axmed Faarax ayaa yeelanaysa

sidaas ayay go`aankoodii kusoo gunaanadeen.

markaa kaddib maxaa dhacay ?

Beesha Cimraan may jeclaysan arrinkaa , waayo waxay doonayeen
in arrinka sidiisii hore loo daayo oo ahayd 1/4 afarmeelood meel
sida dhaqanka tuulooyinka ku xeeran oo dhammi yahay .

Laakiin Beesha Cimraan iyagoo xeerinaya tollimada , wada dhalashada
wadanoolaanshaha ,iyo xididtinnimada fog ee ka dhaxaysa iyaga iyo
Beesha ay walaalaha yihiin ee Gaashaan-buur Axmed-Faarax,

Beesha Cimraan iyadoo qaddarinaysa oo sharfaysa Xildhibaanada
codka shacabka kusoo baxay ee beelaha kala duwan ee SL, ka tirsan
ee maamuuskii iyo haybaddii beelohooda huwan ee dhinaca kalena
dawladdii somaliland ,gobolkii iyo degmadiiba ka wakiilka ah ee
haddana meesha fog uga yimi , ee waqtigooda qaaliga ah usoo
huray , sidii ay sulux uga dhex dhalin lahaayeen 2da beelood ee
walaala ah ee Ciise- Cimraan iyo Gaashaanbuur Axmed Faarax ,

Beesha Cimraan iyadoo dhawraysa oo ilaalinaysa nabadgelyada
gobolka iyo guud ahaanba Ta Somaliland , iyadoo maanta SL ay
marayso marxalad aad u xaasaasiya oo kacsan iyo xilli kalaguura
oo beesha caalamkuna innagu fiirinayaan indho aan gacaltooyo
badani ka muuqan , waqtiguna iskaba adag yahay,

Beesha Cimraan waxay go,aan satay inay go,aankaa

Xildhibaannada si buuxda u aqbalaan .

Intaa kaddib maxaa dhacay ?

Waxaa dhacay wax lala yaabo !

Waxaa dhacay in odayadii walaalahayo Axmed-farax ay qaadacaan
go,aankii, madashiina ka kacaan , isla markiibana raggoodii kalee
hubaysnaa ay hubka la yaacaan ! ,

Booliskii ayaa markaa ragii hubaysnaa ka daba tegay , maleeshiyo
beeleedka ayaase badnaa , waxa kale oo ay booliskii markiiba
xabsiga u taxaabeen odayadii garta diiday iyagoo ku xidhay meel
iskuul ah waayo tuuladu Saldhig bilays malaha iyo bilays u gaara
toona , bilayskanna Burcaa lagasoo diray qaarna xildhibaanaday
la socdeen , maleeshiyadii beesha Cimraan ee hubaysnaana
meeshoodii ayay iska joogeen odayadoodiina madashiiba kamay
kicin , booliskii iyo maleeshiyaddii kale way isla baaxaadegayeen
magaalada koonayaasheeda , maalintaas waqti ka mida.

Halkaa marka arrin marayo ayay Xildhibaanadii waxay Burco ka
dalbadeen ilaa 100 askari oo aad u hubaysan , badhasaabka
maayarka iyo taliyihii qaybta Burcona inay degdeg kusoo gadhan
tuulada Gunburlibaax ,oo xaaladdu faraha kasii baxayso ! .
“waqtigaasu waa bishii 8aad sannadkii hore ee 2015″

Ciidamadii gurmadka ahaa ayaa isla galabtiiba tuuladii yimi
odayadii xidhnaa isla markiiba Burcay u dhaadhiciyeen.
subixii danbena Maayarkii Burco Maxammed muraad iyo
madaxdii bilayska iyo madax kale ayaa Gunbur-libaax yimi

Haydh-tuulihii magaalada iyo odayadii beesha Cimraan ee
martida loo ahaa waxay sameeyeen Casuumad aad u ballaadhan
oo waxa ay meeshii ku qaleen Geel maadaama dadku aad u badnaa
iyo ciidamaduba waana gob iyo caadadeed.

Markaa markii la qadeeyay kaddib waxaa dadkii magaalada
la hadlay Maayar Maxameed Muraad , wuxuu yidhi go,aanka
rasmiga ah ee Gunbur-libaax waa kaas ay xildhibaanadu
gaadheen , idinkuna ( Cimraan ) waad ku mahadsan tihiin
aqbalaadda aad aqbasheen , maanta ayaanna ogaaday in
wixii aad sheegayseen dhabyahay oo laydinka gardaran yahay
ciddii khaldanna waa la qabanayaa , annaguna Burcaanu ku
noqonaynaa ciidanka bilayska ahina 3 cisho ayay joogayaan
maleeshiyada hubaysanina magaalada masoo geleyso
idinkuna maleeshiyo hasoo gelinina , odayadii iyo wax garadka
beesha G. Axmed-farax Burcaanu ku kulmaynaa hawshana
anaa dhammaynaya ee iga war suga.

maxaa dhacay haddaba ?

4 cisho wax wara maayarkii lagama helin , ciidamadii bilayska
ahaa ee Gunbur-libaax joogayna Burco ayaa dib loogu qaaday

qiyaastii 10 cisho kaddib iyadoo booliskiina burco u guuray
maleeshiyadii 2da beeloodna sidii isu hor fadhiyaan ayaa
Maayarkii loo tegey oo la wayddiiyay meesha wax u marayan
waxaanuu afbuuxa ku jawaabay wax wanaaga kama hayo
beeshaydii G. Axmed Farax , bal iga warsuga uun !.

.markaa waxaa dhacday in maayar Maxammed Muraad uu iska
siidaayey markiiba odayadii uu soo xidhay , ee ay isku raaska
ahaayeen ee diiday gartii ay naqeen xildhibaanadii golaha
degaanka Burco ee uu ka tirsan yahay ee uu u diray ,iyagoo aan
oggolaan go,aankii ay madaxda degmadu ka gaadheen arintii
Gunburlibaax , odayadii Cimraanna wuxuu maayarka Burco
kusoo war geliyay , in odayaashii beeshiisa ay laba kamidi diideen
go,aankii tuulada laga gaadhay , markaa weli hawshii waan ku jiraa
isuga , odayadii beesha Cimraan way iska sugeen muddo dheer
markasta oo ay u tagaan oo wayddiiyaan halka wax u marayaanna
muddo cusub ayuu u qabtaa oo 7 cisho ama 4 cisho ama wax lamida
markasta oo uu Haydhtuulihii Gunbur-libaax Saalim Bile-yare uu u
tago wuxuu ku yidhaahaa weli wax muwaafaqo ah kama hayo
Beeshaydii Gaashaanbuur Axmed Faarax , welina kama quusan ee
isuga , way iska sugaan uun oo wax kaloo ay qabtaan ma garanayn.
waayo waxaa lays dhinac wadaa dawladnimadii iyo qabiilnimadii !.

waxaa kaloo iyana maalmahaa jirtay , in xildhibaanada golaha
degaanka Burco qaar ka mida iyo maayar maxammed muraad
ay fiintu dhex miranaysay oo muwaafaqada dhexdooda iyo
wada shaqayntooduba xumaatay , halkaasna ay ku dayacantay
shaqadii ay degmada u hayeen oo ay kala weji dadbayeen muddo
siiba xildhibaan ka tirsanaa beesha Cimraan ,oo lagu magacaabo
shiine falliidh oo ay isugu dhaceen arrinka Gunburlibaax awgii
waxase soo kala dhexgalay labadooda Maayar kuxigeenka
Burco Muxumad Xasan Jaamac ( Xoday ) oo heshiisiiyay una
sheegay in haddii xildhibaanadu kala weji dadbaan ay markaa
dayacmayso hawshii aynu degmada iyo dadweynaha u haynay.

Waxaa kaloo iyana isla maalmahaa ay xildhibaanada qaar
si cad oo qayaxan ugu sheegeen Maayar Maxammed muraad
in aanu ku ceeboobin arrinka Tuulada Gunbur-libaax oo uu
si degdega u fuliyo go,aankii dawladdu arrinka ka gaadhay
oo uu laba arrin miduun yeelo
1) inuu go,aanka amar dawladeed ku fuliyo ,illayn isagaa
golihii degaanka madax u ahe oo uu ilmaadeeradii qabto
2) Ama inuu xilka iska casilo , waayo nin ilmaadeeradii
qaladka ka qaban kari waayay maanta , dee berritona
haddii cid kale qalad samayso , weji uu kuqabto malaha !

markaa maayarku farriin ayuu u diray odayadii Cimraan
oo wuxu ku yidhi , arrinkii waxan geeyey guriga looga taliyo
Beesha Axmed Faarax ee ay guurtidoodu fadhiisato markaa
iga war suga muddo toddobaada , mudadii uu uqabtay
markay dhammaatay oo toddobaad kalena ay ugu dareen
ayaa waxaa maalintii danbe u tegey haydh-tuulihii tuulada
Gunburlibaax odaygeeda ahaa oo lagu magacaabo Saalim
Bile Samatar ( ina Bile yare ) markaas ayuu si xushmad leh
ugu yidhi Guddoomiye muddo badan ayaanu ku sugaynay
oo sabraynay , oo seddexdii mashruuc ee hay,adda Bisha
Casi ka fulin lahayd tuulada ee dadka iyo xoolaha degaanka
labada tuulo ee Gunbur-libaax iyo Naqdhabiijoba ay aad
ugu baahnaayeen adiga ayuu kugu xidhan yahay oo kuu
xanniban yahay ee maad hawsha dhammaysid , hadalo
kale oo cabatin iyo inuu luggooyay ahna sii raaciyay.

Markaa maayar Maxammed muraad wuxuu ugu
jawaabay waardee anigu miyaan qasbaa waa laydiidee !
Waar dee Beeshaydii G. Axmed Faarax way i diideen
waxaanu amar ku bixiyay oo ku yidhi askartii la joogtay
waa inaad xabsiga dhigtaan Haydhka Gunbur-libaax !
Halkaas ayayna kusoo gebegebowday caddaaladii iyo
xaqsoorkii uu arrinkaa ku dhammeeyey Maayarka
Magaalada Burco shiikh Maxammed Muraad !!!.

Markaa Beesha Habarjeclo-weyn iyo dawladda
somaliland iyo beelaha kale ee soomalilandba waxa
loga fadhiyaa in ay gole loo dhanyahay ku waydiiyaan
Beesha Gaashaanbuur Axmed Faarax odayadeeda ,
cuqaasheeda , guriga looga taliyo ee Burco iyo xitaa
Suldaankooda sheekh Maxamuud Guuleedba bal
inay ummadda reer soomaaliland u caddeeyaan
go`aankii iyo mawqifki ay ka qaateen arrinka tuulada
Gunbur-libaax , markii ay hoos isu xansadeen ee ay
ku kulmeen Guriga G . Axmed Faarax looga taliyo
iyaga iyo Maayarka Burco ee inankooda ahiba,
ma waxay Go`aan kuwada gaadheen in Ciise-Cimraan
oo tolkooda ,oo gacalkooda oo xididkooda inay ku
duulaan oo ku qabsadaan Gunbur-Libaax oo ku miraan
oo ku weeraraan oo ku laayaan wiilashii hablohoodu
dhalen sidii dhacday habenimadi arbacadi 30-11-2016
oo sharcigii iyo kaladanbayntii somalilandna ay aasaan.
waxaa laydiinka fadhiyaa inaad soo caddaysaan arrinkaa
oo ciidamo beeleedka iyo colaadda iyo go`doominta aad
ku haysaan Gunbur-Libaax iyo tolkiina aad joojisaan.

Askartii ilaalada u ahayd Maayar maxamed muraad
waxay kusoo dhaqaaqeen Haydh-tuulihii Cimraan ee
tuulada gunburlibaax Saalin Bile-Yare si ay uqabtaan
oo xabsiga ugu taxaabaan ,maadaama oo uu mayarku
amar kusiiyay inay xidhaan !,

Waxaase dhacday in markay is yidhaaheen qabta , uu dib
uga joogsaday , si degdegsiinyo leh , waayo Haydh-tuulaha
Gunbur-libaax waa nin askarta ahaa oo tababaran ,wuxuuna
markiiba jeebka kalasoo baxay ,caddayntiisii askarinnimo
ee milleteriga somaliland , wuxuuna amar ku siiyay inay
digtoonaad oo aanay tallaabo danbe hore usoo qaadin !
Haydhtuuluhu wuxuu ahaa Makaani gaadiidka ciidanka
milleteriga ee aagga bari,sidaas ayayna booliskii mayarku
kaga tageen maadaama aanu boolisku milleteriga xidhi karin
Maayar Maxamed muraadna waxaa u caado ah oo ay reer
Burco oo dhammi ogyihiin inuu yidhaaho xidha xidha, qof
kasta oo xaqa u sheega oo dulmiga ka gilgisha oo diida.

Waxaasi iyo wax kasii daran ayay maayarka Burco Maxamed
Muraad iyo GaashanB Axmed Faarax ,ay Cimraan ku sameyen
oo aanu iska samraynay oo iska xishoonaynay , markaa hanala
yaabina haddaanu luqad adag ku hadalay Q.1aad ee maqaalka
oo aanu fatahnay oo aanu furka tuurnay , waayo waxaan tol
iyo gacal iyo sokeeye iyo xidid toona lagusamayn ayaad nagu
samayseen oo aanu qarsanaynay oo aanu idinka xishoonaynay.

Halkaas ayayna 3dii mashruuc ee bisha casi u qaban
lahayd degaankaasna nagaga baaqdeen aad iyo aad
ayaanuna uga xunnahay , godobtaasna cidda gaysatay
waanu ognahay ,iyana waa is ogtahay ilaahayna waa uu
og yahay , dawladda somaliland na hadda ha ogaato
weliba Dawladdu ha ogaato in hay,adda Bisha Cas lagaga
soo saaray Gunburlibaax Xabbad , shirkaddii shidaalka ka
baadhaysay degaankaasna waatii ammaan xumo uga
baxday ee waddankaba iskaga baxday , arrimahaasuna
waxay uun sii fogaynayaan maalgashiga iyo ictiraafka
waxayna sii kordhinayaan shaqo la,aanta iyo tahriibka.
waxaad isagana waraysan kartaan , wakiilkii hay,adda
Bisha Cas ee Burco oo aan filayo inu aha Ina Cali-Burco.

Weliba ku darsoo sidaynu horeba ugasoo hadalnay 3daa
mashruuc waxa laga wada fulin lahaa 2da tuulo ee
Naq-dhabiijo oo ay degaan ahaan u leeyihiin G. Axmed
Faarax lase wada dego iyo Gunbur-libaax oo ay degaan
ahaan u leeyihiin Ciise-Cimraan lase wada dego , markaa
waxaa nagu maqaalo ah in lagu yidhi hay`addii Bisha-Cas:
3dan mashruuc Naqdhabiijo uun ka fuliya , waayo ta kale
ee Gunbur-Libaax waa laysku haystaa , Markaasna waxaa
arrinkaa gaashaanka ku dhuftay hawlwadeenadii Bisha-Cas
oo ku adkaystay oo go`aanna ku gaadhay oo yidhi :
ama labada tuuloba mashaariicda waanu ka fulinaynaa ama
waanu kawada tegeynaa , sidii ayayna uga wada tageen !!.
halkaa waxa ka dhacday ” Karis-xun” iyana wax ku la`
mana garanayno haddaanu Ciise-Cimraan nahay waxa ay
walaalahayo Gaashaanbuur Axmed Faarax ay colaadda intaa
leeg iyo Naxligaa huursanaa ee hadda qarsoomi waayey ee
dibedda usoo baxay,waxaanu ku galabsanay ,hadday jiraan
waxyaabo qadafa ama xumaan aad anaga naga tirsanayseen
noo sheega annagu garanmaynee oo gogol innoo dhiga ,.

meday tollimadii ,meday xididnimadii meday gacalnimadi
meeday derisnimadii , meeday wada dhalashadii ,meeday
wada noolaanshihihii,meeday gobanimadii, iyo isasooriddii
iyo wax wada cunkii innoo dhaxayn jiray ee innoo xeerka
ahaa ee xeedhada faraha lawada gelin jiray ,waar sawnagan
weli guri walba kuwada nool ee abtiga iyo habaryarka iyo
soddoga iyo seediga miidhan isuwada ah, waar ma tanaa
maanta innoo danbaysay innagoo marayna 2016 oo aanay
innasoo marin waqti aynu ka mutacallimiin badannahay
iyo waqti aynu ka culimo badanahay iyo waqti aynu ka
caqli iyo camal iyo cibaado badannahay ,maxaa innahelay
aan dib isugu noqonno labadeenna beeloodba oo fekerro.
Wallee wax weyn oo aynaan ogeyn ayaa innagu dhacay ee
baadhitaanno sal ballaadhan oo wada jira halla sameeyo
oo halays xakameeyo labadeenna beeleedba waa udane.

Beenaale markhaatigiisa ayuu fogeeyaaye , waxaa
arrinkan Gunbur-libaax ka war hayay dad aad u badan iyo
dhammaan madaxdii gobolka Togdheer iyo degmadaba
oo xog ogaal ka ahaa oo markhaatiga furaya oo xay ah
waana kuwan magacyadoodu dhammaantood

Maxammed Muraad ( maayarka Burco )
Maxamed Muse Diriye (wasiiru dawlaha w. A. gudaha)
dhinaca amniga ( Badhasabkii Burco ee waqtigaa)
Jaamac cabdillahi Biin ( wasir ku xigenka .w.A gudaha)ee
dhinaca gobolada & degmooyinka ( ex wasiir xigenka
wasaaradda gaashaan dhigga ee waqtigaas )
Muxumad xasan jama ” xoday” ( Mayar ku xigen burco)
Maxamed Diiriye Xayd ( badhasab ku xigenka Burco )
Cabdi muse Cabdilahi ( taliyihi booliska burco waqtigas)
iyo dhammaan xildhibaanada golaha degaanka Burco
Gaar ahaan xildhibaanadii isku dhafka ahaa ee kaso kala
jeeday beelaha kala duwan ee loo xilsaaray arrinka
Gunbur-libaax ee loo diray ee go,aanadaba soo saaray
kuwaasoo maanta nool oo xay ah oo la waraysan karo.

waxaa kaloo iyana arrinkan ogaa oo ka warqabay oo
go,aanka xildhibaanadu ka gaadheen Gunbur-libaaxna
soo dhaweeyey labada suldaan ee labada beelood.
Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen ( suldanka Cimraan)
Suldaan Maxamuud Guuleed ( suldaanka Axmed faarax)
iyo badiba odayaasha labada beelood iyo dadkaloo badan.
waxa kale oo aan filayaa in loo sheegay oo uu ogaa
wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan oo
waqtigaa madaxtooyada joogay , mase hubo taas.
weliba warqaddii go,aanka oo ay saxeexeen maayarka
iyo xildhibanadii hawsha loo diray ,waxa hayay mayarka
waxaa kaloo loo dhiibay Badhasaabka kor ku xusan
iyo odaayaashii tuulada waa wax caddaana oo dhaba.

Markaa haddaanu nahay beesha Cimraan ee degta
deegaanka Gunburlibaax , annagoo ilaalinayna qaranimada
midnimada iyo amniga somaliland , annagoo tixgelinayna
oo xaqdhowranna ehelnimada iyo wada deganaanshaha
dhammaan beelaha somaliland , gaar ahaanna beesha aanu
ehelka , qaraabada iyo xididkaba nahay ee G. Axmed Faarax
waxaanu si xushmad leh uga codsanaynaa , dawladda
somaliland iyo guud ahaan beelaha somalilandba in arrinka
Tuulada Gunbur-libaax degdeg loosoo farogeliyo oo wax
laga qabto oo aan dib danbe loogu eegan maayarka Burco
Maxamed Muraad , dadkii walaalaha , tolka , ehelka iyo
xididkaba ahaa ee deegaankaas wada degganaana weli
waxaa ku kala dhexjira uur xumo , oo xataa ciiddii carrafo
ee aynu soo dhaafnay ,salaaddii may wada tukan ee laba
meelood ayay ku kala tukadeen labada beelood uur xumo
iyo kala weji dadab aawadeed ,arrinkaasuna wuxuu ina
tusayaa sawirka dhabta ah ee deegaanka yaal iyo
calool xumadu heerka ay gaadhsiisan tahay , dawladda
iyo hoggaanka dhaqanka ayayna masuuliyaddooda
tahay inay ka hor tagaan wixii amaan xumo keenaya.

Fiiro Gaara : digniinahaa, codsiyadaa iyo talo-bixintaa
aad soo akhrideen waxa la baahiyay oo dawladda
somaliland iyo hoggaanka dhaqankaba loo sheegay
dabayaaqadii sannadkii hore ee 2015 ilaa 2016kan
NASIIBDARRO wax laga qabtay ma jirin dhegna looma
jalaqsiin wixii intaasoo dhan CIMRAAN ka digayayna
waxay dheceen 30-11-2016 ,welina dhibtii mid kasii
daran ayaaba taagan oo GUNBUR-LIBAAX hadda waa
goob colaadeed ilaahay haynaga qaboojiyee ,oo
garanmaynno dhibaatooyinka waddanka ka dhacaya
waxa uu wax uga qaban waayay madaxweynihii aynu
doorannay ee Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.

Kudarsoo malaa Ninkii Gunbur-libaax lagu dilay ,weli
ayuu yara ahaaye ama dhiig muslinba waa xaaraane
waxa wax lala yaabay oo mucjizo ah noqotay , galabtii
arbacadii 30-11-2016 ee ninka la dilirabay ,waxa
deegaanka gobolka Togdhheer oo dhan iyo badi wadanka
dul Huguulaynaayey oo dul joogay DARUURO roob iyo
biyo ka buxaan dadka degaanka GUNBURLIBAAX na
waxayba galabtaa is lahaayeen roobka guryihii ka
gaadhimaysaan oo xoolahaba ka xereysan karimaysan
waayo wuuba Hoorhoorayey roobku iyadoo dadkii iyo
duunyadiiba faraxsan yihiin oo ay xaqiiqsadeen inuu
ilaahay Abaartii kululayd kasoo jebinayo , ayaa galabtii
isla markiiba waxa weerar kedisa lagusoo qaaday
Tuulada GUNBUR-LIBAAX waxana dhiigiisa qaaliga ahaa
ee dhiiga muslim ahaa ee ay daadintisu xaaraanta ahayd
dhulka lagu daadiyay Marxuum lagu magacaabi jirey
SACAD CALI IBRAAHIM ( Sacad Cali-dhidar )
iyadoo dhiigiisana ay daadiyeen Abtiyaashii, yaabka
dhacay ee dadkii fiirada lahaa soo sheegeen isla
saacaddii gudeheedii ayuu roobkii meelwalba ka
hooraayay joogsaday oo gudhay oo daruurtii oo
dhamina way kala yaacday ,maalintaas ayaana ugu
danbaysay cirkaba daruur , Roob iska daaye,

Markaa waxaa laga yaabaa oo aad indhihiinna ku
arki doontaan ,in dulmiga iyo qabyaaladda iyo
caddaalad darrada ka taagan somaliland oo sabab
u ah Roob la`aanta iyo barako la`aanta dhulkeenna
haysta inay u dhiman doonaan tobanaan kun oo qof
amabase boqolaal kun oo qof iyo xoolohoodu
haddaan degdeg loo toobad keenin oo khaladka
la gelayo waddankoo dhan layska qaban oo aan
caddaaladdii dib loosoo celin oo cidda dulmiga
wadda layska qaban cadaabkaa innagu habsaday
ee Abaarta le` ee Colaadda le` ee khilaafka le`
ee caloolxumada ,Qabyaalada iyo xaasidnimada le`
ee kala danbayn la`aanta iyo kala amarqaadashada
madaxdii dawladdeena leh , ee la garan la`yahayba
cidda ay taladu ka go`do dawlad iyo dhaqanba !!!.
waxaasi waa cadaab inna haysta ilaahayna innaga
dul qaadimaayo illaa aynu u toobad keenno oo aynu
usoo noqonno oo cidii dulmiga wadana iska qabano.

Ugu dan bayn haddaynu soo gunaanadno maqaalka
ka hadlayay xogtii shaqaaqada Gunbur-libaax

Waxa ay dhammaan guurtida Cimraan bilowgii bisha
November 2016 u gudbiyeen wasiirka wasaaradda
arrimaha gudaha somaliland prof. Yaasiin X. Maxamud
” Faratoon” cabatin iyo dacwad ku saabsan arrinka
tuulada Gunbur-libaax iyo inaanay sidii sharciga iyo
caddaaladdu ahayd aanay madaxda Togdheer ee Burco
wax uga qaban fitnada iyo khilaafka ka taaganna ay uga
xog warrameen oo waraaqihii dawladda hoose ee Burco
ay go`aamada kusoo saartayna ay u geeyeen una
sheegen inuu yahay shaqsiga ugu sareeya ee amaanka
waddanka xilku ka saaran yahay inuu ilaaliyo.

Markaa wasiir Faratoon ,markuu waraqihii go,aamada
dawladda hoose ee Burco akhristay ,wuxu waraaq usoo
qoray oo warcad soo siiyay madaxda degnada Burco si ay
u fuliyaan go,aamadii ay Gunburlibaax kasoo saareen
xildhibaanada golaha degaanka Burco , markaa warkii
wasiirka iyo amarkiisii markuu soo gaadhay Burco
Nasiib darro waxay fulintii amarka wasiirka arrima
guduhu noqotay in Col iyo malayshiyo beeleed la
abaabulo oo Gunbur-libaax si warmaqabto ah loo
weeraro oo dad badan lagusoo laayo ,waana lagu
dhaqaaqay weerarkaas oo sidaa ogtihiin wuxuu
dhacay arbacadii 30-11-2016 ilaahayna kama dhigin
sidii ay doonayeen maleeshiyo beeledka ay madaxda
Burco soo ababushay oo ahayd inay dad badan layaan
waxa si habaqle ah oo aan diyaar garow lahayn isaga
difaacay dadkii deganka oo markaa waxa uun ay dilen
marxuum ay iyagu dhaleen” Sacad Cali Ibraahin”.

Dagaalkaas iyo weerarkaas iyo colaaddaana waxaa
abaabulay oo ka danbeeyey sida xogaha dhabta ahi
sheegayaan Maayarka Burco Maxamed Muraad iyo
nin ay ilmaadeer yihin oo lagu magacaabo ” Baroon”
oo Burco deggan oo la yaqaan oo ilma Indha-deero
Adhiga u iibiya oo gunburlibaaxna soo degey ilaa 8
sano kahor oo uu kusoo dhaweyey oo sharfay haydh
tuulihii hore ee gunbur-libaax Bile-yare , markaa
fitnada ka taagan gunbur-libaax inuu ninkasi badi
ka masuul yahay hore ayaad usoo akhrideen
labadan ninbana waa beesha Reer biniin , weliba
maleeshiyada Gunbur-libaax weerartayna ee ay
soo abaabuleenna waa wada Reer biniin oo waa
wada ilmaderadod waxa uun weheliyay reer Fahiye
Beesha Abbokor Axmed iyagu way diideen inay ka
qayb qaataan weerarkaa ceebta iyo lafjabka ku aha
ciddii soo qaadday ,Runtii haddaanu nahay Ciise
Cimraan ma garanaynno waxa Beesha Reer Biniin
ku kellifay waxaa ceebta iyo xaaraanta ah ee ay
faraha kula jiraan bal reer somaliland haka garnaqen.

Guud ahaanbase beesha Gaashaanbuur Axmed Farax
way ka midaysnayd ceebtii hore ee khilafka ay geliyen
in Gunburlibaax Haykalkeeda guud uu ku magacaban
yahay Beesha Ciise-Cimraan markaa waxa la odhan
karaa weerarkii gaadmada ahaa ee Gunburlibax lagu
miray ee ninka lagu dilay ayuunbaanay u dhamayne
laakiinse fitnadii iyo khilaafkii arrinku ka kacay iyo
wax ka qabosho la`aantii arrinka way u dhamaayen.

Markaa ugu danbayn Xaaladda Gunburlibaax hadda
sidaad ka warqabtaan waxay maraysaa meeshii ugu
xumayd abid , ciidamada milleteriga somaliland iyo
kuwa booliskuba si wanaagsan ayay uga hawl galeen
oo usoo qabqabteen maleeshiyadii weerarka soo
qaadday markaa ciidamadu baadhistii ayay wadaan
labadii beelood ee walaalaha ahaana colaaddii iyo
uurxumadii iyo kala qaxii weli wuu ku kala dhexjiraa.

hawshiina waxa gacanta ku haya isla madaxdii Burco!.
Xikmado soomaaliyeedna waakuwii ahaa :
” Haddii Dawo bukooto , maxaa lagu dabiibaa ”
” Haddii dab dhaxamoodo , maxaa lagu diiriyaa ”
” Eelka kii dhigay ee Carrada rogay udacwootooy ”

Ugu horrayn marka lawada akhriyo 3da qaybood ee uu
maqaalkani ka kooban yahay waxaa laga codsanayaa
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud
Siilaanyo iyo lataliyayaashisa rasmiga ah ee madaxtoyada
joga e kala ah 1) Marwada madaxweynaha Aamina-weris
2)Muuse Biixi 3)Maxamed Kaahin 4)Maxamuud Xaashi
5)samsam 6) Baashe Cawil 7) Cali-marreexaan inay
shaqaaqada iyo cadaalad darrada waddanka ka taagan
ay wax ka qabtaan o ay Tulada Gunburlibaaxna arinkeda
soo farageliyaan oo aanay cid danbe ku hallayn haddii
kale waddanku iyagoo madaxtooyada jooga ayuu kudul
dumayaa o kudul burburayaa ilahayna iyaguu waydinaya.

Gunaanadkii iyo gebogebadii waxay beesha Cimraan
ku talinaysaa oo soo jeedinaysaa , in arrinka cakiran
ee Gunbur-libaax ay degdeg usoo farogeliyaan
Dawladda dhexe iyo Madaxtooyada somaliland iyo
Beesha Habarjeclo weyn iyo dhammaanba wax
garadka iyo culimadu oo laysasoo horfadhiisiyo
labada beelod ee Ciise-Cimraan iyo G.Axmed faraax
oo maayarka Burcona lasoo golajoojiyo oo markaa
ciddii gardarroonaysa gobolka iyo waddanka laga
qabto oo lays qabto oo dhiigdaata iyo dhibaato kale
laga hortago oo sulux iyo wanaag arrinkan lagu
dhammeeyo si dadkii walaalaha ahaa ee kala qaxay
ee abaartu haysataa ay isugusoo noqdaan oo biyo-
hoodii iyo berkedohoodii uga wada cabbaan oo
abbaarbaa haysatee bal colaadda uun laga joojiyo
si ay uwada noolaadaan oo sidoodii hore ay isu
dhaqan jireen ee isu xushmayn jireen ay dib ugu
soo ceshadaan fitnada iyo dhibku cidna dan uma aha
dad dhaleeyo ah ayaa la yahay oo aan kala maarmin
maskaxda fayoobi ha taliso oo fidmowalayaasha
labada dhinacba hallayska qabto oo arrinka
suluxana dawladda iyo Habarjeclo-weyn iyo beelaha
kaleba hormuud haka noqdeen.dhammaad.waxaad
soo akhriday cabatinkii iyo garnaqsigii beesha
Cimraan ee Somaliland ay kaga cabanaysay weerarkii
ay ciidamada abaabulan ee 4ta gaadhi watay ay ku
soo qaadeen Tuulada ay degaan ee Gunbur-Libaax oo
40 km kaga beegan Burco dhinaca koonfur bari dadna
ay ku laayeen maqribnimadii arbacadii 30-11-2016
iyo tuladii oo go`doon iyo colaad kujirta dawladuna
aanay illaa hadda culayska arrinku lahaa siinin !
Allaa mahadle . Maxamed Isaaq Axmed
Burco/Togdheer. dhammaaaaaaaaad.
dhammaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaad.

dulmidiidee@gmail.com


This post has been viewed 1265 times.

Categories: OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Editorial
Log in Open

/ Ahmedweli Goth by Awdalpress