Category archives for: Editorial

Majare habaw siyaasadeed oo soo foodsaaray Somaliland

Somaliland waxaa mudooyinkan dambe soo foodsaaray majare habaw siyaasadeed, arintan ayaana imanaysa xili bulshadu ay ku jirto xaalado adag oo ay hadheeyeen duruufo dhaqaale,Sixir barar, shaqo la’aan iyo Tahriib faro ba’as ku haya dhalintii soo kacaysay. Hogaanka Somaliland majaraha u haya ayaa ku masquulsan hanti urursi iyo siyaasad la odhan karo dalkii wuxuu gacanta  u [...]

Daaroodku maxay ka dhaxli doonaan khilaafka Kismaanyo? Khilaafkaasina ayuu faa’iido u yahay?

Khilaaf aad u adag ayaa dhex yimid beelaha Ogaadeen iyo Mareexaan ee ku loolamaya hoggaanka magaalada Kismaanyo amma Jubbooyinka. Maalintii shalay ahaydna waxa bannaanka is keenay khilaafkaasi oo  muddo uu degaankaasi la dheel dheelliyayey. Waxana  shir laba goobood lagu  kala qabtay lagu kala doortay laba Madaxweyne oo ka kala socda labada beelood. Labada beelood oo [...]

Faallo: Haddiiba ay Somaliland iyo Ehlu Sunna taageereen go’aankii shirka London ee Somalida wax loogu qabanaayo, Ingiriiskuna uu u ducaynayo dib u heshiinta Somalida…waxa hadhayba waa uun dhammaystirkii.

Awdalpress – London – Shalay markii lagu guda jiray shirka Somalida taladeeda lagu lafa gurayey, ayey dad Somaliyeed oo ku muddaharaadayeen bannaanka ka horreeyey dhismaha lagu shirayo, halkaa oo ay ku xabeebsadeen sidii ay u qaylyayeen, waxana ay ku cod dheer oo ay makrafoonno lalinayaan ku sheegayeen ereyo ka dhan ah, madaxweynaha Somaliya  iyo Ahmed [...]

Madaxweyne Xasan Sheekh sidii la moodayey noqon waa, welina taladu way hoos marsantahay.

Awdalpress – London – Madaxweyne Xasan Sheekh markii la doortay waxa uu Somalida iyo beesha caalamkaba ka helay kalsooni iyo soo dhaweyn aad u diirran. Waxana laga soo dhaweeyey meel kasta oo ay Somaliyi joogto. Illaa iyo immigana waxa u bannaan in uu waddadii ay Somaliyi rabtay cagta saaro, laakiin waxa immiga muuqata in uu [...]

Somaliland ma ku filantahay Reer Somaliland ? Mise waxay ku filan tahay beel ?

Somaliland waa dhulkii Soomaaliyeed ee xornimada ka qaatay gumaystihii Ingiriiska sanadkii 26 Jun 1960, wakhtigaas ka hor waxaa loo yiqiin British Somaliland Protectrate, wuxuuna gumaystihii Ingiriisku la  sexeexday qabaailkii Somaliland degenaa heshiisyo sanadihii 1884-1887, beel walbana iyadaa gaar dhulka ay degenayd ugu ogolaatay in Ingiriis xukumo, markii xoriyada uu bixinayay Ingiriis wuxuu shuruud kaga dhigay in [...]

Xarakaadka bulsho iyo ka siyaasadeed ee Jaaliyadda reer Awdal ee Britain oo aad looga dareemay dalkan Ingiriiska iyo saamaynta ay ku yeelanayso Somaliland.

Ururrada Jaalilyadda reer Awdal ee dalka Ingiriiska ayaa bilooyinkanba waxa ay la soo bexeen xarakaad iyo nashaad aad u xoog badan, waxana ugu dambeeyey ugu yaraan shan xafladood  oo ay bishan April ku qabteen Magaalada London iyo meelo kale. Xafladahaasi oo intooda badan laga daawaday saxaafadda.  Xafladaha intooda badandDadka isugu yimiddayna aanay ka yarayn 500 [...]

Kulankii Ahmed Siilaanyo iyo ra’iisal wasaaraha Britain sidee ayey dadka Somaliyeed u arkeen.

Awdalpress – London – Tan iyo intii uu Madaxweyne Ahmed Siilaanyo  u soo xadhko xidhay in uu hawl weyn ka galo siyaasadda arrimaha dibadda Soamliland, ayaa waxa muuqata in socdaalladii is daba joogga ahaa ee uu dibadda ugu baxayey muddooyinkan uu ka soo hooyey guulo dhaxal gal u ah maamulkiisa. Taasina waxa ay meesha ka [...]

TAARIIKH NOLOLEEDKII DR. CUMAR CISMAAN RAABE….Qore: Mohamed Hussein Hadi

R CISMAAN RAABI INNA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. GEERIDU WAA XAQ.   Waxaa maalintii shalay oo ay taariikhdu ahayd Arbaco April 17, 2013 magaalada Qaahira, ee Dalka Masar ku geeriyooday Dr. Cumar Axmed Malow oo ku magac dheeraa Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.  Dr. Cumar Cusmaan Raabeh waxa uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed, halgamaa ah, oo [...]

Maamulka Borama maxaa barhayan iska beddelay.

Somalidaa ku maah maahda: wax aad shar moodayso ayaa khayr kuu noqda. Inta aanan ujeeddada maah maahdaasi guda gelin, bal aan horta isla meel dhigno, waxa sannadkan iska beddelay maamulka Borama. Sida laga warqabo, waxa guud ahaanba sannadkii hore dabayaaqadiisii is beddelay maamulka maskaxda u ah dawladda hoose ee Borama iyo maamulaha guud ee gobolka [...]

Reer Adal way ka rajo dhigeen in ay waxtar ka sugaan Somaliland amma quuddareeyaan deeqaha ay ka helaan debadda.

Awdalpress – London – Shacabka reer Awdal iyo Salal waxa ay ka rajo dhigeen in ay qayb ka helaan deeqaha ay deeq bixiyayaasha caalamku siiyaan maamulka lagu magacaabo Somaliland. Waxana ugu dambeysey deeqihii ay Somalliland ka heleen UAE iyo Turkey. Sida muuqatana waxa ay in badan hungureeyeen in ay deeqaha horumarinta loo siiyo Somaliland ay [...]

Advertisement

ENGLISH NEWS

Log in
/ Awdal Media by S R H