Qofka dunida ugu da’ weyn oo dhalashadiisii loogu dabaal degayo Georgia.

Waxa Daabacay on Aug 27th, 2011 and filed under Education, Englishnews. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

MONROE, Ga – Xafladda dhalasha Basse Cooper ayaa la qorsheeyey in ay ka dhici doonto woqooyiga Georgia guri ku yaal oo dadka waaweyn lagu xannaaneeyo.

Cooper waxa ay noqon doontaa 115 jir maalinta Jimcaha waxana ay ku sugan tahay Monroe. Xubno ka tirsan qoyskeeda iyo cilmi baadhayaal ka socda Guinness Book of World Records, eee lagu xafido waxyaalka qariibka ah, ayaa xafaladdaasi iman doona. Cooper waxa ay qaabili doontaa guddi ka socda urur go’aamin doona in ay tahay qofka dunida ugu da’da weyn.  The Atlanta Journal-Constitution reports

Bishii January ayaa lagu dhawaaqay in Cooper ay tahay qofka dunida ugu da’da weyn. Bishii May dhexdeedana waxa buugga Guinness  laga barty in Maria Gomes Valentino oo reer Barazil ahi ay 48 casho ka weyntahay. Valentinna waxa ay dhimatay June 21keedii.

Cooper waxa ay ku dhalatay dalka Maraykanka Gobolka la yidhaa Tennessee kaddibna  dagaal weynihii koowaad dhexdiisii ayey u guurtay gobolka Georgia, halkaasi oo ay ka raadsatay shaqo macallinnimo. Cooper waxa ay carruur leedahay 12 ay Mocoy ( Ayeeyo ) u tahay iyo darsin ay Abooto u tahay iyo weliba kuwo kale oo ay Alkuma u tahay. Udaygeedii Luther, waxa uu geeriyooday 1963dii.

by Associated Press

 


This post has been viewed 5771 times.

Categories: Education, Englishnews
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal