Ma taqaanna saxafiga iska leh shabakadda waaga cusub.com. Bal aan maanta iskiin baro, waayo waa saxafi shabakaddiisa aad loo daawado.( cajalad uu soo duubay hoosta ka daawo)

Waxa Daabacay on Mar 10th, 2013 and filed under Daily Somali News, Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress - London - Saxafiga la yidhaa Daahir Calasow, oo sida aan filayo deggan dalka Holland ayaa ah saxafiyiinta caanka ku noqday InerNetka ee shabakaddiisa aadka loo fiirsado. Waxana uu tifaftiro ka yahay shabakadda www.waagacusub.com.

Shakhsiyan shabakaddan aad ayaan u booqdaa, sida kumannaan kaleba u booqdaan, waxana lagala kulmaa sheekooyinka ay dadweynaha Somaliyeed xiiseeyaan. Sida kaftanka qabiilka, tacaddiyada ay maamullada Somaliyeed geystaan. Waxa kale oo uu kaga hadlaa, sheekooyin amma warbixinno ay dadka qaar ku sheegaan aflagaado iyo daan daansi. Halka dad kalena ay u arkaan in uu runta ka sheegayo arrimaha qarsoon ee ay shakhsiyaadka qaar ku dhibaataynayaan shacabka amma shakhsiyaad.

Calasow waa wiil da' yar, oo sida aan shabakaddiisa ka akhristay maskax furan, isma naqaanno waxase aan jeclaa in aan aqoon durugsan u yeesho. Markii ugu horreysey Waxan saxafigan aad u sii xiiseeyey maalin uu Nadaara ( wariyaha Universal TV ) ka soo saaray kuufkiisa yar ee uu dunida kula xidhiidho. Dood adag ayaanu u furay isaga iyo nin aanan immiga magaciisa hayn, laakiin Calasow sida uu u doodayey waxa uu u muuqday nin maskax furan, oo garanaya waxa uu ka hadlayo. Dooddii markii aan qiimeeyeyna waxa aan guusha siiyey Daahir Calasow.

Haddaba filimka maanta aan idiin soo gudbin doonno oo qosol leh, ayaa markii ay dad badani daawadeen, waxa ay iga codsadeen in aan farriin u diro, taasi oo la xidhiidha cajaladdiisa, oo ay u arkeen in uu mar kale ugu noqdo faalladiisa qabiil oo uu bal isku itaalo sidii uu beelaha waaweyn ee aanu magacaabin u sheego, mana garanayno ayey yidhaahdeen in aanu beelaha Samaroon kala aqoon sida uu Dhulbahante in badan uga sheegay iyo in uu wakhtigu gaadhsiin waayey. Beelaha waaweyn ee Samaroon ee aanu magacaabinna waxa ka mid ah bay yidhaahdeen, Beesha reer Nuur baaxadda leh, Bahabar Muuse iwm. Waxa ay dadkaasi yidhaahdeen, 'Wakhtigii jariimaddu ka dhacday Seemaal waxa uu ka warbixiyey dooddii ay odaydii reer Nuur ka jeediyeen Dilla isaga oo mawduuc uga dhigay Jananka reer Nuur ee u hanjabay maamulka Siilaanyo.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay farriintooda ku xuseen in Calasow uu magac iyo sharaf ku leeyahay gobollada Awdal iyo Salal, taariikhdiisa saxafinnimana ay xusi doonaan, oo uu dhinacooda baal dahaba kaga qoran yahay. Waxanan ku boorrinaynaa bay yidhaahdeen, in aanu ka daalin in uu dadka dulman ee bulshada qaybaheeda aad uga hadlo.

Farriintaasina malaha waa codsi ay macaamiishayadu marinayaan shabakadda awdalpress.com. Waxana ay soo gaadhsiiyeen aniga oo ah Ahmedweli Goth, ahna tifaftiraha shabakadda awdalpress.com

Waatan cajaladdii ee nala daawada:


style="display:inline-block;width:336px;height:280px"
data-ad-client="ca-pub-1391120674451722"
data-ad-slot="2328331334">


Awdalpress.com


This post has been viewed 5968 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal