Saylici oo Beri la kulmaya Xubnihii dhexdhexaadinayay Isaga iyo Siilaanyo

Waxa Daabacay on Feb 23rd, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

sayliciAwdalpress(Hargaysa) 22 feb, 13– M/xigeenka Somaliland Saylici ayaa maalinta beri ah ee Sabtida la kulmi doona xubnihii dhexdhexaadinayay isaga iyo Siilaanyo, kuwaas oo ka socda shirgudoonada labada Aqal ee Guurtida iyo Baarlamaanka Hargaysa, Warkan oo shabakada Awdalpress ka heshay ilo xogogaal ah, ayaa waxay sheegayaan in fariin ay ku soo celinayaan Saylici, ka dib markii uu dhawaan ka dalabaday in dhexdhexaadinta isaga iyo Siilaanyo lagu soo daro xubnihii hore ee ogaa khilaafyadii dhexmaray isaga iyo Siilaanyo, kuwaas oo loo malaynayo in uu Saylici ula Jeedo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo rag kale.

M/weyne Siilaanyo ayaa isaga la sheegayaa in uu ku adkaysanayo in cabashada K/xigeenkiisa loo eego Buuga Dastuurka ee u yaala Somaliland, isla markaana wuxuu gaashaanka ku dhuftay waanwaan kasta oo la doonayo in xaagaan amase sulux lagu dhameeyo cabashada Masuulka lala soo doortay ee k/xigeenkiisa ah.

Sidoo kalana waxaa madaxtooyada Somaliland laga dareemayaa cadhada u dhaxaysa labada masuul, taas oo mid walbaa uu ku egyahay xafiiskiisa, gaar ahaan M/xigeenka ayaan isagu dhinacna u dhaafin xafiiskiisa, halkii u awal u geli jiray M/weynaha mar walba, imika lama Arko Saylici oo xafiiskiisa dhinac uga baxaya, sida ay sheegayaan warar ku dhawdhaw dhinaca madaxtooyada Somaliland.

Dhanka kalana waxaa ka socoda madaxtooyada Somaliland qorshe lagula kulmayo siyaasiyiinta iyo madaxda dhaqanka ee  ka soo jeeda Awdal, taasi oo la doonayo in lagu fahamsiiyo in aanay jirin caadaw beelnimo oo lagu Eryanayo amase lagu fogaynayo K/xigeenka, balse cadhada iyo dudmadu ay isaga ka timid, taas oo ay u fasirayaan in aan la isku hayn dano beelaha Gadabuursi ah, cid kasta oo reer Awdal ah oo ujeedada K/xigeenka ka cadhaysiisay fahansana ay ka wada hadli karaan hadii uu ku qanaco Saylici waa sida fikirka ay u dhigayaan xubnaha sare ee afka madaxtooyada ku hadlayaa. ilaa iyo hadana lama hayo M/xigeenka oo Madaxdiisii dhaqanka iyo Siyaasiyiinta golayaasha kaga jiray goboladiisa la shiray amase kala hadlay khilaafkaasi. xubnaha dhexdhexaadinat wadana kuma jiraan hal qof oo beel ahaan ay Saylici wadaagaan.

Awdalpress


This post has been viewed 1081 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal