Awdalpress(muqdisho) 21 Feb, 13–Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjire cusub oo ay dowladda Japan u soo magacowday Soomaaliya.
Danjire Toshihisa Takata ayaa madaxweynaha ku wareejiyay waraaqaha aqoonsiga ee ay ku qoran yihiin in uu yahay danjiraha dowladdiisa u qaabilsan Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan oo ka hadlay kulanka uu danjiraha la qaatay ayaa amaanay kaalinta xukuumadda Japan ee Soomaaliya, wuxuuna xusay in ay safka hore kaga jirto waddamada caawiya Soomaaliya.
Danjire Takata ayaa isna sheegay in Japan ay Soomaaliya horay ugu deeqday lacag gaareysa $200 oo milyan oo loogu talagalay mashaariicda horumarineed iyo soo celinta nabadda
Safiirka Japan ay soo dirsatay ayaa qeyb ka noqonaya waddamo gaaraya ilaa 20 dal oo horay safiirro ugu soo magacowday Soomaaliya.
RBK
This post has been viewed 265 times.








