Awdalpress(Borama) 21 Feb, 13–Booliska maamulka Somaliland ayaa fasaxay in uu hawada dib ugu soo noqdo telafishin maxali ah oo ku yaalla magaalada Boorama ee gobolka Awdal oo lagu magacaabo Rayo, kaddib markii uu xalay xiray xarunta TV-ga.
Ciidanka ayaa u fasaxay maamulka TV-ga in uu dib u shaqo billaabo, iyagoo sidoo kale sii daayay labo qof oo ka tirsan howl-wadeennada TV-ga oo ay xabsiga dhigeen.
Agaasimaha Rayo TV, Axmed Ismaaciil ayaa sheegay in xiridda TV-ga ay ka dhalatay kaddib markii ay saraakiisha booliku ka caroodeen war ay baahiyeen oo ku saabsanaa cambaareyn ay salaaddiinta gobolka Awdal u jeediyeen maamulka Somaliland.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal oo ka hadlay dhacdada lagu xiray telefishinka ayaa sheegay in uusan waxba ka ogeyn amarka lagu xiray TV-ga, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay cidda amarkaas bixisay.
Markii ay boolisku albaabbada isugu dhufteen xarunta TV-ga ayaa dhallinyaro ka careysan arrintaas waxay dibadbaxyo rabshado watay ka sameeyeen Boorame, iyagoo dhagxaan ku weeraray guryaha ay deggan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka.
RBK
This post has been viewed 354 times.








