Maayarka Degmada Saylac ayaa Daboolka Ka Qaaday in xildhibaanno ka mid ah kuwa Saylac Ay Jabiyeen qodobbo sharci ah, oo ay Xubin-Nimadooda ku waayi karaan, waxana uu sheegay in ay si sharci darro ah ugu Baqooleen Magaalada Diri-Dhaba ee dalka Ethopia.

Waxa Daabacay on Feb 21st, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

 “Wasiirka Daakhiliga waxan Afkiisa  ka haynaa Oo uu nala qaatay In kalfadhiga ugu horreeya ee dabayaaqada February dhici doona in  cod Loogu qaado Xildhibaanadaas, Ninka Diida Dhaartii Distuuriga Ahayd Waxa uu ka chigan yahay shakhsi U hoggaansami waayey Sharciga dalka u yaalla” sidaa waxa yidhi Duqa degmeda Saylac

Maayarka Degmadda Saylac ee xarunta gobolka Salal Xuseen Iidle Barkhadle ayaa ka xog-warramay qodobbo sharci ah oo uu sheegay inay jabiyeen, isla markaana xubin-nimadooda ku waayi karaan Xildhibaanno ka tirsan golahooda deegaanka oo iyagu ogolaansho la’aan ugu socdaalay Magaalada Diri-dhaba ee dalka Ethiopia, kuwaasi oo xusay inay ku dhaqaaqeen qodobo ka hor imanaya shuruucda golahooda.

Duqa Degmada Saylac Xuseen Iidle waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu khadka telefoonka ku siiyey Xalay Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) oo ka tirsan Shabakadda Caalamiga ah ee Halbeegnews, kaas oo ku bayaamiyey in xubnahaas u jarmaaday Magaalada Diri-dhaba aanay ka soo xaadirin golahooda, isla markaana qayb ka mid ahi ay diideen inay oofiyaan dhaartii Distuuriga ahayd ee ku waajibka ahayd.

Xuseen Iidle Barkhadle waxa uu sidoo kale shaaciyey in kalfadhigooda ugu soo horreeyaa  qabsoomi  doono dabayaaqada bishan aynu ku jirno ee February inay cod ugu qaadi doonaan xubnahaas oo ku sifeeyey inay baalmareen sharcigii golahooda deegaanka iyo ka dalkaba.

Maayarka Degmadda Saylac Xuseen Iidle waxa daboolka ka qaaday inay sharciyada ay jabiyeen iyo Xeerarka qabtay Mudanayaashaasba ay ka wada hadleen xukuumadda dhexe gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo uu tibaaxay inuu la qaatay in sharciga dalka mariyo xubinkasta oo baalmarta shuruucda golahooda u taala. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya Xeerka gobolada iyo degmoooyinka ee Xeer Lr 23 iyo shuruudaha Xildhibaanku ku waayi karo xubin-nimada golihiisa, waxa uu yidhi “Sida uu sheegayo Xeerka gobolada iyo degmooyinka ee Xeer Lr 23/2002 oo dib u habayn lagu sameeyey Xeerkaas 2006-dii iyo 2007-diiba waxa uu ka hadlayaa gobolada iyo degmooyinka iyo ismaamulka degmooyinka oo qofka Xildhibaanka ah marka la doorto dhaar Distuuri ah ayaa waajib ah in la mariyo, mida kale marka ay Maxkamada gobolku ku dhawaaqdo natiijada ee ay shaaciso Mudanayaasha guulaystay ayaa mudo 15 Cisho gudahood ah ayey Wasaaradda Daakhiligu ugu qabataa Kalfadhigooda ugu horeeya, hadii ay ka baaqsato waxa lagu daraa 10 cisho oo goluhu dhexdooda ku soo doortaan. Mida kale sharciyan marka ay Maxkamadu ku dhawaaqdo Natiijada waxa sharcigu dhigayaa in bil gudaheed Xildhibaanka lagu dhaariyo dhaartii distuuriga ahayd si ay Xubin-nimadiisii u ansaxdo”.

Duqa Saylac Xuseen isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Dhaarta Distuuriga ahi hadii uu Xildhibaanka Golaha Deegaanka ku soo baxay uu ku fulin-waayo mudadaas bisha ah waxa uu waayayaa Xubin-nimadii golaha, markaa Xeerka qayaxaya ee aan kuu sheegay ee ismaamulka gobolada iyo degmooyinka ee Xeer Lr 23/2002 oo dib u habayn lagu sameeyey Xeerkaas 2006-dii iyo 2007-dii qodobkiisa 25-aad ayaa sheegaya farqadaha qodobada xubin-nimada lagu waayi karaa Xeerkaas ayey ku wada qayaxan yihiin. Tusaale ahaan Xeerkaas farqadiisa 4-aad oo sheegaysa hadii uu Xildhibaanku u hogaansami waayo shuruucda golaha deegaanka iyo kuwa dalkaba inuu waayayo Xubin-nimadiisii, farqada 7-aad ee isla qodobkaas 25-aad waxa uu leeyahay hadii uu Xildhibaanku abuuro ama uu ka qaybqaato hawlo lidi ku ah nabadgalyada iyo danta Qaranka xubin-nimadii wuu waayayaa, markaa labadaas qodob ee aynu soo qaadanay ayuu qofkii ku waayi karaa xubin-nimadii iyo kuwo kale oo badan. Xildhibaanada safarka Ethiopia ugu baxay ee aanu saaxiibka nahay waxay ku jiraan labadaas qodob ee aan sheegayo, iyada oo qodobada xeerkaas xubin-nimada lagu waayi karo ay intaas ka badan yihiin”.

Maayarka Degmadda Saylac Xuseen Iidle Barkhadle mar uu ka hadlayey Ajandaha Kalfadhigooda ugu soo horeeya ee ay qabsanayaan dabayaaqada bishan, waxa uu yidhi “Xildhibaanada maqan Kalfadhiga ugu soo horeeyey ee aanu qabsanayno dhamaadka bishan hadii ay ka soo qaybali waayaan goluhu waxa uu qaadayaa cod, kaas oo ah haldheeri oo waxa la odhanayaa saaxiibadeen Xeerkaas ayaa haya oo way ka soo qaybgali waayeen kalfadhiyadii golaha, isla markaana may oofanin dhaartii Distuuriga ahayd ee xalaalaynaysay xubin-nimadooda, sidaas ayey xubin-nimadooda ku waayi karaan Xildhibaanadaasi”.

Maayar Xuseen mar la waydiiyey wakhtiga ay kolfadhigoodaas qabsanayaan  iyo saamaynta ay yeelankaraan go’aanada la filayo inay ka soo baxaan, waxa uu yidhi “Sida sharciyada ku qayaxan anagu degmo ahaan waxaanu nahay darajada B oo labadii biloodba marbaanu leenahay Kalfadhiga, markaa waxa uu ku beegan yahay Kalfadhigayaga ugu soo horeeyaa dhamaadka bishan February ee aynu ku jirno Insha Allaahu”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Xildhibaanadan safarkooda ka hor degmada way joogeen oo ma jiro wax sabab ah oo cudur-daar ah oo ay sheegteen inay ku maqan yihiin, marka qodobadaas aynu soo sheegnay ee Xeerka ku xusan ayuun baa loo eegayaa. Mida kale sharciyado kale oo ay jabiyeen xubnahaasi ayaa jira oo sida la wada ogyahay waxay ka qaybqaateen Shirar badan oo lidi ku ah nabadgalyada oo baabuurtii la gubay iyo arimo kale oo dhibaato horseedi kara ayey ka qaybqaataan. Oo sida la ogyahay imika 13 Xubnood ayuun baa dhaarsan 17 Xildhibaan ee golaha deegaanka Saylac oo Afar Xildhibaan oo ka mid ahi xataa dhaartii Distuuriga ahayd kama soo xaadirin oo qodobada sharciga ahi way qabanayaa marka wakhtigeeda la gaadho, isla markaana xildhibaankasta oo xubin-nimadiisa waaya waxa laga soo buuxinayaa ururkii ama xisbigii uu ka soo baxay oo xubintii ku soo xigtay ayaa sharciyan ka mid noqonaysa golaha”.

Maayarka Degmadda Saylac mar la waydiiyey tirada Xildhibaanada u baqooley Magaalada Diri-dhaba, waxa uu yidhi “Xildhibaanada u socdaalay Diri-dhaba sida la sheegay waxay iskugu jiraan Xubno Degmada Saylac iyo Degmada Lughaya ka kala tirsan oo tiradooda lagu sheegay inay yihiin 8 Xildhibaan, isla markaana sida la sheegay degmadda Saylac waxa kaga jira 6 xubnood iyo laba Xildhibaan oo Lughaya ah”.

Xuseen Iidle mar la waydiiyey inay cid xukuumadda dhexe ah kala hadleen maamul ahaan Xeerarka ay jabiyeen Xildhibaanada uu sheegay inay xubin-nimadooda waayi doonaan hadii aanay kalfadhiga soo socda ka soo qaybgalin, waxa uu yidhi “Wuu ogyahay Wasiirka Arrimaha Guduhu oo wuu ka warqabaa Agaasimaha gobolada iyo degmooyinku oo dhamaantood waanu kala hadalnay Xeerkan qabanaya Xildhibaanada aan sheegay inay ku waayi doonaan Xubi-nimadooda oo way nala qaateen, waxaanu Wasiirka Daakhiliga Duur afkiisa kaga garawshiyo bixiyey Xeerarkaas oo waxa uu nala qaatay in kalfadhiga ugu horeeya cod loogu qaado oo wixii ka soo baxa lagu dhaqaaqo. Marka codka hal-dheeriga ah loo qaado intii xubin-nimadooda waayaa waxa warqad ogaysiina la siinayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa warqad kala la siinayaa Maxkamadda oo axsaabtii Xildhibaanadaasi ka soo jeedeen ayaa lagu wargalinayaa si ay xubnahaasi meesha ay baneeyeen ay u soo buuxsadaan. Ugu danbayn waxa aan arinta saaxiibaday ka odhan lahaa ninka diiday dhaartii Distuuriga ahayd waxa uu ka dhigan yahay nin u hogaansami waayey sharcigii golaha deegaanka ee uu xubinta ka ahaa”.

Awdalpress.com


This post has been viewed 513 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal