Awdalpress(Borama) 20 Feb, 13–Booliska magaalada Boorama ee caasimada G/Awdal ayaa caawa 8:30 Fiidnimo Albaabada u laabay xarunta Tilifishanka RAYO oo ah mid laga daawado gudaha magaalada.
Ciidamada Booliska ayaa dhamaanba joojiyay shaqadii ka socotay Telefishankaasi, waxaana lagu Amray shaqaalaha Tvga in ay Bakhtiiyaan telefishanka, isla markaana Albaabada u xidhaan xarunta.
Booliska ayaa sidoo kale ku xidhay Saldhiga dhexe ee magaalada Boorama Laba ka mid ah hawlwadeenada Tellefishanka RAYO. sidaas waxa u xaqiijiyay Awdalpress Agaasimaha telefishanka RAYO, wuxuuna intaasi raaciyay in sifo sharciga baalmarsan Boolisku u xidheen xarunta Tvga iyada oo shaqo ka socoto wakhtigaasi, Boolisku nooma sheegin sababta loo xidhay Telefishanka ayuu yidhi Agaasimuhu. wuxuuna ku Eedeeyay Amarka xadhiga xarunta Taliyaha Ciidanka Booliska ee Boorama.
Saraakiisha Ciidamada Amaanka ee G/Awdal oo aan isku daynay in aan wax ka weydiino xadhiga Telefishanka ayaa iyagu ka gaabsaday in ay Jawaab ka bixiyaan. waxaana xusid mudan in ay ku mashquulsanaayeen daminta rabshado ka dhashay Arinta xadhiga xaruntaasi. Ilo xogogaal ah ayaa u sheegay Awdalpress in sababta loo xidhay ay tahay Gabay telefishanka laga sii daayay, oo maamulku dhibsaday.
Sidoo kale Saacad ka bacdi markiii Boolisku xidhay Telefishanka ayaa dhalinyaro gadoodsani waxay banaanbaxyo ka sameeyeen suuqyada magaalada, iyagoo taayiro ku gubay hareeraha wadooyinka xiliga habeenka ah, Ciidamada Booliska ee magaalada Boorama ayaana isku dayaya inay kala kexeeyaan dhalintaasi. meelaha qaarna waxaa laga maqlayaa dhawaqa rasaaseed. Dadka ku sugan xaafado ka mid ah magaalada Boorama ayaa sheegaya in dhalinyartu ay dhagaxtuur ku sameeyeen guriga uu degen yahay Taliyaha Booliska G/Awdal iyo goobo kale, waxaana magaalada gudahaeeda is baacsanayay habeenkii ciidamada Booliska iyo dhalinta diidan xadhiga xarunta, Ilaa iyo hada ma cada sababta ku keliftay in ciidamada Boolisku xidhaan xaruntaasi iyo cida Amarka bixisay, xadhiga xarunta telefishanka madaxa Banaan ee RAYO ayaa imanaya xili maamulkii G/Awdal loo magacaabay uu ka maqan yahay, isla markaana dadweynaha ku nool magaalada Boorama ay saluug badan ka muujinayaan masuuliyiin aan gobolka ka soo jeedin oo xilalkii gobolka iyo Amaanka loo dhiibay. taasi oo keeni karta is faham la’aan iyo isku dhacyo ay sababaan warar ku tiri ku teen ah oo masuuliyiintaasi lagu majaro habaabiyo.
Mid ka mid ah dhalinayarada cadhaysan ayaa u sheegay Awdalpressin ay telefishanka ka sugayeen ciyaar kubadeed oo dhexmaraysay caawa kooxa Inter-Milan iyo Barcilona, sidaas Awgeed ay diidan yihiin xadhiga lagula kacay.
Awdalpress
This post has been viewed 680 times.








