Gabaygan la baxay Zaylac waa dhulkaygii oo uu tiriyey Mohamed Abdillaahi Xaaji Obsiye, waxa uu na soo gaadhsiiyey xalay oo ay taarikhdu ahayd 18/02/2013. Gabaygiina waa kani ee ku soo dhawaada
Labadayda dhinacee Damac soo dhaqaajow
Dhiilkan aad u culateen dhaxalkii awowgay iyo
Dhulkaan gaar u leeyahay
Dhallaan habaabis weeyaan
Dhedo qaawan weeyaan
Dhibic roob ha joogtee
Ceeryaan dhicis ah weeyaan
Dherebtii heshiiskee bad dhexdeeda lagu qoray.
Abxaddii la dhigayee Ugaasyo isku dhiibeen
Nidaamkeedii muu dhiman.
Dhagartii xanuunkee dhibaatada badneydee
Ingiriisku dhigayee Yurub uu dhexgeeyee
Dekeddii dhulkaygiyo dhaqaalahaygii lagu rogay
Taariikhday ku dhiggantoo dharaarbaa la sugayaa
Dhuumaha saliiddee dhulka hoose mara iyo
Qaar kaloo ka dhow oo maraakiibtu dheegiyo dhinacyada ka nuugaan
Dhisme noocyo badanoo badda dhinaca ku hayiyo
Waddadii dhaweydee dhagaxii la tuuraa Herer uu ku dhacayeyba
Dhul dhaweeyihii iyo laamiyadu isdhaafaan.
Maalintay dhanaanayd ee dhulka laygu soo yugay
Hoggaankaygii dhaqankiyo tuxfihii hadalka kala dhilay (Xaaji Obsiiyeh & Sh.Muuse Cadde)
Waa kuwii dhaqaaqee labadii dhadhaabood kala baxay dhexdoodee
Degmo loogu dhisayee Jaaraahorato laga dhigay
Dabadeed dhawaaqii Gadabuursi soo dhigay
Dhan waliba ka imad iyo dhextaal bay ku roontee
Borama halaga dhigo murti lagu dhameeyee
Dhiisi loo magcaabee sidaa dhagaxa lagu dhigay.
Hal-ku-dhegga murtida iyo haddaan hoos u dhaadhaco
Lahaanshaha dhulkeygani dhawrkan igula noolee
Dhaxdintiyo xigaalka ah raggan dhabarka taabtow
Dhoobadaad walaaqdeen halisbay ku dhawdee
Dhiiggaa sokeeyaha wax ka dheefimayside
Yaan taadu dhimanine aayar cagaha maad dhiggan.
Mohamed Abdillahi Xaaji Obsiye.
Saudi Arabia.
This post has been viewed 1213 times.








