Kastamka Boorama oo la isku qabsaday Cashuurta iyo Dakhli la lunsan jiray oo Khasnada lagu shubay

Waxa Daabacay on Feb 20th, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

kulmiyeAwdalpress(Borama) 19 Feb, 13– Masuuliyiinta Kastamka Boorama ee wasaarada Maaliyada iyo ciidamda ilaalada cashuuraha ayaa la sheegayaa in ay isku dhaceen ka dib markii ciiddamada ilaalada cashuuruhu ay ka biyo diideen qaabka loo cashuurayo qaadka yimaada magaalada Boorama.

Sida ay shabakada Awdalpress u xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada maaliyada oo diiday in magacooda la sheego,  ayaa sheegaya in laba maalmood ka hor ayaa waxa isku dhacay madaxa ciidanka Ilaalada cashuuraha iyo madaxa kastamka, ka dibna waxaa la isku raacay in Jiiwanka maaliyada la geliyo dakhliga oo aan waxba lagala hadhin, waxaana lagu khasbay madaxa kastamka in uu cashuuro qaad si qarsooodi ah loo marsiin jiray kastamka, taasi oo dakhligii kastamka Boorama ka dhigtay maalintaasi 25 milyan oo shilinka Somaliland ah, halka maalmihii ka horaysay ee 17 bishan uu dakhligu ahaa 18 milyan ila 17 milyan, waxaana halkaasi ka soo baxay farqi lacageed oo lagu lunsan jiray Kastamka Boorama, lacagtaasi oo maalintii u dhiaganta Kun doolar oo maraykan ah.

Hadaba mar aan isku daynay in aan Arimahaas wax ka weydiino maamulaha Kastamka Boorama Mubaarak Maxamed Liibaan ayaa waxa noo suuroobi weyday in aan heli, ka dib markii uu iska xidhay telefoonkiisa gacanta, sidoo kale waxaa la sheegayaa in shaqaalaha kastamka Boorama ee ka socda wasaarada maaliyada Somaliland iyo maamulaha kastamka uu ka dhextaagan yahay khilaaf maamul oo la xidhiidha dhinaca wadashaqaynta, waxaanay shaqaalaha qaarkood ku eedaynayaan in maamuluhu yahay masuul hawsha uu hayaa ka culus tahay, isla markaana boos walba oo shaqada ah uu rabo in uu isagu buuxiyo, oo aanay waxba dhaafayn.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulaha kastamka Boorama ayaa isagu ku yimid isku bedel uu sameeyay Wasiirka maaliyada Somaliland sanadkii hore markii loo magacaabay xilka wasiirka Mudane Samaale, ilaa iyo hadana wax kormeer shaqo ah kuma iman wixii ka dambeeyay bishii lixaad ee sanadkii dhamaaday, wakhtigana wuxuu wasiir Samaale u xaydan yahay xilka gudoomiyaha Kulmiye, waxaana dhici karta in xilyadaasi looga faaiidaysto arimo musuqmaasuq, waxa kale oo jira warar iyaguna ka imanaya dhanka Kastamka Saylac oo la sheegayo in uu musuqmaasuq xoogani ka dhacay,.

Awdalpress


This post has been viewed 1380 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal