M/xigeenku ama ha soo shaqo tego amase Gurigiisa ha dhexfadhiyo, Isagay Jirtaa… !

Waxa Daabacay on Feb 19th, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

57Awdalpress(Hargaysa) 18 Feb, 13– M/weynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa gaashaanka ku dhuftay ergo u kala dabqaaday isaga iyo K/xigeenkiisa, sida ilo xogogaal ah oo ku dhawdhaw gudida isku xilqaantay dhexdhexaadinta laba masuul ay sheegayaan waxa arintaas ganafka ku dhuftay M/weyne Siilaanyo, wuxuuna si toos ah ugu sheegay Ergada dhexdhexaadinta wada go’aan adag oo uu arintaasi ka qaatay.

Go’aanka uu Siilaanyo u sheegay gudida ayaa waxa nagu maqaaloobay in uu yidhi ” M/xigeenku ama ha soo shaqo tego amase Gurigiisa ha dhexfadhiyo, Isagay Jirtaa mana ogoli waxan aad sheegaysaan in aad u socotaan, suuragalna maaha in aan Aqbalo wax aan sharci ahayn, marnaba idinka yeeli maayo hawshaasi, maxaa yeelay daacayado raqiis ah ayuu Aniga iga faafiyay, meel ka dhacna ogolaan maayo marnaba in uu yidhaa waan kula shaqaynayaa, sidaas waxa laga sheegayaa in uu ku tiraabay Siilaanyo.

Dhanka K/xigeenka ayaan wax hadal ahi ka soo bixin, balse hadalkiisii u dambeeyay ee warbaahinta lagu Arkaa ahayd waxaan isku sharxayaa G/xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye oo kii Afraad iskuma taagi doono doorkan, Saylici ayaa weedhaas uu u sheegay Warbaahinta waxaa ka muuqata in uu hilmaansan yahay khilaafka dhexyaal isaga iyo Siilaanyo oo ah Aabaha xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale xubno iskugu jiray Siyaasiyiin, Aqoonyahan iyo Waxgarad kale oo ka soo G/Awdal/Salal ayaa ku hungoobay qorshe ay damacsanaayeen in ay ku daba joogsadaan waxa uu dhibasaday M/xigeenku ee uu ka cadhooday, Isla markaana diyaar u ahaa inay ka difaacaan dagaal beelaysan oo ugu muuqday xubnahaasi in lagu muquuniyo Saylici, niyadjabka ku yimid kooxdan ayaa waxa sababay markii ay is fahmi waayeen iyaga iyo masuulka ay u hilanayeen ee K/xigeenku.

Si kastaba ha ahaateee, waxa muuqda in Oday Siilaanyo uu Seef Siyaasadeed u Afaystay siyaasiyiinta doonta ay wada saarnaayeen ee isku dayaya in ay majarihiisa uu dalka ku hogaaminayo leexiyaan amase isku daya in dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo aanu Odaygu ogayn la shiryimaadaan, waxaana hada lagu wadaa in uu kala sifeyn doono xisbiga Kulmiye oo geesaha ay isla galeen Baarfurankiisa siyaasadeed.

Awdalpress


This post has been viewed 2545 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal