Arrinta Saylac waa Gardarro Garab Og!

Waxa Daabacay on Feb 19th, 2013 and filed under OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Waxa dhawaanahanba soo noqnoqonaysa oo aad moodaa inay noqotayba mashruuc ka dhexeeya Djabouti iyo Hargeysa, arrinta doorashada golaha degaanka ee degmadaas, oo iyadu noqotay mid fashilisay qorshe gardarro iyo garmaqaatenimo, oo soo taxnaa mudo dheer, beesha mudanta ahina aanay ama waxba kala socon, ama ay is diidsiinaysayba muddo dheer (illaa iyo xilligii dib u dajintii qaxootigii laga soo raray Dhegogoo, Ayshaca iyo Shinniile, tii Ugaaskii teendhada sitay ee Diridhaba ka yimid…iwm).
Haddaba akhristow doorashadu waxa ay ka dhacday dhammaan dhulka ismaamulka Somaliland oo dhan marka laga reebo meelo ka tirsan degaanada bariga iyo dhowr tuulo oo ka tirsan gobolka Awdal oo mudaba u qafaallaa Hargeysa oo aan waxba la iska waydiin.
Doorashadaas degaanku ma ahayn mid xanaf tiran oo gol daloolooyin faro badan ayaa ka soo baxay, sida:
• Meelo badan oo cabashooyin ka yimaaddeen oo aan haba yaraatee waxba laga soo qaadin
• Meela dad ku dhinteen oo hadana la socodsiiyay natiijadii doorashada.
Haddaba waxa la yaabka lihi waxa weeyaan, waar cabashada Beesha Ciise maxaa ka dhigay mid ka doorran amma ka mudan dhammaan cabashooyinkii dhulka ka dhacay?
• Maxaa loo tixgelin waayay tii Gabiley ee Bahasamaroon?
• Tii Hargeysa ka dhacday ee dadku ku naf waayeen? …iwm
Hal ku dheg Soomaaliyeed ayaa tidhaahdaa,” durbaanka ama gurbaanka maxaa habeenkii loo tumaa haddaan wax ku jirin?”
Waar haddii markii horeba la doonayo inay doorasho xalaal ahi dhacdo lagama dhigeen dhammaan xubnihii ugu sarreeyey commissionka doorashooyinka ee degmada Saylac wada Ciise? Iyadoo la ogaa dhammaan madaxda gobolka Salalna inay reerkaasi wada ahaayeen.
Dadku ma dhoohnayn ee nabad jacayl iyo isku kalsooni ay degaankooga ku qabaan ayey doorashada ku galeen. Ciisana wixii daabulkii Ethiopia,Djabouti iyo awooddii dowladnimo u gooyeen waa qaateen, haddaanayn ku qancin, miyey soo magacowdaan uun gudoomiyaha degmada? Maxay dadka ka daaliyeen oo doorashooyinka u geliyeen?
Waxan maqli jiray arrinkaas hebel xataa maradiisa uma sheegin! Taas waxa la mid ah qorshaha guracan ee aan Djabouti iyo Hargeysa midna cid kale u sheegini; reerkii (samaroon) arrinkani sida tooska ah u taabanayayna taladeeda loogala war wareegayo! Oo meel kale looga raadinayo! Ma reer Awdal baa waalan mise dhaankii ayaa dhan kale loo raray?
Shalay ,1960 Samaroon baa Saylac ku bixiyay ANAA FOWS oo Ciise u ogolaaday inuu halkaa ka soo baxo tartan la’aan (waa ta maanta dhashay sheegashada dhulka); maantana isaga ayay taladu ka go’daaye, maxaa loogala war wareegayaa oo geedka dabadiisa marba heshiis shaydaan gadh wadeen ka yahay loogu galayaa? hadaanay khiyaamo iyo naaro afuufnimo meesha ka soconin.
Tani waxa ay I xasuusinaysaa, hadal uu nin reer Awdal ahi madal wasiir Duur fadhiyay hadda ka hor ka yidhi oo ahayd…” waar waligayo wanaag bari (East) ka yimaada maannaan arage, ee tani waa taariikh cusub” isagoo markaas daba socday taariikho hore oo madoobaa oo soo kala dhexmaray mas’uuliyiinta laga soo badalo bariga soomaaliland iyo bulshada reer Awdal; waxadse mooddaa ninkaasi inuu hadalka ka hor degay, oo ay ahayd inuu sugo labo sano oo dambe bal si uu u qiimeeyo wasiir DUUR.
Wasiirka iyo inta qorshaha la wadda ee uu ugu horreeyo Mudane Siilaanyo waxayna ogayn halkii ay shaxda shaydaanka ku dhigayeen inuu Macbuudkuna joogay! Oo kor iyo hoosba u dhuganayay dhagarta loola badheedhay biri ma gaydada Awdal iyo Salal.
Nin durbaan laga xaday ayaa laga hayay, “ halka lagu yeedhinayo ayaa la rabaa” haddaba dhagartaas halka lagu fulinyo in la is waydiiyo …haboonaydaa! Mise waa la is tirsaday?
Gunaanadkii iyo gabogabadii, hal waxan leeyahay Siilaanyo, beeshiisa iyo xukuumadiisa, hala beesha Ciise, hala beesha Samaroon:
• Isaaq, Siilaanyo iyo xukuumadiisa waxan leeyahay haddaad geedi tihiin oo Xamar loo socdo gujufka ha sii gubina, oo Ciise waxba looma diidanee gardarro yaan lagu taageerin, haddaad sharcigii iyo kala dambayntii laasheena, yaan la iloobin Gadabuursi inuu idin kala soo dabaashay ayaamo badan oo qadhaadhaa…ogaadana rag cadaalad baa deeqda e. Ilowsho dhawaa ma umulbaa!!!
• Ciisow hunguri wax ka wayn la geliyay wuu dilaacaaye haloosiga baarlamaanka Xamar hoos ha loo eego; dad cusub oo hada dhashayna ma nihine, inagaa is hurane aan runta u soo noqono, ee reeraha ha kala rarina,ogowna waxaad nabad ku waydo inaanad xumaan ku helaynin.
• Gadabuursina waxan leeyahay,” Habarjeclow Muuse wa kaa”!… Soomaaliland wataa.
Rabi xaqa cid walba ha garansiiyo…Aamiin.

Wa billaahi towfiiq
Maxamed Dugsiiye
Mdugsiye4@gmail.com


This post has been viewed 947 times.

Categories: OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal