Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ku dhawaqay in aanu ka Quusan xil dambe oo Xisbiga Kulmiye ah

Waxa Daabacay on Feb 19th, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

sayliciAwdalpress(Hargaysa) 18 Feb, 13–M/xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Saylici oo Wargeyska Waaheen khadka Telefoonka kula xidhiidhay si aanu wax uga weydiino khilaafka ka taagan Shirweynaha Xisbul xaakimka Kulmiye ayaa sheegay in wadatashi lagaga jiro arrintaas, hase yeeshee waxa uu cadeeyay isaga laftiisu inuu u taagan yahay Musharaxanimada Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye “Xaalada Xisbigu wada tashi bay ku jirtaa, waxa laga tashanayaa wakhtiguu shirku qabsoomi lahaa ee ugu haboon, muddo aan kuu sheegi karaa ilaa hada ma jirto.” Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, hase yeeshee waxa uu intaas raaciyay “Anigu maalinta uu shirkaasi qabsoomo waxaan u sharaxanahay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga” ayuu yidhi.

Mar aanu weydiinay halka uu kaga jiray Hogaanka Xisbiga Kulmiye waxa uu yidhi “Hore waxaan u ahaa Guddoomiye ku-xigeenka afaraad shantii sano ee shirweynihii hore qabsoomay .” ayuu yidhi, waxaanu intaas sii raaciyay “Markii hore ee aan Guddoomiye ku-xigeenka afaraad aan qaatay waxay ahayd arrin markaas taagnayd oo Xal ah bay ahayd, maantana waxaan ahay Madaxweyne ku-xigeenka Qaranka, sidaas darteed waxaan isku sharaxayaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Qaranka.” Mar aanu weydiinay in uu jagada Madaxweyne ku-xigeenka isku sharaxi doono shanta sano ee soo socda waxa uu yidhi “Maadaama oo uu wakhti badan ka hadhay taas hada ka hadli maayo. Somalidu waxay ku maahmaahdaa kolba salaadii joogtaa la tukadaa. Shirweynuhu waxa uu soo saarayaa Hogaankii Xisbiga, markaa hogaankaas uun baan ka hadlayaa arrinta Madaxweyne ku-xigeenku wakhtigeeday noqon doontaa insha allaahu.” Ayuu kaga baxay. Dhawaaqa Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku soo beegmaya xili xaraarada Loolanka ee Hogaanka Xisbugu meel adag ku mrayso Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye. Tana waxa ay noqon doontaa mid dabka ku sii shidi doonta.

Waaheen


This post has been viewed 966 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal