Shirguddoonka Baarlamaanka Somaliland oo bilaabay dhex dhexaadinta Khilaafkii Madaxweyne Siilaanyo iyo Saylici

Waxa Daabacay on Feb 19th, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

siilaanyo1Awdalpress(Hargaysa) 18 Feb, 13–Shirguddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland ayaa shalay si toos ah u guda galay Dhex dhexaadinta Khilaafkii soo kala dhex galay Labada Oday ee Dalka ugu sareeyay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici.

Shirguddoonka Golaha Wakiiladda Somaliland iyo ka Guurtida ayaa kulankoodii ugu horeeyay ee Dhex dhexaadinta si rasmi ah u bilaabay waxaanay kulankii ugu horeeyay la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay isla manta ku xigsiin doonaan kulankooda labaad oo ay la yeelan doonaan Madaxweyne ku-xigeenka C/raxmaan Saylici.

Kulanka shalay oo ka dhacay qasriga Madaxtooyadda wax xog ah lagama hayo waxa ay ku wadahadleen labada dhinac iyo qoddobada uu Madaxweyne Siilaanyo u dhiibay ee uu kaga ashkatoonayo in uu Madaxweyne ku-xigeenkiisu ku talaabsaday, hase yeeshee waxa la sheegay inay ka qaadeen tabashooyinka dhiniciisa yaala eek u waajahan Madaxweyne ku-xigeenka .

Shirguddoonka labada Gole oo ka koobnaa Afar xubnood oo ay sadex ahaayeen Wakiiladda C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Cirro, Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf, halka Guurtida uu ka metelayay oo kaliya Guddoomiye ku-xigeenka labaad Siciid Jaamac ayaa la filayaa inay manta isna dhiniciisa ka dhagaystaan ku-xigeenka si ay meel dhexe isugu keenaan labada Oday.

Shirguddoonada Labada Gole waxay kulamo hordhac ah hore ula yeesheen Madaxweyne ku-xigeenka markii uu ku simaha ka ahaa Dalka ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku maqnaa Dalka Ingiriiska, wakhtigaas oo ay ku qanciyeen madaxweyne ku-xigeenka inay ka garnaqi doonaan Khilaafkooda.

Dhinaca kale, Toddoba Xubnood oo ka mid ah Golaha Guurtidda ayaa la sheegay iyana inay ka mid noqon doonaan Xubnaha Ergada labada Oday dhex dhexaadintooda ka qayb gali doona balse ilaa hada si rasmi ah looguma dhawaaqin, wallow aya shalay isku dayeen inay la kulmaan Madaxweynaha hadana umay suurtogelin.

Si kasta ha ahaatee rajada ugu weyn ee Guusha Hawshaasi ku xidhan tahay waxa ay noqon doontaa waxay kala soo guryo noqdaan Gar-naqsiga Madaxweyne ku-xigeenka oo ay tabashadu dhinaciisa ka bilaabantay.

Waaheen


This post has been viewed 474 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by S R H and Jamal