Faallo:Somaliland way duntay, waxana dumiyey madaxdeedii, waxanay ku dumiyeen caddaalad xumo, eex, nin jeclaysi, curyaanka oo la yaso, ka liita oo aan loo nixin iyo qabyaaladda oo intaba hoggaamisa

Waxa Daabacay on Feb 13th, 2013 and filed under Daily Somali News, Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Dar kasta oo is bidaayaba, maalinbuu daa’in rogaa.

 Faallo

Waxa sidaa ka dhigan hoggaanka is biday ee u dhaw in sidii Fircoon loo halligo. Ee aan arkayno sida aan dan looga lahayn qof baahan, jilicsan, xanuunsan amma xubnihiisa qaaliga ah ay qaar maqan yihiin.

 

Xalay ayey ugu darnayd oo Ahmed Siilaanyo oo sheeganaya ninka ugu sarreeya Somaliland  uu niyad jab ku riday dad ugu yimid in ay su’aalo weydiiyaan amma ka dhageystaan warbixin ku saabsan ujeeddada socdaalkiisa. Waxana uu ceeboobay markii wiilka aqoon yahanka ah ee idhoolaha ahi weydiiyey su’aalo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland. Isaga oo dhalliilaya wasaaraddaasi.

 

Ahmed Siilaanyana uu jawaab uga dhigay hadallo dayl qaaf ah, isaga oo weliba u hiillinaya wasiirkiisa arrimaha dibadda. Shacabkii dhagaysanayeyna ay falcelintaa ka qaadeen argagax, fajac iyo amakaag.

 

Alla fiicnaan lahaydaa isaga oo inta uu dareemo xubnaha qiimaha leh ee Haaruun ka maqan, qaddarinna siiya sida uu madasha u yimid isaga oo ka soo jarmaaday Shafield oo aad uga fog London. Minsa tixgeliya sababta uu indhihiisii u waayey, dabadeed ku ixtiraama amma ku ammaana dadaalka uu wax ku bartay ee uu heerkan aqooneed ku gaadhay, nasiib darraso may dhicin.

 

Waxanu jawaab uga dhigay in uu yidhaa, ‘ Mahamed Abdillaahi wasiir ayuu weligiiba ii ahaanayaa.’ Oo haddaba wasiirka arrimaha dibaddu ma waxa  uu u shaqeeyaa shacabka reer Somaliland mise waxa uu u shaqaysaa dano ay shirkad ku yihiin isaga iyo wasiirku, oo wasaaraddu waa meel uu isaga uuni u taliyo, laakiin aanu shacabka ka talo qaadan. Fiicnaan lahaydaa isaga oo shacabkiisa dhegeysta. Illayn iyaga yaa doortaye.

 

Waan ognahay in uu Ahmed Siilaanyo yahay ninka maanta kursiga ugu sarreeya ee Somaliland ku fadhiya, dastuurkuna xaq u siiyey in uu isagu soo xusho shakhsiga la shaqaynaya. Laakiin waxa uu ku khasban yahay in uu talada shacabkiisa tixgeliyo. Nin jacaylkiisa iyo waxa kalena dhinac iska dhigo.

 

Dulucda mawduuca aan ku soo noqonnee, waxa aan maanta dadka ka qarsoonayn, in siyaasaddii Somaliland lagu soo hagayey labaatankii sano ee ugu dambeeyey ay majaraheedii ka weecatay. Inkasta oo aanay awalba wax badani bislayn haddana waxa bannaanka is keenay beentii, qabyaaladdii, nin jeclaysigii iyo danaysigii loogu adeeganayey shirkadda Somaliland. Balse ay dadku u haystaan dal sugaya dawlad ay dunidu ictiraafto.

 

Damiir xumada maamulka ayaa maalinba maalinta ka danbaysa soo if baxaysa, waxa cirka sii tagaya caddaalad darrida, musuq maasuqa iyo cabudhinta shacabka.

 

Waxa la sugayaa kacdoon ay shacabku iska qabtaan xukunkan danaystaha ah, ee u adeega shakhsiyaadka kuna caan baxay boobka hantida qaranka. Waxa badan dhawaqyada digniinta ah. Waxa soo badanaya dayacnaanta adeegyada bulshada. Boobka xoolaha dadweynaha ayaa fara xun lagu hayaa. Qof kasta oo jaanis u helaana waxa uu kiish u toshay sidii uu dalkan uga xoolaysan lahaa. Kii aan fursaddaasi helinna waxa uu raadinayaa dariiqii uu ku tegi lahaa Muqdisho.

 

Mucaaridkii xukuumadda ee dalka badbaadin lahaa iyo kii dumin lahaa ayaa soo xoogaysanaya. Qalbi jab aad ahina waxa uu ku sii dhacayaa dadka taageera xukuumaddan, ee beenta lagu naas nuujiyo iyo kuwa wax ma garatada ah ee hugun raaca ah. Tala oo dhan ayaa faraha ka haadday. Wixii ay dadka qaar saadaalin jireen ee saadaasha xun ahayd ayaa wada muuqda.

 

Warkaa tirada badan ee aan soo sheegnay oo dhammi waxa ay markhaati ka yihiin sida ay Somaliland maalin dhaw u dumayso. Nin ku farxa iyo nin ka naxana waxa aan shaki ku jirin in maamulka Somalliland ka jiraana sidan hawsha ku sii wadayn. Sababtana waxa iska leh maamulka Ahmed Siilaanyo ee ku dhisan qabyaaladda, danaysiga, nin jeclaysiga iyo musuqmaasuqa.

 

Awdalpress.com


This post has been viewed 1814 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal