Kulankii jujuubka ahaa ee Ahmed Siilaanyo la yeeshay dadka kooban ee UK, iyo nabsigii uu ka galay aqoonyahanka indhihiisa ku waayey miinadii uu Hargeysa iyo hareereheeda ka gurayey. Ee su’aasha aan ceebta lahayn uun weydiiyey

Waxa Daabacay on Feb 13th, 2013 and filed under Daily Somali News, OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

haaruunAwdalpress – London – Mohamed Haaruun waa shakhsi aan ku sifayn karo in uu mudan yahay karaamo ta ugu sarraysa, waa shakhsi isaga oo da’yaraan ku indha belay isaga oo Miinada ka guraya guryaha iyo duleedka Hargeysa ku waayey laxaadkiisa midkii ugu qaalisanaaa. Balse waxa uu Ahmed Siilaanyo ka galay nabsi dhawaan la arki doono ( Ilaahay bay tiisa tehee …taa iga qora).

 

Horraantii labada kun markii uu Mr Haaruun soo galay dalka Ingiriiska ayaa uu bilaabay waxbarashadiisa dhexe, waxana uu ku guulaystay in uu shahaadad sare oo jaamacadeed ku qaato cilmiga bulshada iyo siyaasadda.

 

Mudane Mohamed waa shakhsi Ilaahay ugu deeqay fahmo iyo garasho dheeri, waxa uu si cad uga hadlaa wanaagga u soo kordha Somaliland, waxa kale oo uu naqdiyaa waxa ka qaldan xukuumadda Somaliland.

 

Aqoon yahankani waxa uu si fiican ugu xeel dheer yahay aqoonta siyaasadda iyo luqadaha sida  Englishka. Waana qoraa wax ku qora labada luqo ee afka English ka iyo kan uu u dhashay ee Somaliga.

 

Haddaba xalay oo uu ka mid ahaa dadkii wakhtiga iyo fursadda u helay in ay la kulmaan Madaxweyne Siilaanyo ayaa uu madashii kala kulmay hadallo bahdilaad ah oo aan sharaf iyo ixtiraam midna huwanayn. Dadkii madasha fadhiyeyna  qaarood ayaa oohin la ilmeeyey, iyaga oo eegaya hadallada waafiga ah ee uu Mohamed Haaruun weydiiyey Ahmed Siilaanyo iyo sida qafal xumada ah ee uu ugu jawaabay Siilaanyo. Isaga oo difaacaya Wasiirkiisa Arrimaha dibadda oo ay dad badani aad u dhalliilsan yihiin.

 

Ahmed Siilaanyo oo u adkaysan waayey su’aashii uu aqoonyahanku boobay ee runta ku salaysnayaa, ayuu Siilaanyo jawaab uga dhigay,’ Mahamed Abdillaahi waligayba wasiir ayuu ii ahaanayaa, mana baddalayo inta halkan fadhidana waa uu iiga qiimo badan yahay.’ Hadalkaasi oo dhinacyo badan laga eegay.  Isweydiintii ujeeddada uu ka lahaana ay noqotay, Ma qabyaaladbaa uu u eryanayey? Ma Indha la’aanta ayuu mooday in aanu garab haysan amma aanu wax ku samayn karin? Ma si xun ayuu fahamay su’aashii aqoonyahanka? Ma ma m a?

 

Si kastaba halloo qaatee, bal aan eegno maqaal uu Mohamed Haaruun kaga hadlay sida sheekadu u dhacday, waana ka ee ila akhriya:

 

Kulankii Madaxwayne Siilaanyo iyo kalmadihii aan boobay! By M. Haaruun.

 

 

Ma maqli jirteen cabashooyin ah, “Madaxwayne Siilaanyo iyo shacabkiisa dad muraad leh baa u dhexeeya?” Wixii la sheegoba wax uun baa ka jira. Eedayntaas oo nool aniga ayaa u soo joogay. Shir dhan, oo guulwadayn iyo hees walwaaleed uun laga qaadaayo, oo dadwaynihii in hal qof ka hadlo la diiday baan tagay, kadibna hadalkii baan boobay. Oo maxaan u booby waayay ma jid kale ayaa ii furnaa. Wax kastaaba way dhacaan ee bal ila wadaaga siday wax u dhaceen!

 

 

Xalay (13 Feb, 2013), waxan ka qayb galay kulan loo qabtay Madaxwaynaha Somaliland, Mudane Silanyo iyo xubno door ah oo la socday. Laba maalmood ka hor baa na loo sheegay in 7:00 fiidnimo, Hotel Sheriton Madaxwaynuhu dad kooban oo labaatan aan ka badnayn kula kulmaayo, talo na waydiinaayo. Arintii sidii uma dhicin ee dad ka badan labaatankii, iyo warbaahinta oo aan la filaynin baa yimid. Waftiga Madaxwaynaha oo aad u soo daahay baa soo galay iyadoo markaas wakhtigii hotelka la kiraystayba uu gabaabsi ku dhawyahay, wax cudurdaar ahna ma bixinin. Madashaas goob-joog baan ka ahaa.

 

Horeyba shirkii baa laga furay. Shirka waxa furay nin magaciisa la iigu sheegay Xariir. Koleyba intaan maqlaayay ama la kulmay hadal-qaybiye ama hogaamiye shir wuxu ahaa ninkaasi midkii iigula liitay. Wuxu judhiiba ku margaday oo sixi waayay magacii Madaxwaynaha, waxoogay baana lagu qoslay, loona saxay. Hadana Wasiiradii midkood ayuu is yidhi dadwaynaha u sheeg, kina wuu garan waayay magaciisii. Kolkay talo halkaas maraysay, ayaa waftigii go’aansadeen inay iyaku dadka isu sheegaan, oo nin waliba ka uu yahay tilmaamo.

 

Waa laga gudbay, ninkii Mr Xariir wuxu hadalkii siiyay dhawr qof oo si foolxun u guulwadeeyay. Isaga qudhiisu guulwadaynta dhinac buu ka waday oo mar kasta oo fursad uu u heloba hadal guulwadayn ah buu sheegaayay. Hadalkii hadana wuxu siiyay nin lagu magacaabay Maxamed Yoonis oo la ii sheegay inuu Wasiir ku xigeen mar ka ahaa Wasaaradda Khaarajiga. Mr Yoonis, oo sababtu waxay ahaydba, codka hadalkiisa oohin laga dareemaayay bilawgii, ayaa hadalkii cabaar haystay. Isaga iyo Xariir oo hadalka u dhiibayba waxay si badheedh ah u sheeg-sheegeen hadal laga wada dhadhansaday durid Xassan Ciise loola jeedo. Dadka badankoodu hadalkaas ma jeclaysan, qaar u sacabiyayna waa jireen. Mr Yoonis weerarkii uu Xassan Ciise ku qaaday waxa u raacaayay amaan uu u jeediyay Wasiiro dawladda ka mid ah sida Wasiir ka madaxtooyada (Xirsi), Khaarajiga, (Cumar), iyo Madaxwaynahaba. Maan moodaynin Reer-Somaliland inay Guulwadayntu heerkaas ka gaadhay. Waan yaabay dhab ahaan. Hadmaa dadkii sedan u doorsoomay? Baan hoos isu waydiiyay. Mr Yoonis wuxu malaha ka dareen qabay in nimankaas Wasiirada ah dhaliilo badan had iyo jeer loo jeediyo, waxaanu isku dayayay qiyaastaydii, inuu daafaco, waan se hubaa inaanu halna u tarin.

 

Intaas kadib, Wasiiro, xildhibaano, iyo nin la ii sheegay inuu Xeer-ilaaliyaha Somaliland yahay baa iska wada daba hadlay, dhamaantoodna hal waddo ayay haysteen. Way cawdeen dhamaantood, waxaanay sheegeen in maamulka dhaliilo uun loo jeediyo, oo waxay qabtaan baa an indho loo lahayn. Mid kastaaba hadal noocaas ah oo cabasho ay saldhig u tahay buu jeedshay. Xildhibaan magaciisa lagu sheegay Cali-mareexaan, oo sidaan dareemaayay, ugu aftahansanaa ayaa sheegay inay malaha ciladdu tahay iyaka (dawladda) oo aan si wacan wax-qabadkooda u sheeg-sheegi aqoonin. Wasiir Geeljire oo hadlay isagu wax kaleba kama hadlin ee Xildhibaankii ka horeeyay (Cali-mareexaan) ayuu ka daba tagay warkiisii, waxaanu tilmaamay inay sheegi yaqaaniin waxooda, laakiin aanay cidi dhagaysanaynin. Riwaayad uu sheegay in waa hore la dhigay, oo Sooraan uu jilaa ka ahaa buu noo soo qaatay, riwaayad se cidi uma fadhiyin. Isku soo wada duuboo, aniga malahayga, kooxdii Siilaanyo hortiis shirka ka hadashay, ee dadka caajisiyay dhamaantood wax macno leh kama hadlin.

 

Madaxwayne Silanyo oo ay ugu dambaysiiyeen, wakhtigana ka rideen ayaa ugu hadal wacnaa dhab ahaan. Hadal badan ma odhanin, lakiin hadal micno leh buu yidhi. Wuxu sheegay inay wax qabteen, dhaliilo na ay jiraan, macsuum na aanay iyaku ahayn. Wuxu tilmaamay in la dhaliilaa ay dhaqanka dimuquraadiyadda ka mid tahay, diyaarna ay u yihiin. Wuxu sheegay inay dawladda ingiriisku kala hadashay shirka London lagu qaban doono ee Soomaaliya, ayna ka tashan doonaan xiliga munaasibka ah. Kolka loo eego Siilaanyihii xiliyadda qaarkood, hadalkaasi mid kooban buu ahaa, hadal se macno leh buu ahaa.

 

Intaas kadib maxaa dhacay? Kooxdii shirka maamulaysay waxay si ku talagal ah ugu dadaalaayeen, ama ka dadaalayeen, inaanay dadka shirka yimid hadalka fursad u helaan oo wakhtigu sidaas ku dhaco. Waxa muuqanaysay inaanay doonaynin in su’aalo waftiga la waydiiyo, ama faalo cidi bixiso. Intii hadalada “guulwadaynta” ahi socdeen, ayaa dadka waraaqo yaryar loo qaybshay, si cidii su’aal qabtaa ugu qorto. Habkas marar badan baa horey loo isticmaalay, suaalaha aan la jeclaysanin na, waa la iska tuuraa uun. Sidaas darted, cidiba badiyaa ma xiisayso inay su’aal qorto.

 

Kolkii ay xaajo halkaas maraysay, Madaxwaynihii na hadlay, wakhtigii shirkuna gabagabo ku dhawyahay, dadkiina niyad jabsanyihiin oo aanu hal qof dareemadii bulshada iyo waayihii taagnaa ka hadlin, ayaan anigu qof ahaan go’aansaday inaan hadlo fasax la’aan. Waan u badheedhay taas dhab ahaan, maxaa yeelay jid kale oo ii furaniba ma jirin. Masaafo gaadhaysa 200 mayl anigu uma soo soconin inaan hadallo iska faaruq ah iyo guulwadayn soo dhagaysto. Waxan u imid, dadka badankooduna u yimaadeen, inay dareenkooda dhabta ah cabiraan hadayba Madaxwaynihii fursad u heleen. Waxay u yimaadeen, inay Madaxwaynaha ugu hambalyeeyaan wixii u qabsoomay, wixii ka qaloocdayna u tilmaamaan. Waxay kooxdii shirka wadday ii soo direen nin ka mid ah iyaka oo iga codsaday inaanan hadlin, laakiin ma yeelin. Hadal dhib leh ba maan u soconin, waxaanan fahmi waayay sababta aan loo doonaynin inay cidiba afka furto. Waa yaab saw maaha?

 

Anigu kolkii aan istaagay, ee hadalka bilaabay, salaam kadib, waxan madaxwaynaha ku hambalyeeyay darajooyinkii ciidamada ee dhawaan uu bilaabay. Waxan sheegay, oo saxna ah, inay arintaasi ahayd mid dhinaca saxda ah loo qaaday, labaatan sanona ay sabab la’aan u taagnayd. Waxan sheegay in sababta arintaas loo dhaqaajin waayay ay karti daro, iyo asbaabo kale oo liita, oo ay ka mid tahay qabiilkee darajooyinka la bixiyo badsan doona, iyo kee yaraysan doona darted ahayd. Waxan sheegay, ilayn inaan guulwadeeyo isuma taagine, in Somaliland ay cilad wayni haysato, ciladaasuna ay tahay inaan wixii qaldan la isu sheegin. Waxan sheegay, in kooxdaas isaga la socota oo dhami ay ku dadaalayaan inaan dadka shirka joogaa wax hadal ah odhanin. Waxan sheegay inay dadkani dalka la leeyihiin, sidiisa oo kalena lexejeclo wadanka ka hayso. Waxan sheegay dhaliil sheegistu inay umadaha dhisto, dhaliil sheegis la’aantana lagu dumo, oo tii Maxamed Siyaad ee isagu (Madaxwaynuhu) uu goobjooga u ahaaba ay sidaas ku duntay.

 

Waxan sheegay in dhibaatooyinka dawladiisa haysta ay ugu wayntahay, siday aniga ila ahayd, gaabisnimadda Wasaaradda Khaarajiga. Waxan sheegay, oo shirkana keenay, oo qaybo ka mid ahna meesha ka akhriyay, waraaq Ingiriisi ah, oo uu Wasiir Khaarajigiisu dhawaan (January 29, 2013) qoray. Waraaqdu waxay sheegtay inay Somaliland ku ‘fashilantay’ inay kashifto wax cadayn ah oo taageeraaya talooyinkii dhinaca amniga ee dhawaan dawladda ingiriisku bixisay. Kalmadda “Fashilka, failure” oo Wasiirku uu adeegsaday ayaa hadalkiisa micnihii uu ka watay mooyee mid kale u yeeshay, foolxumo dhacday baanay ahayd. Kolkaan halkaas maraayay, ayaa la igu shimbiro-waaqleeyay, shirkiina qasmay. Inyar oo doonaysay inaanan hadalka sii wadin, iyo in badan oo lahayd wad hadalka ayaa loo qaybsamay, labada kooxoodna way qaylinaayeen. Waxba se igama galin “Kol hadaan ka gabyay, go’aygiina ka qaatay.” Waa halkii Nuur-laangadhee. Waxan ka xumahay inay iga dhex galeen talada qaybtii ku saabsanayd Xassan Ciisaha ay meesha hadalada u marinaayeen, oo aan jeclaa inaan ku idhaaho, Mr Madaxwayne, kolka aad Hargeysa ku noqoto, ninkaas Xassan ah adigu qof ahaan baabuurkaaga qaado oo gurigiisa ugu tag, arintana xalkeeda doon oo warbaahinta fariimo ha u marinin, cidna ha u dirin. Laakiin mabay igu simin guulwadayaashii meesha bash-bash lahaa.

 

Fal-celintii Madaxwaynaha! Kolkay halkaas maraysay, cabaar kadib baan fadhiistay, hadalkiina waxa qaatay Madaxwaynaha. Madaxwayne Siilaanyo wuxu u holladay kalmaddo kooban oo Wasiirkiisa uu ku daafacaayo, garna wuu u lahaa kolka dhinac laga eego. “Madaxda waa in la ixtiraamo, waraaqda ninkaasi sitto, (Waa aniga ninku, magacayga ayaanan u sheegay Madaxwaynaha, waanu isticmaalay), waraaqda uu Maxamed Haaruun sitto, oo aan filaayo inaanu akhriyin, (waxan u sheegay inaan akhriyay), waxa ku qoran lama hubo, wixii dhaliil ah ee Wasiirkayga ku socdaa, anigana waa igu socdaa, wasiirkaygana si buuxda ayaan ugu kalsoonahay, abidkiisna wasiir buu ahaanayaa.” Ayuu Madaxwaynuhu si cadho ka muuqato ugu tiraabay. Wasiirkiisa Khaarajigu wax la daafaco waa ka culusyahay xaalkiisu sida runtu tahay, inuu Madaxwaynuhu meesha uun kaga baxaayay, iyo inuu dhab ahaan ninkaas si buuxda ula hayo ma garanaayo. Wakhtiga ayaa sheegi doona. Dadka qaarkood baa ku dooda Wasiirkani inaanay cidiba shaqo qaran u diranin, wixii loo dirtayna uu ka adagyahay, laakiin wali doodaasi aniga igama daadagin.

 

Sidaas oo ay tahay, waxan horey u maqlay, in dad waxgarad ah, oo Madaxwaynaha ehelkiisa ahi ay talo mar ugu tageen, una sheegeen inuu Wasiirkiisa Xirsi iska fogeeyo sababo dantiisa iyo midda qarankuba ku jirto, waxaanan maqlay inuu soo diiday. Tii waagaas iyo middan caawa ayaan isu geeyay. Waxan sidoo kale xasuustay Waraaq aan mar akhriyay, oo talo qiimo gal ahi ku qornayd, oo qoraaga Maxamed Baashe uu ayaamihii Madaxwayne Silanyo la doortay hawada u mariyay. Waraaqdaasi qodobadii badnaa ee ay xambaarsanayd waxa ka mid ahaa mid Madaxwaynaha xasuusinaayay inuu waagii Qaaxo (ayaamihii SNM ta) rakaab (asxaab) aan wacnayn isku xeeri jiray, ayna tahay inuu dhaqankaas markan bedelo kol hadii aanay meeshu jabhadnimo ahayn, oo ay qaranimo tahay. Waxyaalahaas kolkaan isu geeyay, waxan is leeyahay Wasiir Khaarajigu wuxu haystaa bii’ad u saamaxaysa inuu wixiisii iska walaaqdo, oo talada umadda hadba gidaar kula dhaco.

 

Aan dhawrno mustaqbalka.

 

 

E-mail: mbiixi@gmail.com

 


This post has been viewed 3812 times.

Categories: Daily Somali News, OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal