Laanta Af Soomaliga VOA Sanadguuradeeda lixaad waa Khasaare meelo badan

Waxa Daabacay on Feb 13th, 2013 and filed under Daily Somali News, Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

VOAAwdalpress(Borama) 12 Feb, 13– Idaacada codka maraykanka laanteeda Af Soomaaliga ku hadasha ayaa u dabaaldegaysa lix sano guuradeedii 12 bishan Feb, dabaaldegan lixda sano ee ay hawada ku jirtay idaacadani ayaan macno badan u samaynayn gobolo badan oo lagaga hadlo Af Soomaaliga oo ku yaala dhulka Soomaalida.

VOA laanteeda Soomaaliga ku hadashaa waa mid maamulkeeda iyo weriyayaasha ka shaqeeyaa ku dhaqamaan nidaam beelaysan, taasi oo ay uga faaiidaystaan danahooda reernimo is riix riixa iyo tartanka ka dhexeeya qabaailka Soomaalida, taasi waxaa daliil u ah doodaha ay ka sameeyaan amase u qabtaan Soomaalida, qofka Aqoonta dheer u leh warbaahinta wuxuu si toosa u garanayaa dooda la wado cida loola dan leeyahay, tusaale ahaan marka laga doodayo Arimaha Somaliland weriyaha barnaamijkaasi diyaariyay wuxuu dood dhexdhigayaa siyaasiyiin meel amase gobol ka mid ah gobolada Somaliland ka soo wada jeeda, dadka doodaasi dhegaysanayaa waxay arkayaan in dadka doodayaa isku Afkaar ay yihiin, balse ay iska dhigayaan dad kala Afkaar ah, qaabkaasina waxaa u dhigaya weriyaha, Amase weriyaha warsanayaa maba garanayo in dadkan uu warsanayaa isku beel iyo gobol qudha yihiin, wuxuu ka warsanayaana ay yihiin wax kulmiya bulsho iyo gobolo badan,tusaale ahaan doorashadii deegaanka ee Somaliland ka dhacday aragtida ay ka qabaan dadka Somaliland in la musuqmaasuqay iyo in kale.

Magaalada Hargaysa waxay ku leedahay idacaada VOA laanteeda Af Soomaaligu FM, dadka reer Hargaysaad waxay u yaqaaniin naanays caan ah (DURYAMA) Iyagoo ugu bixiyay nuxur la’aanta barnaamiyadeeda iyo waxa ay ka hadasho oo ay saluugayaan.

Dhinaca Barnaamijyada dhaqanka Soomaaliga waxaa si weyn loogu dhaliilaa waraysiga uu kaga hadlo Suugaanta Mr,Idaajaa ee uu kaga waramo qoraaladii Kacaankii Siyaad bare ka diyaariyay hal Abuurkii Soomaaliyeed qaarkood, kuwaas oo si gaar ah loo xulan jiray uguna suntanaa Gabayaa gaar ah amase murti yaqaano gaar ah.

Gobolka Awdal iyo deeganadiisa ayaa looga Arkaa idaacad aan ku sifoobin dhexdhexaadnimo, maxaa yeelay dhegaystayaasha degen goboladaasi lama siiyo fursad ay kaga qaybqaataan qaybahooda bulshadu doodaha iyo barnaamijyada siyaasadeed ee idaacadaasi VOA laanteeda Af Soomaaliga baahiso, waxaa tusaale u ah Doorashadii golaha deegaanada ee ka dhacday degmooyinka Somaliland, khaasatan murankii degmada Saylac ayaa Idaacada VOA laanteeda Af Soomaaligu uga qaybqaadatay si aan dhexdhexaad ahayn, waxaanay si toosa iyo si dadbanba ula safatay cid ay dano gaara ka lahaayeen maamulka iyo weriyayaasha VOA laanteeda Af Soomaaliga ee ku sugan Maraykanka, waxaana tusaale u ah waraysi ay ka qaadeen wakhtigaasi Oday dhaqameedo beesha Ciise ah oo degen Ethoipia magaalada Diridhabe, waraysigaasi oo ahaa mid ku saabsanaa doorashada degmada Saylac, miyaanay kala laba wadan ahayn Saylac iyo Diridhabe ? Maxayse ahayd in Odayo beel gaar ah ka waraystaan Ethoipia gaar ahaan Diridhabe.

Marka laga tego bilawgii Idaacada VOA laanteeda Af Soomaaliga, waxaa hoos u dhac weyni ku imanayay dhegaysiga laanta Af Soomaaliga ee VOA, gobolada Awdal degmooyinkiisa, waayo idaacadu uma hagar bixin Abaarihii ka jiray degmooyin ka mid ah gobolka Awdal iyo dadkii faraha badnaa ee ku soo barkay deegaano ka mid ah degmooyinka gobolkaasi Awdal ka midka ah sida Lughaya oo dad badan ilaa hada ku sugan yihiin. Laanta Af Soomaaliga ee VOA kama hadasho dhulgariiro soo noqnoqda oo ka dhacay Boorama, kamana hadal horumarka ka socda Boorama iyo magaalooyin ka mid ah gobolka Awdal, sida dhismaha jidadka, Jaamacadaha, Cusbataalada iyo Arimo badan oo muhiim ah oo ay kaga hormarsan yihiin deegaano ka mid ah dhulka Soomaalidu degto, taasi oo tusaale fiican u noqon lahayd in lagaga daydo deegaanadan, Amase dhacday in lagaga dayday G/Awdal markii warbaahinta kale laga dhegaystay.

Si kastba ha ahaatee, dabaaldega sanad guuradii 6 aad ay dabaaldegayso, Idaacada VOA laanteeda Af Soomaaligu, waa mid u muuqata “Nin Is faanshay waa Ri’ Is nuugtay” waxaanay iila muuqataa in buunbuunis badan lagu sameeyay dabaaldegeeda lix sano ka dib, Madaxa VOA Mr.Devid Ensor waxaan u soo jeedin lahaa in aanay Amaan iyo sumcad la buunbuuniyaa aanay mudnayn laanta Af-Soomaaligu, Madaxa laanta Af Soomaaliga ee VOA Yabarow waxaan odhan lahaa dariiqa aad socotaa waa midkii qodxaha badnaa ee Yuusuf Garaad maray markii uu ahaa madaxa BBCda laanta Af Soomaaliga, waxaana ku jiitay qabyaalad iyo siyaasad aad moodayso in aad ku dhisayso beel amase isbahaysi beelo Soomaaliyeed oo gaar ah, isla markaana aad u malaynayso in aad taash ugu xidhayso qabaail iyo gobolo Soomaaliyeed, taasina maaha mid shacabka Soomaalida ah qaarkood aad dalacaad kaga helayso, balse waa caadawnimo dhexdooda aad isku Afnayso, mana aha siyaasada dawlada maraykanku u furtay laanta Af soomaaliga ee VOA in aad maatida iyo danyarta Soomaalida aad cufka shinbiraha u kala samaysato, Haddii gobolo iyo magaalooyin gaara Amaan iyo mashxarad kaa soo gaadhayaan, Gobolo iyo magaalooyin kale oo Soomaaliyeednawaxaa kuu guntan Dhaliil iyo Eedo, taariikhdaaduna waa mid qormaysa.

Awdalpress

 


This post has been viewed 1496 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal