Cadhada Saylici ma tahay mid tolkii uga hiilin karo? Mase tahay mid uu Shisheeye xal ka sugayo ?

Waxa Daabacay on Feb 8th, 2013 and filed under Daily Somali News, Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

FaalloAwdalpress(Somaliland) 08 Feb, 13- Sheekada siyaasadeed ee maalmahan ka socota gudaha Somaliland, isla markaana wargaysyada ka soo baxa Hargaysa ay qorayaan ayaa waxay tahay khilaafka soo kala dhexgalay M/weyne Siilaanyo iyo K/xigeenkiisa Saylici.

Sidoo kale Sheekadan khilaafka labada masuul waxaa si weyn u hadal haya bulshada ku dhaqan gudaha gobolka Awdal/Salal, hadal hayntaasi oo ah mid dareeno faro badan oo cadho iyo ciil kaambi siyaasadeed xambaarsan, waxana muuqda raadad dadku leeyihiin waxa ay u socdaan  in kala cabasho siyaasadeed ay ku iman karto beelaha Somaliland ku shiraakoobay.

Dadka Siyaasadaha Somaaliland falanqeeya ee indheer garad ka ahina, waxa ay iyagu farta ku fiiqayaan in marxaladda siyaasadeed ee  Somaliland ay cagta saartay wadiiqo ka leexsan wixii shacabka lagu maaweelinayey muddada 20ka sano kor u dhaaftay, isla markaan horweynta siyaasada Somaliland xaqiiqdii ay aaminsanaayeen u jihaysteen, waxaanay arimhaasi u daliishanayaa mawjadaha siyaasadeed ee sidii hirarka badda isku daba socda ee mawjadiba mid kale dhirbaaxayso, Isla markaana shacabku wejiga kor u qaadi la’yahay is hirdiga mawjadahaasi siyaasadeed awgood.

Dulucda maqaalka markaan u dhaadhaco M/xigeenka Saylici iyo Siilaanyo waa markii saddexaad ee khilaaf soo kala dhexgalo, Immika maahee laba mar oo hore ayuu Saylici Qasriga Madaxtooyada cadho kaga soo baxay, labada jeer ee hore waxaa arintooda dhexdhexaadiyay Wasiirro iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin Muuse Biixi,Abiib Timacad iyo C/casiis Samaale, Saylici oo keli ah ayuunbaana og waxa uu wakhtiyadaasi hore ka cadhooday iyo wixii lagu kala dhexdhexaadiyay, marnaba ma ogaysiin M/xigeenku khilaafka soo kala dhexgalay wakhtiyadaasi Siyaasiyiinta, Salaadiinta iyo Aqoonyahanka ay beel iyo gobol ka soo wada jeedaan, Marka laga reebo xubin golaha Guurtida ka mid ah oo la yidhaa C/raxmaan Obtical oo Abti ugu toosan, Isagana ay u sheegeen ragaasi hore u xusnay magacdooda.

Haddaba khilaafka hadda taagani waa midkii saddexaad sida aan soo sheegnay, waxaana guriga deggen yahay Saylici ee Hargaysa cagta ka dhigi la’a oo ka laba noqonaya Ergooyin nooc walba leh sida Siyaasiyiin, Odayaal, culimo, ganacsato iyo Aqoonyahan ka soo jeeda Beelaha dhexe ee Somaliland(Isaaq) kuwaas oo qaarna taageerayaan qaarna Sasabayaan M/xigeenka, sidoo kale imaatinka Ergooyinkaasi kala jaadjaadka ah ee is dhaafaya Guriga M/xigeenka waxaa indho debecsan ku eegaya Shaqaalaha guriga iyo in Asxaabtiisa iyo eheladiisa ah, waxa in la xuso mudan Guriga Saylici marna laguma arag intaas khilaafku jiro ee ergooyinka kale socdaan Suldaan gobolkiisa iyo haybtiisa ka soo jeeda, Siyaasiyiinta laba ilaa saddex waa la sheegayaa cagta soo saaray, oo aan talo buuranna ula iman.

Hadaba cadhada M/xigeenku ma noqon kartaa mid aan Tolkii uga hiilin karin marxaladda uu ku jiro, isla markaana keligii cidlo laga heli doono, sida dhacday mararkaa hore, mise waxa ay noqon doontaa mid uu yidhaa xidhahaygii ayaan u yeedhanayaa oo haddaan khaldanahay i qaban, hadii la iga qaldan yahayna qaladka idiin sheegi ?

Mase tahay in uu Saylici xal ka sugayo sidii mararka horeba dhacday, asxaabtiisuna u  odhan jirtay si xisbi ayaan ku dhamaynaynaa khilaafka ee ay ka midka ahaayeen Samaale, Muuse Biixi iyo Abiib Timacad.

Wayse tahay imika talada muuqataa in khilaafkan u dambeeyay la doonayo in Saylici laga takhaluso, waxaana taas caddayn u ah qoraallada ku soo baxaya wargaysyada, websidada iyo xanshashaqa siyaasadeed ee gudaha Hargaysa ee odhanaya labada sano ee dambe in uu dhamaysto Saylici xilkiisa lama rabo, oo waxaa la soo gelinayaa booskiisa C/raxmaan Talanyanle oo siyaasi Sool ka soo jeeda ah, Isagana waa Sayliciye waxaa la wadaa Mooshinkii xilkiisa lagaga xayuubinayo, iyadoo kooxaha ku kacsani ay u cuskanayaan Libaaxa weyn ayuu isha ku giiray !

Wayna tahay in cadhada dadkiisa iyo goboladiisu ka cadhaysan yihiin sida loola dhaqmayo ee tixgelin la’aanta iyo la tashi la’aanta ah, ay ku dambayn doonaan hal bacaad lagu lisay, mana aha qadiyadan khilaafka ee M/weyene iyo K/xigeenkiisa ka dhaxaysaa mid ku cusub shacabka gobolada Samaroon. Balse waa mid soo taxnayd tan iyo wakhtigii beelahaasi ay yeesheen mansabka M/xigeenka, waayo aragnimadii la soo maray iyo sidii ay iskugu dhaceena waa mid u baahan faalooyin kale oo aan ku qaadaa dhigno.

Awdalpress


This post has been viewed 2669 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal